SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ganacsatada Soomaaliyeed oo maalintii labaad ka Doodaya shaqo Abuuris loo Sameynayo Dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Xubno Ganacsato oo ay SomaliTalk la Yeelatey Wareysi

Kulan balaaran oo ay isugu yimaadeen Ganasato Soomaaliyeedd oo ka kala yimid Qaaradaha Yurub, laatiin Ameerika, Aasiya iyo Afrika oo tiradoodu gaareyso ku dhowaad 70 xubnood, Ururada Dhalinyarada wadaniga ah iyo kuwa taageera, Hay’adaha UNDP iyo Hay’ada Shaqaalaha aduunka ILO oo ay furitaankiisa goob joog ka ahaayeen Wasiirka Is-boortiga iyo dhalinyarada, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, Boostada iyo Is-gaarsiinta Dowlada Jabuuti ayaa lagu qabtey hoolka shirarka Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka Jabuuti 21/03/2009.

Kulan oo socondoona laba maalmood, islamarkaana ahaa aqoon is-weydaari ku saaban sidii dhalin yarada shaqo abuuris ay ugu sameyn lahaayeen Ganacsatada Soomaaliyeed, caqabada ka imaan kara iyo sida looga bixi karo ayaa furitaanka khudbadaha Mas’uuliyiinta kadib waxay dood kala duwan ka yeesheen qodobo kala duwan oo khuseeya baahida guud ee dalka iyo sidii lagu heli lahaa barnaamij ku haboon oo ay isla qaataan Ganacsatada.

Ganacsatadan oo intooda badan ka kala yimid Magaalooyinka Dubai, Muqdisho, Kiiniya, Hargeysa, Ugandha, Koofur Afrika, dalallka Yurub, iyo Mareykanka ayaa waxaa inoo suuragashey inaan wareysiyo gaagaaban la yeelano qaar ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadaha Soomaalida qaarkood iyo xubno ganacsato kale oo iska caadi ah.

Gudoomiyaha Shirkada Is-gaarsiinta Telecom Maxamed Cabdullaahi Sheekh "Midoobida Shirkadaha Runtii Shacabka Dan ugu ma jirto, Sababtoo ah …"


Maxamed Cabdullaahi Sheekh

Gudoomiyaha Shirkada Is-gaarsiinta Telecom Maxamed Cabdullaahi Sheekh oo ka mid ahaa xubnihii kasoo qaybgaley shirka oo aan wax ka weydiiney ujeedada shirka, waxa uu kaga duwan yahay kulamadii hore u dhici jirey kalankan ayaa wuxuu yiri "shirkan waxaa martiqaad inoo fidiyey wakiilka Qaramada Midoobey ee u qaabilsan arimaha Soomaaliya, ujeedadiisuna waxay tahay sidii shaqaaleyn ku wajahan dhalinyarada Soomaaliyeed guud ahaa wadanka, taasoo ah fakir fiican, laakiin waxay u baahan tahay wax qabad badan, gaar ahaan meelaha nabadgelyadu ka jirto, maamuladuna inta badan gacan bay ka geystaan, maadaama shirkadu ay tahay shirkad shaqo abuuris u taagan, waxayna bixisaa adeeg bulshada ay u baahan tahay, anagu yoolkeenu waa inaan gaarsiino wadanka oo dhan"

"Hadii aan is-barbar dhig ku sameeyo kulankan iyo kii horena, runtii kulanka furitaankiisa waa cusub yahay, walina ay doodihiisa dhiman yihiin iyo natiijooyinkiisa, runtii wadanku wuxuu u baahan yahay wax qabad badan, wixii lays orankaro wax baa ka soo baxaya waan soo dhaweyneynaa, waxaana u maleynayaa inaan qayb ka noqoneyno, marka xigana aniga kulamo badan kama qaybgelin, maadaama kulanku uu ku saaban yahay arimo shaqaale oo shirkaduna ay tahay shirkadaha ugu shaqaaleynta badan dalka Soomaaliya oo ay shirkaduna ka hawl gasho guud ahaan wadanka oo dhan, shirkaduna guud ahaan waxaa ka shaqeeya 1400 oo qof, marka la eego Somalind waxaa jooga 450, Puntaland waxaa joogta ilaa 350, Gobolada Koofureed iyo kuwa dhexe ee Soomaaliyana waxaa jooga 850 Qof, marka arinkaas ayaanu daneyneyney inaan wax ka ogaano wixii talo ah, laakiin shirar hore oo aan ka qaybgaley ma jirin, sababtoo ah shaqaalaha dalka jooga ma ahan kuwo xirfadeysan, waxaan ku qabnaa dhibaatooyin fara badan dadka aan aqoonta u laheyn, mana laha tababaro xirfadeysan oo ku saabsan aqoonta Is-gaarsiinta, taasoo nagu kaliftey dadkii inaan wax badan barno qalabkii sida loogu shaqeeyo, qalabkaas lagu tababaranayo waxaa naga soo gaarey dhibaatooyin fara badan, waana arimaha aan dooneyno inay wax nagala qabtaan, Hay’adaha caalamiga ah iyo Ururada ku shaqada leh, waxaa keloo aan ka sugeynaa ama aan ka dooneynaa in la dhiso Machadkii Is-gaarsiinta oo dalku uu yeesho" ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Sheekh mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd waxa uu kaga duwan yahay kulamadii hore u dhici jirey kalankan?.

Mar aan weydiiyey Maxamed Cabdullaahi ma jirtaa tilaabooyin aad ku dooneysaan inaad ku midowdaan shirkadihiina Is-gaarsiinta ayaa wuxuu yiri "midoobida shirkadaha runtii shacabka dan ugu ma jirto, sababtoo ah tartanka ayaa wax ugu jiraa dalka, laakiin waxaa fiicnaan lahayd in la helo xakameyn u baahan in lakala hago hantida dalka, sida hantida dadweynaha oo mararka qaarkood hal meel isugu tegeysa".

Muuse Ganjab "Waxaa ka Wanaagsaneyd Inta uu UN-ka na Casuumi Lahaa Inaan Anagu Isuyeerno, Laakiin Hada Waa Nalooga Hormarey, Waana Ayaan Daro…"


Dr. Muuse Xaaji Maxamed Dhiblaawe(Muuse Ganjab)
 

Dr. Muuse Xaaji Maxamed Dhiblaawe(Muuse Ganjab) oo isna ka mid ah Ganacsatada Soomaalida ee dalka Koofur Afrika ayaa wuxuu yiri "arimaha looga hadlayey aqoon is-weydaarsigan, waxay ahayd sidii dhalin yarada loogu abuuri lahaa shaqo, waxaana layska weydiiyey su’aalo badan, sida dhinaca amaanka, taageerada Dowlad, sida ay wax u qabanayaan Ganacsatada iyo hantida shaqo abuurista sida beri lagu heli karo hantida gasha, su’aaluhuna wey badan yihiin, 20 Sano wadan bur burayey oo hoos u socdey wey dhib badan tahay in maalin lagu soo koobo, sababtoo ah Ganacsatada iyagaa wadanka iska leh marka loo eego UN-ka, waxaa ka wanaagsaneyd inta uu UN-ka na casuumi lahaa inaan anagu isu yeerno, laakiin hada waa nalooga hormarey, waana ayaan daro, waxayna u baahan tahay ka Soomaali ahaan inaan arintan si wanaagsan u eegno, inagoo aan waxba weydiisan aduunka ayaan wax qabankarnaa, waxaana aaminsanahay in wax fiican ay ka soo bixikaraan hadii aan isla fahano, sababtoo ah dalkaan dad baa iska leh iyagaana meeshan soo gaarsiiyey, 20Sano kadib ruux kasta wuxuu doonayaa inuu wadnka hagaago," ayuu ku jawaabey Muuse Ganjab mar uu ka hadlaayey Ujeedada shirka.

Mar uu ka hadlaayey meelaha ay ka kala yimaadeen Ganacsatadan Soomaaliyeed aya wuxuu yiri "waxaa ugu badan Ganacsatada ka timid Dubai, Soomaaliya, Kiiniya, Koofur Afrika waxaan ku nimid 2 ruux, Ugandha 4, qaar kale waxay ka yimaadeen Yurub, marka laysugeeyo waxay gaarayaan ilaa 70 Qof, laakiin dadka arinta ka go’do waa ganacsatada Dubai, kuwa Soomaaliya iyo kuwa Kiiniya joogo, markii arimaha oo dhan laga doodey ganacsatada wey garaabeen, marka loo eego kulamadii horena wuu ka duwan yahay kuwii hore, sababtoo ah kuwii hore waxay u badnaayeen qaab siyaasad"

"Soomaalida sidoodaba Koofur Afrika keligood laguma dilo,sanad walba waxaa ku dhinta Koofur Afrika tiro aad u badan ilaa dhowr iyo Toban kun oo qof ayaa la dilaa Sanadkii, waxaana kubadan dilka, Kufsiga, Boobka iyo dhaca,sababtoo ah wadaniyiinta ma wadahaystaan wax ku filan, waxaana ka jira laba dabaqadood oo aad u kala sareysa, soomaaliduna waa dadd aad u dadaaley oo shaqo badan ka qabtey dalka, waxayna ku leeyihiin ganavcsiyo kala duwan, waxayna inta badan tagaan meelaha ugu amaan daran dalkaas, waan meelo ku fiican Ganacsiga, laakiin kama jiraan sharci iyo kala dambeyn, waxaa kale oo jira dhibaato dhinaca luqada ka haysato mararka qaar, waxay isku dayaan meel ay wax ka soo bilaabikaraan, marka meelahaas ayey tagaan waana lagu dilaa, sanadkii 2008-dii waxaa lagu diley 102 oo Soomaali ah, sanadkaan waxaan mareynaa ilaa 8 qof, waxaana ku jirnaa bishii 3-aad, rajaduna waxay ku egtahay ilaa uu dalka ka dego, laakiin Soomaalida ku nool waxay aaminsan tahay in arintooda ay tahay nooc ka mid ah Jihaadka, maadaama ay ka soo carareen wax ka daran, tirade ku nool Soomaalida dalka Koofur Afrika waxaa lagu qiyaasaa 25000 ilaa 30000, boqolkiiba sagaashana waa dad shaqeysta, waxayna u badan yihiin dad dhalinyaro ah, da’dooduna waxay isugu jirtaa 18 ilaa 30 Sano, waxa kale soo hara waxay isugu jiraan Rag, Haween iyo Caruur, Wasaarada Arimaha Dibada dalka Koofur Afrika waxay bilaabeen in arimaha Soomaaliya ay wax ka qabtaan, anaguna waxaan u diyaar garowney inaan ka shaqeyno isusoo dhawaanshaha labada dal Soomaaliya iyo Koofur Afrika, waxaana qabaa dowladihii hore ee KMG ahaa wey ka awood badan tahay Dowladan, waxayna ku dhowdahay Dowladii Militeriga ahayd, sababtoo ah waxaa aad u yar inta ka soo horjeeda" ayuu ku jawaabey mar uu ka hadlaayey arimaha soomaalida ku nool dalka Koofur Afrika.

Cabdullaahi Yuusuf Indhocaad "…Dadka Soomaaliyeed UN-ku Shirarka ay Qabtaan, ma Aaminsana, Waxaa ku Baahsan Wax UN-ka Keliya…"


Cabdullaahi Yuusuf Indhocaad
 

Cabdullaahi Yuusuf Indhocaad oo ka mid ah Ganacsatada ka timid Dubai ayaa isna wuxuu yiri "anigu waxaan ka mid ah ganacsatada Dubai ka timid, waana meesha Ganacsatada Soomaaliyeed ay ugu xooga badan yihiin, waxaan is leeyahay shirkadaha Magaalada Dubai ka jira ee Ganacsatada Soomaaliyeed inay gaarayaan 500 ilaa 1000 inta u dhexeysa, mana jira wadan dibada ah oo intaas ay joogto, marka laga reebo waxaa kaloo jira magaalooyin kala duwan, sida Shaariqa iyo Cujmaanoo ay iyaguna ku sugan yihiin ganacsato badan, Ganacsatada Soomaaliyeed badeecadeeda ugu badan waxaa laga keenaa Dubai, ama aan iraahdee Imaaraadka Carabta, waxaa kale oo la geeyaa xoolaha Soomaaliya dalallka Carabta, waana meesha ugu xooga badan ee la geeyo xoolaha Soomaaliya" ayuu ku jawaabey mar uu ka hadlaayey ganacsatada Soomaaliyeed ee jooga magaalada Dubai.

Mar aan weydiiyey ganacsatada intaas la eg sow lama orankaro iyagaa dalkii bur buriyey mar hadii awood intaas la eg ay ku leeyihiin dal aysan lahayn ayaa wuxuu yiri"lama orankaro sababtoo ah, hadii aysan jirin Ganacsatada intaa la e gee joogta wadankaas, waxaan qabaa dalka Soomaaliya dhibaato weyn baa soo gaari lahayd, qof kasta oo Soomaali ahna waa ogyahay in meesha wax ka yimaadaa ay tahay Dubai, waana kuwa wax u qabtey Soomaaliya, Ganacsatada uun baa loo shaqeeyaa, mana jirin meel kale oo loo shaqeeyo, shirkad kasta waxay laan ku leedahay Gobolada dalka, wadankuna lagama guurin ee shirkad kasta waxay u baahan tahay xafiis iney ku lahaato, sidaas baana looga maarmeyn, markaan eego dadka hada Dubai ka yimid waxay gaarayaan ilaa 40 Qof, waxayna leeyihiin Urur hore oo ay ku mideysan yihiin, inkastoo ay hada habacsanaan ay soo foodsaartey oo Ururka dhexdiisa ah, dhowaana waxaan ku talo jirnaa in dib loo hagaajiyo".

"hadii aan eego shirka ka socda Jabuuti ee manta inoo bilowdey, wuxuuna u socdaa si wanaagsan, waxaana rajeynayaa wax dadka Soomaaliyeed wax u tara iney ka soo baxaan, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed UN-ku shirarka ay qabtaan ma aaminsana, waxaa ku baahsan wax UN-ka keliya dan u ah shirarkaas oo keliya ay ku kooban tahay, kuwaasoo lagu qabtey meelo kala duwan oo aan wax natiijo ah ka soo bixin, waana kulankii iigu horeeyey oo aan ka soo qayb galo kulankaan"mar aan weydiiyey Ma is leedahay wax dalka iyo dadka Soomaaliyeed dan ugu jirto ayaa ka soo baxaya shirkaan.

Gudoomiyaha Shirkada Diyaaradaha Cosob, Cabdiqaadir Cosoble Cali "Ganacsatadu Waxayna Dowlada ku Taageereen Intii ay Timid Lacag Gaareysa Ilaa iyo Hal Milyan, bulsho…"


Cabdiqaadir Cosoble Cali

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Shirkada Diyaaradaha Cosob, Cabdiqaadir Cosoble Cali oo aan kulmey ooka mid ahaa xubnihii hore uga qaybgaley shirarkii hore loogu qabtey ganacsatada Soomaaliyeed ayaa isna waxaa uu yiri "shirkaan waxaa isugu yimid Ganacsato iyo bulshada rayidka qayb ka mid ah, marka laga reebo qaabka shaqooyinka loogu abuuri lahaa, inkastoo isku day kasta oo la sameeyana waxa qabankara waa Dowlad, wax kasta waxaa ka horeeya Amniga sidii loo sugi lahaa,dowladuna waxay ku imaankartaa iney ka wada shaqeeyaan Ganacsato iyo wixii la halmaala,shirarka meel walaba ayaa lagu qabtaa waxaana ka soo baxa Go’aamo iyo aragtiyo kala duwan oo la soogudbiyo, waxa wax ka soo baxaya waxay tahay dabakicii iyo dhaqangelintii waxyaabihii ka soo baxay, waxaana aaminsanahay in la dabakaco wixii ka soo baxa shirkaan, Hay’adaha doonaya in laga hadlo shaqo abuurista Dhalinyarada qayb weyn ayaa ka saran, sababtoo ah waxay shaqaalo ku leeyihiin dalka dibadiisa, marka si ay iyaga qabweyn uga qaataan waa in shaqaalahooda gudaha ay u soo wareejiyaan, si ay ugu noqoto shaqo abuuris dhalinyarada, waxyaabaha aan u tilmaaney ayey ka mid tahay, Soomaaliya 20-kii Sano ee la soo dhaafey ma jirin wax la yiraahdo shaqo abuurin, intaasna baahida jirta waxaa daboolayey ganacsatada Soomaaliyeed" ayuu ku jawaabey mar aan weydiiyey ma is-leedahay natiijo wax ku ool ah ayaa ka soo bixi kara shirkaan?.

Sidoo kale mar aan weydiiyey ma markii kuugu horeysey oo aad ka soo qaybgashaa kulankan mise waxaa jirey kulamo hore uga qayb gashey, muxuuse kaga duwan yahay kuwii hore ayaa wuxuu ku jawaabey "waa kulankii Afraad oo aan ka qaybgalo, waxaana kan ka horeeyey 3 kulan oo kale, intii aan la soo dhisin dowladii TFG-da hore, marka laga hadlo farqiga u dhexeeya kulankan iyo kulamadii hore waxay tahay, kulamadii hore iyadoo aysan dowlad jirin ayaa la qabanayey, waxaana qabanayey Hay’ado iyo Ururo kala duwan, lamana garaneyn meel loo socdo iyo meel laga yimid, hadase Soomaaliya waxay leedahay Dowlad, waa wax in mudo ah ay sugayeen Dowlad ku timaada rabitaanka shacabka, waxayna wadaa Kitaabkii Alle, marka hadii aanu nahay Ganacsato waxay inooga baahan tahay inaan ka shaqeyno sidii loo kaabi lahaa dowlada, waxaadna ogaataa dowladihii kala duwanaa ee la soo dhisaayey iyo Ganacsatada mar walba waxay kala qabeen sheki weyn, marka hada waxaa is bedeley is-faham weyn oo ka dhex dheshey Ganacsatada Soomaaliyeed ee jooga magaalada Muqdisho iyo dowlada, Ganacsatadu waxayna dowlada ku taageereen intii ay timid lacag gaareysa ilaa iyo Hal Milyan, bulsho kasta waxay leedahay qayb xun iyo qayb san, ganacsataduna lama wada dhihi karo bur burkii ayey qayb ku lahaayeen, laakiin way jiri karaan kuwo ka qayb qaatey arintaas". Ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Cabdiqaadir Cosoble.

Laakiin marka si guud loo eego ganacsatadii ka soo qayb gashey shirka ayaa waxay u muuqdeen kuwa aan isu dhigmin dhinac kasta, qaar ka mid ah ganacsatada waxaa ka muuqdey, mas’uliyadii lagu yiqiiney wadani Soomaaliyeed, halka kuwa kale ay u muuqdeen kuwo kusoo caan baxay dhibaatadii iyo bur burkii ka jirtey dalka Soomaaliya mudadii 19-ka Sano ahayd, waxaana ka muuqdey tilmaamo badan oo la taaban karo oo aan sharaxaad laga bixinkarin sababa badan jira awogood, halka kuwa kale ay ahaayeen ganacsatadii hore ee Soomaaliya, kuwaasoo ahaa dadd u badan kuwo gaboobey oo xambaarsan fikir hore looga soo gudbey, waxaase si weyn looga dheehanayey in aysan ku mideysneyn guud ahaan arimaha xalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, balse ruux kasta wuxuu dareemayey baahida jirta ee soo celintii Nidaamkii iyo kala dambeyntii luntey, wuxuuna ahaa ruux keligii meel ku oodan, hase ahaatee waxaa xaqiiqo ah in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin Shaqo Hub ku bedelasho, inkastoo muuqaalo kale oo aan hore usoo muuqan jirina ay soo baxeen, taasoo ay ugu horeyso in shaqaalaha Hay’adaha Qaramada Midbooyey iyo kuwa kale ee ka hawlgala Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku lugta leh arimaha siyaasada, dhaqaalaha iyo wax-barashada ay caqabad ku yihiin nidaanka dowladnimo ee Soomaaliya, si ay iyagu iyo kuwa kale ee Ajnabiga ah u ahaadaan dowlada jirta.



Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS