SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Waxqabadka Idaacada ETN ee Puntland

Halkan ka Daawo Waxqabadkii ETN-TV: http://blip.tv/file/1899095/ 

Waxa aanu aad ugu faraxnay markii la soo daayey aasaasihii Idaacada RTN TV ee Puntland Abdiweli Sh.Xasan. Abdiweli, waxa uu daaha ka qaaday idaacadan sanadkii 2005, kana hirgaliyey magaalada Boosaaso, gaarsiiyeyna in laga daawado magaalada London.

Abdiweli, waxa uu ka mid yahay aqoonyahanda fara ku tiriska ah ee ku laabtay wadankii hooyo (Soomaliya) oo ka hirgaliyey barnaamij la taaban karo oo ay ka faa’ideysteen in ka badan boqolaal qof oo shaqo ka heley iyo million qofood oo si toos ah ugu xiran barnaamijyada ka baxa ETN—TV oo u badan kuwo ku salaysan waxbarasho, caafimaad, iyo arimaha bulshada. ETN-TV, waxa kale oo ay sameeyaan barnaamijyo kedis ah oo ay ardeyda iskuulada isku dhaafsadaan aqoon isweydaarsi iyo su’aalo ku fadhiya aqoon.

Hadaanu nahay bahda Somali Media iyo dhamaan Soomaalida degan dibada oo ay ku jiraan reer Puntland, waxa aanu hanbalyo iyo taageero u direynaa idaacada ETN-TV oo aanu leenahay sii wada dadaalkiina iyo waxqabdkiina, marnabana ha uga leexanina wadada, dad iyagu aan waxba soo kordhineynin oo doonaya intii dadku heysteen in ay ka burburiyaan.

Ugudanbeytii, hadaanu nahay bahda saxaafada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka dibadiisa in aanu aad uga xunahay in lagu xadgudbo aasaasihii ETN TV oo laga kaxaysto xafiiskii lana xiro shuruud la’aan. Waxa aanu ka codsaneynaa dowlada Puntland in ay siiso idaacada ETN TV magdhow ku saleysan: shaqo joojintii ay ku sameeyeen idaacada, sumacadii idaacada oo ay khalkhal geliyeen, iyo in shaqsi ahaan u weerareen asaasaha ETN TV (Abdiweli).

Halkan ka Daawo Waxqabadkii ETN-TV:

Somali Media
Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS