SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS


Minneapolis: Masjidka Rowda oo Salaaddii Jimcaha ee ugu Horaysay lagu Tukaday

Jimacadi (March 20, 2009) ayaa lagu oogoy Salaaddii Jamcaha Masjidka Cusub ee ROWDA , waxaana Soo Camiray Dadka dagan aaggga Masaajiddku ku yaalo dadkaas oo u badanaa kuwo ku tukan jiray Masjidkii la xiray ee Shaafici ee ku yaalay Xaafadda Cedar oo aan ka fogayn goobta Masjidkaan Cusub laga furay.

Somalida dagan Aagga Masaajidka Cusub laga Furay ayaa aad u faraxsanaa ayaga oo muujinaya farxad iyo soo dhaweyn. Khudbadii Jamcaha ayaa waxa halkaas ka akhriyey Imaamka Masjidda ROWDA Sh. Cabdirizaaq Sancaani asaga oo ka hadlay Ahmiyada Masaajidda iyo u Jeedooyinka Loo dhisay iyo Doorka ay Bulshada ku leeyihiin iyo waliba baahida loo qabo waqooyiga america gaar ahaan Gobalkan Minnesota.

Masjidka cusub ee ROWDA ayaa waxa uu ku fadhiyaa Dhul le'eg 6300 oo Square Feet, waxana uu leeyahay meel Gawaarida la dhigto (Parking) iyo waliba dhawr dariiq oo gawaarida la dhigan karo jidka Steet 25 st iyo 24 St iyo waliba 26.

Masaajidku waxa kale oo uu leeyahay qol weyn (Hall) la ii sheegay in loo kala xiri doono Meel ay Dumarku ku Tukadaan iyo Dugsi iyo waliba Goob Xafladaha lagu dhigo sida Aroosyada waxaa kaloo gacanta lagu hayaa Dhawr Xafiis oo uu ka ay ka mid tahay Xafiiska Xurunta iyo kan iimaamka Sh. Cabdirizaq Sancaani iyo waliba Qaybta Warbaahinta qaabilsan.

Khubaddii Jimcada ee Sh. Sancaani: Dhegeyso(mp3) ama Video(Daawo)

Ustaad Dalboon
cdalboon@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS