Barnaamijkii Radio Xoriyo
20 March 2009.
Dagaalo lagu jabiyey ciidamada cadowga itoobiya
Dhibaatoyin gumaysigu ugaystay dad rayid ah
G/ururka dhalinyarada ogadenia OYL oo waraysi siiyay idaacad Germany laga
leeyahay
Baaq iyo Digniin uu gudoomiyaha jwxo kasoo saaray shirqoolada gumaysiga.
Dareen Farxadeed oo laga muujiyey cududa iyo awooda ciidanka jwxo.
Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Shirqoolada Gumaysiga iyo kii ugu dambeeyey).
======================
Dagaalo lagu jabiyey ciidamada cadowga itoobiya
12/03/09 Degmada Dhuxun oo gobalka Nogob katirsan ayay CWXO weerar mir ah ku
qaadeen ciidamada gumaysiga ee halkaas ku sugan waxayna u gaysteen jab laxaad
leh , ilaa haddana lama oga Khasaaraha dhabta ah ee Gaadhay ciidamada Cadowga
Itoobiya.
13/03/09 Goora-Dhuubo oo Nogob ka tirsan weerar qorshaysan oo ay fuliyeen cutub
katirsan komaandooska JWXO ayaa lagu dilay 3 ka tirsan ciidanka TPLF waxaana
laga Dhaawacay 4 kale.
16/03/09 Ceela-obo oo ka tirsan gobolka Nogob waxaa lagaga dilay ciimada cadawga
Itoobiya 3 woyaane , waxaana laga dhaawacay 4 kale , Intaas kadib Waxay
ciidankii gumaysiga Itoobiya ee laga taag roonaaday ku gaydhadeen Dadkii
Shicibka ahaa ee aan waxba galabsan, waxayna sidii caadada u ahayd Xasuuqeen Dad
aad u badan oo ay kamid yihiin:
Axmed Nuur Xuseen
Cabdi Nuur Mustafe
Axmed Maxamed Xassan
Maxamuud Xassan C/llahi
Sidoo kale waxay ciidamada naflacaariga ahi Dhaawac Xun ugaysteen Sheekh Maxamed
Been-dhutiye
17//0/09 Degmooyinka Sagag iyo Garbo dhaxdooda ayuu dagaal adag ku dhex maray
CXO oo raacdaynayay ciidanka boobka kucaanbaxay ee TPLF ilaa haddase faah-faahin
rasmiya lagama hayo .
Kadib ayay ciidamada gumaysiga Ethiopia eeWax-yeelaynta Shicibka kucaan baxay
waxay gaysteen jawrfal fara badan oo ay kafuliyeen qayba kala duwan oo ogadenia
katirsan waxayna u kaladhaceen sidatan
21/02/09 Feedha-cad oo katirsan Nogob waxaa lagu dilay Nin rayid ah oo la odhan
jiray,alla ha unaxariistee Cabdi Xuseen Badal
5/03/09 Anaane oo katirsan Nogob waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku dileen
nin shacab ah oo la odhan jiray alla ha unaxariistee Maxmed Axmed .
28/02/09 Mal-qaqa oo katirsan Baabili waxay ciidanka gumaysigu si naxariis daro
ah ugu dileen dad shacaba oo an waxba galabsan waxaana magacyadooda helay
1- C/llahi Rashiid C/llaahi
2-Cabdi Adan Daahir
04/03/09 Degmada Garbo oo ka tirsan gobolka Nogob waxay ciidamada gumaysiga
Itoobiya ku xidh-xidheen dad fara badan oo aan waxba galabsan oo uu kamid yahay
Oday Jira 80 Sano oo la yidhaa Cataab Colaad ,waxaa iyana meel ay geeyeen aan
lahayn dad fara badan oo ay kamid yihiin Sanwayne Hasan C/laahi &Mohamed Cashir
Abdiqani.
7/03/09 Shaygoosh oo ka tirsan gobolka Qorahay waxay ciidamada gumaysiga
Itoobiya ku xidheen dad fara badan oo rayad ah waxaanse magac yadooda helay Nuur
Sheekh Cabdi
Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee ka howlgala Magaalada Garigo,an ayaa kusoo rogay
shacabka magaaladaas iyo nawaaxigeeda dagan gibir lagaga qaadayo Dhammaan Ciddii
Ku Soo aroorta ceelka Garigo,an waxaana Lagu Amray in Ay bixiyaan Mar walba oo
ay Biyo Rabaan 2 Neef oo adhiya Bishan Tobankeedii Ilaa Hadda ayay socotaa
qaadista gibirkaasi, waxaa Qasab ku Noqotay shacabkii in ay Bixiyaan Si ay Biyo
u helaan waxaase Jira Qoysas aan Haysanin Adhi ay Bixiyaan waxaana Taas
Badalkeedii Lagu xukumay Lacag u dhiganta ama wax kale oo ay ku Cabbaan,
taas oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in dadku ay gaajo & oon ubaaba, aan
Sidoo kale ayada oo ay Qayb ka tahay Hawl-galka Isku Dirka iyo Qaybinta Bulshad
ayaa waxay Amar Ku Siiyaan Maleeshiyad Daba-Qoodhiga ah in ay Dilaan Dadka
Rayidka ah Kadibna ay Dadka ku Dhahaan Iska Celiya Reer Hebel baa idinka Dilay
Ruuxiinii iyo Wax lamida
Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada ogadenia Mujaahid Sh. ibraahin iyo Madaxa machad
Dimoqradiyada iyo cadaalada ee fadhigiisuu yahay UK oo waraysi siiyay idaacad
Germeny laga leeyahay
Maalintii Isniinta ahayd ee bishu kubeegnayd 16-03-09 ayaa waxaa ay idaacad
dalka jarmalka laga leeyahay waraysatay G/urur dhalinyarada ogadenia ee Ogaden
Youth League OYL Mudane Mujaahid Sh Ibrahim iyo Madaxa machadka dimoqraadiyada
iyo horumarinta Mcheal mike dhamaanba masuuliintan ayaa shiihska saaray qadiyada
ogadenia iyadoo uu mujaahid kashanqadhiyay in xoriyadii ogadenia muuqato waxaana
tusaale u ah ayuu yiri qabsashada ay CWXO qabsanayaan qaybo kamid ogadenia anana
waxaan wadaynaa halgankanaga dibada kasocda ayuu yiri G/OYL
Maamulka Punt-land oo ka biya diiday magaca midnima qaran ee DKM somalia
Shir aan caadi ahayn oo uu maanta yeeshay xukuumada Puntland, uuna guddoomiyey
Ku xigeenka M/weyne C/samad Cali Shire, ayaa lagu gorfeeyey dhawr qodob oo uu
udub-dhexaad u ahaa mawqifka Puntland ee nidaanka federaaliga ah, dastuurka
cusub ee Puntland, iyo hirgelinta nidaamka talo-wadaaga ah ee axsaabta ku
salaysan.
Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan hay'ada Interpeace ee ka
kaalmaysa mamaulada Puntland iyo Somliland hirgleinta nidaamka talo-wadaaga ah
ee ku salaysan axsaabta siyaasadeed.
Nidaamka talo-wadaaga ah:
Xukuumada ayaa sidoo kale gorfayn kadib go'aamisay hirgelinta:
- Xuquuqda bulsheed,
- Xuquuqda siyaasadeed,
- Nidaam dhaqaale,
- Nidaam siyaasi oo ku salaysan hay'adaha dawliga ah, iyo ku dhaqanka shuruucda
DG-ka.
Qorshahan ayaa hor u dhac u ah ballan qaad uu hore u sameeyey hoggaanka cusub ee
Puntland oo ah in uu hirgelin doono nidaam talo-wadaag ah oo ku salaysan axsaab
siyaasadeed iyo hay'ado dawli ah oo u taagan daryeelka nololeed iyo ilaalinta
xuquuqda muwaadinta.
Nidaamka federaalka ah:
Xukuumada Puntland ay go'aamisay in:
- Puntland ay qayb ka tahay nidaamka federaalka ah ee Somaliya, ayna ayidsan
tahay dastuurka dawlada ee federaaliga ah, iyo
- Puntland aanay aqabali doonin dawlad Somaliyed oo ku dhisan habka midnimada
qaran 'Unitary government'.
Tani waxaa ay jawaab u tahay warar in dhawaale ka dhex socday xiwaarka
siyaasadeed ee Somalida oo muran ka taagan yahay magaca iyo nidaamka dawliga ah
ee dawlada Somaliya.
Waxaa jira dad badan oo aaminsan in dawladu ay tahay mid midnimo qaran oo
bedeshay tii federaalka ahayd, halka ay jiraan kuwa kale oo qaba in dawladu ay
tahay dawladii federaalka ahayd oo mudada loo siyaadiyey, dastuurka iyo nidaamka
dawliga ahina uu yahay federaali.
M/weyne Shariif, wakiilka QM u qaabilsan Somaliya, mudanayaasha baarlamaanka ee
hore uga tirsanaa Isbahaysiga ayaa ugu horeeya inta aaminsan in dawladu ay tahay
mid midnimo qaran, ayna bedashay tii federaalka ahayd.
Badi mudanayaashii hore ee baarlamaanka ee dawlada federaalka ah ayaa iyagu qaba
in dawladu ay tahay mid federaal ah, dastuurkuna uu sidaa dhigayo.
20 March 2009
Halgan Guuleed
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo
internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM –
20:30 waqtiga
Faafin: SomaliTalk.com | March
21, 2009 |