SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Puntland oo Shaki Gelisay heshiis dhexmaray dawlada soomaaliya iyo kenya

Wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta ee maamul goboleedka puntland cabdishakuur mire aadan ayaa shir jaraaid ku qabtay magaalada Garowe wuxuuna uga hadlay heshiis dhowaan aya magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen dawlada Federaalka Soomaaliaya iyo dawlada kenya.

Wasiir kuxigeenku wuxuu sheegay in maamulka puntland aad uga xunyahay in dawlada Soomaaliya ay heshiis kula gasho kenya inay u qaado cashuuraha badeecaha Kenya u soo dhoofiso, wuxuuna yiri caalamka laguma arag dawlad cashuur u qabanaysa dawlad kale waxaana la yaabanahay ujeedka laga leeyahay heshiiskan.

Sidoo kale cabdishakuur wuxuu sheegay in maamulka puntland shaki weyn ka qabo magaca loogu yeero dawlada soomaaliya ee ah dawlada midnimada qaran ee soomaliya isagoo intaas raaciyey in loola jeedo midowgii mucaaradkii fadhigoodu jabuuti ahaa iyo inkale wuxuuna codsaday in si faahfaahsan loo micneeyo erayga midnimada qaran.

Hadalka wasiirkuxigeenka warfaafinta wuxuu ku soo beegmayaa xili madaxweynaha maamulka puntland dhowaan ka hadlay arinta federaalka waxaa uu sheegay in danta ummadda Somalidu ay ku jirto hirgelinta nidaamka federaaliga ah, iyo dhismaha dawlad goboleedyo hoos yimaada, sidaasna kaalin weyn ay uga qaadan karto dib u heshiisiinta.

Waxaa uu intaas ku daray in nidaamka federaaliga ahi uu kaalin xoog leh ka qaadan karo midnimada ummadda Somaliyeed, oo uu sheegay in xitaa Somaliland oo muddo raadinaysay in ay ka go'odo Somaliya ay ku qanci karto nidaamka federaaliga ah.

cabdirisaaq xasan cabdi
cabdirisaaqjuba@hotmail.com
Bosaso-somalia

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 22, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS