SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Geeska Afrika oo ay Dagaalladu ku sii kordhayaan Xalkeedu Muxuu Yahay?

 Siyasadda Geeska Afrikada bari ayaa waxay noqotay mid sida Mowjadaha Badda hadba dhinac u sii dhacaya , Dagaallada iyo Colaaduhuna ay ku sii kordhayaan Soomaaliya ayaa ka mid ah Waddamada ay Dagaalada iyo Gaajadu ay Aafeeyeen ee ku yaala Gobolka Geeska Afrika oo illaa iyo haddana ay weli ka socdaan Dagaalladu , waxaase is weydiin mudan maxay tahay Jawaabta ka dambeysa Dagaaladani iyo waxa laga helayo haddii ay Dagaalladu sii socdaan ? Su'aashani Jawaabteedu waa mid adag hase ahaatee waannu soo koobi doonaa bacdamaa aan qoraal lagu soo koobi karin baaxadda iyo Taariikhda ay xambaarsan tahay darteed , iyo Xurmada wanaagsan ee ay Saxaafaddu leedahay oo u baahan in la Xaq dhowro Saxaafadda.

Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa dhowr jeer waxay uga digtay Dowladaha Gobolkan Geeska Afrika Hubka Sharci darrada ah ee ku Qulqulaya , hase ahaatee way ka dhega adeegeen iyadoo ay ugu horeyso Dowladda Itoobiya oo Kaalmada ay bixiyaan Hay'adaha Samafalka ee Caalamka u adeegsata Ciidamada iyo inay ku soo Iibsato Hub iyo Saanado ay ku Gumaado Maatida ku hoos nool Xukuumadeeda iyo Dowladaha Deriska la ah sida Soomaaliya, Eriteriya , S/Galbeed(Ogadenia), iyo Oromiya , taasina ay tahay mid u caadi ah Laakiin waxaa nasiib darra ah in ay Ururka Midowga Afrika Dib u codsadaan in Soomaaliya laga qaado cuna -qabataynta Hubka iyadoo ay weli socdaan Dagaalladii iyo Xasuuqii loo gaysanayey Dadka maatida ah .

Haddaba, Geeska Afrika muxuu u Ololayaa oo ay Dagaalladu uga dhammaan la'yihiin? Gobolka waxaa aad u Milicsanaya Dowladda Itoobiya oo doonaysa inay mar uun Afka u dhigato ,waxaannu ognahay in Itoobiya ay tahay Dowladda keliya ee ka qayb gashay Shirkii Baarliin ee lagu qaybsanayey Afrika taasi oo ay Saami u heshay Gobollada ay Maanta gacanta ku haysato , waxayse ka raja dhigi la'dahay Dhulka Soomaaliyeed ee Xeebta wanaagsan leh iyo Dekedaha baaxadda weyn oo ay Maraakiibtu raxan raxan ugu soo xiran karaan iyo Dhulka Itoobiya oo aan hal Dekeda ahi aan la hayn , waxaa tan u Cuntami la' Dowladda Itoobiya oo ay uga Samri la'dahay Dhulka Soomaaliyeed ,Laakiin Shacabka Soomaaliyeed ma oga in ay Af Libaax ku jiraan.

Su'aalaha kor ku xusani ayaa jawaabahoodu waxay isugu soo ururayaan Itoobiya waxay doonayso iyo Dagaallada aan Dhammaadka lahayn Salkoodu wuxuu yahay in Soomaaliya Dib loo gumaysto haddaba si ay taasi u hergashana waa in ay Itoobiya aysan joojin hadafkeeda ah"How Ethopian Imperialism&Colonialism to
get Benefit in Somalia", taasi oo aannu hore ugu soo qeexnay in ay Itoobiya aysan haysan Deked ay u isticmaasho Siyaasadaheeda ku aadan Gobolkan Geeska Afrikada Bari laakiin ay u Sahlan tahay inay abuurto Dagaallo iyo Xaslilooni darro ku baahda Gobolka si ay u fushato Danaheeda ku gaarka ah .

Haddaba , Shacabka Soomaaliyeed maxaa la gudboon? haddii ay arrintu sidan tahay inay si deg-deg ahi u joojiyaan Dagaallada isla markaana ay si Buuxda u ayidaan Dowlladan Midnimada Qaran ee Cusub si ay u Badbaadiyaan Dalkooda iyo Dadkooda oo ay Gumeystayaashu Dul taagan yihiin Doonaayana inay Dib u Gumeystaan , haddii Dowlladii la dhisba ay Itoobiya iyo kuwa kale ay burburiyaan Shacabkani kumaa u maqan? Welli lama arag lamana maqal 20kii Sano ee aannu soo dhaafnay Dowlad tiri Kitaabka Alle ayaan ku Xukumaynaa aan ka ahayn Dowladdan Cusub , Soomaaliyey korsi ha layn Carruurta iyo Maatida Soomaaliyeed ee noqo mid lagu daydo oo Shacabka u Horseeda Nabadda iyo kala dambaynta .

Geeska Afrika ayaa waxay dhibaatada faraha badani ku dhacaysaa Carruurta oo ah iyagu kuwa ugu itaal liita Bulsho waliba oo dunida ku nool gaar ahaan Geeska Afrika oo ay Dagaallada iyo Gaajadu u noqotay mid aysan marba la hurayn maadaama ay jiraan Khilaafyo Siyaasadeed oo Sabab u ah inay Dagaalladani sii socdaan maallinba maallinta ka dambeysa Kumanaan Carruur ahina ay ku la'daan inta Taariikhdu ay qorayso sida ay Xaqiijinayaan Hay'adaha Samafalka Caalamka oo ay ugu horayso Hay'adda UNICEF ,sidaa darteed waxaa haboon inay Shacabka Soomaaliyeed noqdaan kuwa ku dadaala sidii loo badbaadin lahaa Carrurta Soomaaliyeed ee ku dhammaanaya Dagaalada aan dhammaadka lahayn iyo Nabadgelyo darrida oo ay weheliso Gaaiada iyo Cudurada , Siyaasaddu waa inay noqotaa mid ku dhisan Wada hadal iyo is faham.
waxaad booqan kartaa Boggan oo fiiri www.unicef.org/somalia 

Mar haddii ay dhisan tahay Dowlad midnimo Qaran waxaa haboon in si buuxda loo Taageero Dowladda maxaa wacay? Dowladani waa Dowlad loo baahan yahay muddo fara badanina la sugayey waxaana lagu soo dhisay si Caddaallad ah Qofkii doonayana weli way u furan tahay in uu ka Qayb galo Albaabada Wada hadalku weli way u furan tahay sida ay Dowladu Shaacisay , mana haboona in Xabad wax lagu Xalliyo sababtu waxay tahay waxa dhimanaya waa Maati, Dumar, iyo Carruur Badbaadi Shacabkaaga iyo Sharafta Dalkaaga oo ay Gumeystayaashu u Middiyo Afeysanayaan si ay gacanta ugu dhigaan Dhulkaaga Hooyo.

Dagaallada Diimeed iyo Dhiigga Xaq darrda u Qubanaaya waa Damiir xumi aan Daawo lahayn wax macno oo ay samaynayso lama garan karo iyo Cid lagaga dayanaayo, Sababtoo Nebi Maxamed CSW iyo Asxaabtiisii kuma aysan Sifoobin inay is Laayaan ama isu Colaytamaan sida ku cad Siirada Nebiga CSW Muhaajiriintii reer Maka waxaa Walaala u noqday Ansaartii reer Madiina weligoodna wax Dagaal ahi ma dhex marin waxaase Su'aal ah Dagaalkani iyo Colaytankani kumaa looga dayanaayaa ma Naarbaa lagu Shaqayasanayaa mise Jahanamaa loo Jeheysan yahay , Waxaa haboon in Culimada ku nool Dalka Gudihiisa ay arimahani ka hadlaan waxna ka qabtaan Labada dhinac ee Dagaallamayana u nasteexeeyaan Allena Xusuusiyaan ,si loo Badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed iyo Dagaallada aan Xadka lahayn ee ka Dhamaan la' Dalkeenna.

Gabagabadii iyo Qoraalkani ku saabsanaa Geeska Afrika oo ay Dagaalladu ku sii kordhayaan Xalkeedu muxuu yahay? jawaabtiisu waxay tahay in laga fogaado lana Dhagaysan Cadowga Itoobiya oo Hubka isugu Dhiibaya Ummadda Soomaaliyeed ee Walaalaha ah iyo kuwa reer Galbeedka ahi ee ku adeeganaya Itoobiya 
Xalkeeduna waa Midnimo iyo in la adkeeyo Xornimadeena , Haddii intaa la waayana waxaa Dhab ah inay Itoobiya iyo kuwa la socdaa ay Dib Xornimadeena u Xayuubsan doonaan ,sidii Falatiina aanu Derbiyada Qaxooti ku noqon doono sida aannu Maantayba Soomaalidu ugu ka firxatay Dunida Daafaheeda oo dhan
Qof waliba oo Soomaali ah waxaa saaran waajib inuu Nabadgelyada iyo Xasilloonida ka qayb qaato isla markaana ayido Dowladdan Midnimada Qaran ee Soomaaliya si loo gaaro Horumar iyo kala Dambayn.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daadurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS