Wasiirka warfaafinta dowlada Midnimad qaran Farxaan Cali Maxamuud oo
shirjaraid ku shegay shaqadii laga eryey taliyihii ciidamada Nabadsuga qaranka
somaliyeed Maxamed warsame darwiish iyada oo loo magacaabay janaraal Maxamed
Sheekh Xasan iyo qodobo kale
Shirkii golaha wasiirada oo
manta laga soo saaray xilka ka qaadid .xil magacaabid iyo mabnuucid dhul la
sharciyey wixii ka danbeeyey 1991dii oo laga soo qaday wax kama jiraan ,
Wasiirka warfafinta ee dowlada Midnimad qaran Farxaan Cali Maxamuud Shirka manta
ay yeesheen golaha wasiirada ayaa laga soo saray qodobo muhim ah waxaana shir
gudoominayey sidii cadada aheyd raiisal wasaraha xukuumada Midnimada qaran Cumar
Cabdirashiid Cali Sharma.arke iyada oo ay soo xaadireen 21 xubnood
Ugu horeyntii waxaa warbixin dheer laga dhageystay gudiga amniga qaranka
somaliyeed oo ay ka mid ka ahaayeen mas.uuliyiinta laga ah wasiirka arimaha
gudaha Cabduqaadir Cali Cumar Wasiirka amniga Cumar Xaashi Adan . iyo Wasiirka
cadaalada Cabdiraxman Maxamuud Faarax (janaqow ) .
Warbixinta ka dib wasiirka arimaha amniga Cumar Xaashi Adana ayaa soo jeediyey
oo golaha soo hordhigay in xilka laga xayuubiyo taliyihii ciidanka nabad sugida
golohu wuxuu si aqlabiyad ah ku ansixiyey xilka qaadista janaraal Maxamed
Warsame Darwish oo ayaa taliyihii ciidanka nabad sugida qaranka iyada oo isla
goobtaa goluhu ku ansixiyey in xilkaa loo magacaabo Janaraal Maxamed Shiiq Xasan
laga bilaabo manta .
Xilka qaadistaa iyo xil magacaabistaa ayuu ahaa ujeedada ugu weyneyd ee shirka
goluhu isugu yimid manta
Qodobka 2aad ee goloha qwasiradu isla qaadaa dhigeen wuxuu ahaa mid ku saabsan
badweynta somaliyeed oo ah bada ugu xeebta dheer Africa bada labaad waxaana ka
jiray xeebta dalka somaliya xasarado badan haday ahaa laheyd burcad badeeda ,
shashinka lagu shubo ,maraakiibta la siiyo sharciyada kaluumeysiga , dadka
doonyaha laga daadiyo ee tahriibk ah iyo iyada oo kheyradkii bada si aan
sharciga waafaqsaneyn loo guranayo waxaana jiray in lagu marmarsiinyoodo burcad
badeed iyada oo la guranayo khyeraadkii dahanaa ee dalka uu lahaa .
Xeebta somaliyeed ayaa waxaa la dhacay danibyo waweyn oo xaga bini aadannimad ah
caalamkuna wuxuu u heystaa xeebta ugu qatarsan badweynta hindiya iyada oo
walwalweyn laga muujinayo marida iyo badeeco kala gudbida biyaha caalamiga ah ee
ku adan xeebta somalilyeed .
Bada somaliyeed ayaa lagu tilmaayaa in ay tahay bad dahan oo ay ka buxaan
kheyraadka dabiiciga ah sida badroolka macdano aan la soo koobi Karin iyo
noocyada kala duwan ee kaluunka
Wasiirrka wasaarada warfaafinta ee dowlada Midnimada qaran ayaa sheegay in
golaha wasiradu manta isla qaatay in qaramada midoobey la hor dhigo codsi cusub
oo ay in lahaanshaha qolfood badeeda biyaha somaliya loo cusbooneysiiyo dowlad
amidnimad aqaran ee haatan dalka ka jirto isaga oo shegay in ay dowladu
rajeyneyso in ay gacanta ku dhigto talada dalka oo dhan si ay uga ilaaliso
cadowga gudaha iyo kan dibada arintas oo ahmiyad agooni ah uu goluhu siiyey
manta
Qodobka 3 aad sadaxaad ayaa ahaa warbixino lag dhageystay wasaarada humanitarian
howlaha gargaarka biniadanimada golaha wasirada ayaa talooyin badan halkaa isku
dhaafsaday
Qodobka 4 aad waxaa golaha wasiiradu si toos ah u diiday oo ay isla go.aansadeen
wax dhisasho dhul ah .dhul la cabirto .calaamadeyn dhul .dhulka gobolka banadir
meelkasta oo ka mid ah diidmada manta dhulka laga soo saray ayaa lagu tilmaamay
wixii ka danbeeyey dowladii qaran ee dhacday 1991dii wixii ka danbeyey dhulkii
la bixiyey waa shrci daro iyo waxkama jiraan shircigaan wuxuu saameyn ku
leeyahay dhamaan umada somaliyeed ku wajahan meel kasta oo ay joogtaaba gaar
ahaan gobolka banadir .
Dhulkii qaranka xoolihii dadweynaha goobihii banaanaa ee ay laheyd dowladu
istilaaladii garoomadi cayarahah .jardiinooyinkii dhulkii danta guud waxaa la
boobey wixii ka danbeysay dowladii dhacday waana la diiday in ay sharci yihiin
waxaasi
Wasiirka warfaafinta wuxuu shegay in arintaan ay thaay go,aan cad oo ay qaateen
golaha wasiirada iyo gudiga amniga qaranka oo la isku racay waxaana soo bixi
doono wareegto iyo shrciyo kale oo lagu cadeynayo wasaana soo sari donto
wasarada arimaha gudaha
Qodobkaan ayaa waxaa ahmiyadiisu tahay in aan cidina aqbalin aan la dhisi Karin.
Lana
ii bin Karin dhul qaranku leeyahay .dhula dowlada iyo meelaha danta guud ah
dhamaan golahau waa diideeyn in laka iibsado oo lala kala wareego iyo
dhismihiisaba
wasiirka ayaa waxaa uu baaq u direy arinta ku saabsan dhamaan umada somaliyeed
gar ahaa kuwa dega gobolka banadir
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666
Faafin: SomaliTalk.com | March
20, 2009 |