SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Guddoomiyaha Degmada Balcad ahna Afhayeenka Xisbiga BDP oo war cad ka soo saaray, dil loo geystay Culumada degaanka

Guddoomiyaha Degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ahna Afhayeenka Xisbiga Dimoqoraadiga dadka Banaadir Md.Maxamuud Xuseen Gudbaaye ayaa maanta ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan guud ahaan Degmada Balcad.

Maxamudu Xuseen Gudbaaye waxa uu sheegay in galabta degmada Balcad ay ka dhaceen falal dil oo ay geysteen kooxda ururka Al-Shabaab ee degaanadaasi gacanta ku haya, iyagoona khaarajiyay laba wadaad oo ka tirsan Culumada Ahlu Sunna Waljameeca.

“Galabta degmada Balcad waxaa lagu dilay laba ka tirsan Culumada Ahlu Sunna Waljameeca oo wax ay galabsadeen aanu jirin, balse waa nasiib darro in dagaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna loo soo wareejiyo degmada Balcad” ayuu yiri Afhayeenka Xisbiga Dimoqoraadiga dadka Banaadir.

Isagoo ka hadlayay Guddoomiyaha Deg. Balcad Md. Gudbaaye xaaladda nabadgelyo ee degmada Balcad, waxa uu sheegay in degmada gudaheeda ay joogaan dagaalyahano ajnabi ah oo ka barbar dagaalama ururka Al-Shabaab, isagoona intaasi ku daray hadalkiisa in maamulka Al-Shabaab Degmada Balcad ka dhigteen goob marin u ah colaadaha dalka ka dhacaya.

“Isbitaalkii Degmada Balcad ee loogu talagalay dadka degaanka waxaa qabsaday Al-Shabaab wayna u diideen in lagu daweeyo dadka rayidka ah” ayuu yiri Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo dhinaca kale sheegay in Isbitaalkaasi dhaqaalaha ku baxay ay iska soo ururiyeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee degmada Balcad ka soo jeeda oo degan dalka dibadiisa.

Waxa uu sheegay Isbitaalkaasi loogu talagalay dadka rayidka ah in lagu daweeyo ururka AlShabaab xoo ku qabsaday isla markaasina ay ciidamadooda ku daweeyaan, taasi oo uu tilmaamay inay mid xadgudub ku ah dadka degan Balcad, sidaa daraadeed waxgaradka iyo nabadoonada degaanka ayaa ku guul darreystay in Isbitaalka ay ka bixiyaan ciidamada si dadka rayidka ah ay u isticmaalaan.

“Jaaliyadda dadka Balcad Isbitaalkii dhaqaalahooda lagu dhisay waxaa xoog ku qabsaday Al-Shabaab oo gumeysigii dadka degaanka ay ku heysay ugu sii dartay inay ka dilaan culumada iyo kuwa indhaha u ah” ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Balcad oo ku booriyay dadka degaanka inay iska dulqaadaan heeryada dulsaaran.

Md. Gudbaaye waxa uu sheegay in tacadiyada ururka Al-Shabaab ay ka geysanayaan degmada Balcad uu garab ku siinayo sidii degaanadaasi looga saari lahaa dagaalyahanada ajnabiga ah ee degmada ku sugan, isla markaasina dadkaasi ay ugu madax bannaan lahaayeen arrimahooda guud ee u gaarka ah.



Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com | March 20, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS