SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

Ururka Isbahaysiga dib u xoreynta Isboortiga Soomaaliyeed.

MR.Yusuf Yusuf

Conference Organiser ARSS

mrsomalia@hotmail.com

London


War galin ku socoto dhamaan Bahda Isboortiga Soomaaliyeed qaban qaabo loogu jiro dhisida Ururka Isbahaysiga dib u xoreynta Isboortiga Soomaaliyeed, hadaba hadii aad danaynayso in la hormariyo Sports Soomaaliyeed gaar ahaan gudaha dalka Soomaaliya isla markaana la gaarsiiyo ka biloow tuulo , dagmo ilaa Gobal waxaa muhiim ah in bahda Sports Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan inay si deg deg shir iskugu yimaadaan si wax looga qabto sheegashada xilal beenaad sida GOS iyo doorashada indho sarcaadka ee lagu qabtey dalka Jabuuti sida jaraaidka lagu shaaciyay maanta ayaa waxaan halkaan ka cadaynayaa inaan doorasho xaq ah lagu qabanin dalka JABUUTI isla markaana aysan ansax ahayn madaama aysan ka qayb galin ergooyin matalaya gobalada dalka oo dhan marka laga reebo koox Qurba joog ah iyo Koox Wiish ka soo waday Xaafada Karaan oo lagu sheegay inay yihiin ergadii matalaysa 19 xiriir oo ka dhisan dalka Soomaaliya, kuwaas oo xaq u leh inay doortaan madax aan la aqoonin cida ay matalaan in si aan xishood ahayn loogu doortey dalka Jabuuti.

Waxaan Dowlada Midnimo Qaran ku wargalinaynaa inay arinkaas wax ka qabtaan isla markaana Wasaarada Isboortiga iyo Dhalinyarada gacan ka siiyaan sidii ay ula wareegi lahayd maamulida Isboortiga dalka madaama ay tahay hay'ada ugu sareysa Isboortiga dalka Soomaaliya.

Ururada caalamkana waxaan dhawaan la samayn doonaa xiriir si aan ugu sharaxno qaabka u shaqeeyo Isboortiga dalka Soomaaliya, si musuqmaasuqa iyo awood sheegada aan xaqa ku dhisnayn ay ku shaqaynayaan maamulka isku magacaabay inay maamulaan Isboortiga dalka Soomaaliya wax looga qaban lahaa madaama aysan jirin wax muuqda aysan qabanin ama ka qabanin gudaha dalka marka laga reebo Luujino.

Wasaarada Isboortiga Dalka Soomaaliya waxaa ku wargalinaynaa inay gacanta Dowlada ku soo celiyaan Garoonka kubadda kolayga, si meesha looga saaro ku qaraabashada waxbaan ka qabana dalka Soomaaliya oo dhan.

Ugu dambayntii waxaan ku marti qaadaynaa dhamaan bahda Isboortiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gudaha iyo dibada shir lagu dhisaayo ururka Isbahaysiga Dib u xoreynta Sport Soomaaliyeed, kaasoo ka shaqayn doono sidii Isboortiga Soomaaliyeed gacanta Dowlada ama dadka Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa iyadoo laga kaaftoomi doono baryada ama tuugsiga lagu tuugsado Isboortiga Soomaaliyeed ee xiriirada caalamka sida IOC & NOC.

Wixii aqbaar ah oo ku saabsan qabanqaabada shirkaan kala soo xiriir isku duwaha ka mira dhalinta dib u xoreynta Sports Soomaaliyeed.

Hadii Eebe idmo shirka waxaa lagu qaban doonaa gudaha dalka Soomaliya anagoo la kaashanayno dadka Soomaaliyeed ee jecel in Sports u gaaro dhamaan ciida dalka Soomaaliya.

Waxaan cambaraynaynaa Doorashada lagu indho sar caadinaayo IOC & NOC si looga helo xogaa beeso ah, waana nasiib xumo in 18-kii Gobal ee dalka Soomaaliya ka koobnaa xaqii iyo taladii Sports lagala tashanin, taasna waa kaga tacsiyaynaynaa waana mid la isaga daba imaan doono hadii Eebe idmo

Wixii warkaan ku saabsan kala soo xiriir

MR.Yusuf Yusuf

Conference Organiser ARSS

mrsomalia@hotmail.com

London

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS