SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Gacan hoorsiga Cunto dhacday ee Africa(Q1aad) 

Hadii aan idinla wadaago sheeko igu dhacday anigoo jaamacada (u.s.a) dhiganaya ayaan Wiil aan isku jaamacad ahayn iwaydiiyay su,aal ah xageed katimid? Waxaan ugu Jawaabay Somalia. Wuxuu iwaydiiyay Somali afrika soo maahan? waxaan ku dhahay haa. Waxaan waydiiyay waxa uu ka aaminsan yahay afrika? Wuxuu iigu jawaabay Sidaan= haa waan aqaan afrika waa meel gaajo,kaneeco, badan xayawaan duurjoogto ay ku badantahay .waxaan waydiiyay cida usheegtay maadaama uusan waligii afrika tagin?

Wuxuu iigu jawaabay haa waxaan ka arkay (television ama tvga)

Hadiise aan aadi lahaa waxaan horay usii qaadan lahaa cuntadayda. Si,aanan udhiman.

Sidaan ognahay sida badan afrika waa wadan dihin oo qani ah lakiin dadkiisu meelo kale wax kasugo ama uu kafilayo inay cid kale u maqan tahay, hodii kale uu dhimanayo, hadii Afrika isku tashato sida wadamada qaarkood sida (Asia) waxaan hubaa hadii afrika ay iska dayso gacan hoorsiga dadyow kale, iskuna tashato dal iyo dibadba oo hadana xiiriir hoosaad yeelato in ay jiilka danbe ay sidaan dhaamayaan, waana laga maarmaan in Africa ay yeelato mid diplomacy  iyo mid dhaqaale, ayadoo laga amba qaadayo nabada mid wadan iyo mida guud.Africa waxaa  dunida inteeda kale kareebay  waxyaalo badan oo ay kamid yihin arinta aan kor ku soo sheegay iyo nababgalyo la,aan wax barasho la,aan ayaa la,oran kara waa kuwa ugu waa wayn. Intaas oo dhan waxaa ugu wayn dalkaaga oo dihin in dalkale uu kuu keeno cuntooyin dhacay ama ku raagay maqaasiinada oo tuuris ubaahan. Iyo waliba dano gaar ah oo ay kamid yihiin inay afrika waligeed gacanta hoorsato oo aduunka intiisa kale laga dhaadhiciyo meel gaajo ah. sida Ardayga aan kor ku soo xusay oo tvga ka daawaday.sidaasna magaceedu noqdo sida hadaba loo yaqaan.

w.Q. kamaal Xiireey

abrahamoj@gmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan wxaa leh qoraaga ku saxiixan
 

Faafin: SomaliTalk.com | March 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS