SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maraakiibta Dagaalka ee Danmark iyo turkiga oo fashiliyey iskuday burcadbadeed

Maraakiib dagaal oo ay leeyihiin wadamada Denmark iyo turkiga ayaa fashiliyey weerar kooxo burcadbadeed soomaali ah ay ku qaadeen markab kuwa xamuulka qaadaa oo laga lahaa dalka vietnam kaasoo marayey gacanka cadan.

Burcadbadeed soomaaliyeed oo aan tiradooda lashaacin oo watay labo doonyood oo nooca dheereeyaa ayaa weerar kusoo qaaday markabka vietnam ayadoo markaasina maraakiibta dalalkaasi ay udireen laba diyaaradood oo helicoptera kuwaasoo ay ka baxsadeen kooxihii burcadbadeedaahaa.

Turkiga iyo denmark ayaa waxay ka mid yihiin dalalka ku jira ladagaalanka burcadbadeeda soomaalida kuwaasoo khalkhal galiyey maraakiibta aduunka ee maraya gacanka cadan halkaasoo ay marto saliida aduunka boqolkiiba sodon.

Dhinaca kalle Netherlands ayaa shaaca ka qaaday inay dhowrka bilood ee soo socda kasii qaybqaadanayso howlgalka lagula dagaalamayo burcadbadeeda soomaalida.
ka qaybqaadashadan dawlada Dutchka ayaa la xiriirta qaraarkii qaramada midoobay ee tirsigiisu ahaa 1846 ee ka dhankaahaa burcadbadeeda soomaalida

cabdirisaaq xasan cabdi
cabdirisaaqjuba@hotmail.com
bosaso somalia

Faafin: SomaliTalk.com | March 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS