SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

 Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Qoyska oo qirtay in loo gafay Haweenka ka howlgala ururada COGWO, SWA,IIDA,INXA

Wasiirada Haweenka iyo horumarinta qoyska Dowlada Jamhuuriyada Soomaaliya Fowsiyo Maxamed Sheekh ayaa shir jaraa'd ay ku qabatay Hotel Naasa-Hablood 2 ee agaaarka Xawo Taako Magaalada Muqdisho waxay kaga hadashay labo arimood kuwaasoo kala ahaa rajada ay ka leedahay waxqabadka Wasaarada ay Madaxda ka tahay iyo Haweenka NG-yada Soomaaliyeed oo ay aad u amaantay howlaha ay bulshada u hayaan.

Wasiirada Haweenka iyo Qoyska Fowziyo Maxamed Sheekh waxay si weyn uga hadashay waxqabadka Haweenka NGO-yada Soomaaliyeed gaar ahaan ururada COGWO,SWA,IIDA,INXA iyo kuwo kale waxayna sheegtay inay ku soo shaqeeyeen 20-kii sano wadanka oo khatartiisu badan tahay waxayna si weyn u beenisay wasiirada warar soo baxay oo lagu qorey mid ka mid ah website-yada kaasoo qeexayay inaaney waxba qaban haweenkaasi waxayna xustay inaaney jirin cid xaqiri karta wax qabadka haweenka oo inta badan bulshada Soomaaliyeed ee taagta daran taakuleeya.

"Haweenku waa horseedka nabada waxaadna ogtihin in qaarkood u geeriyoodeen iyagoo samafal u sameynaya shacabka Soomaaliyeed oo raashin qeybinaya sida Madiino Janaraal" ayay tiri Fowsiyo Maxamed Sheekh oo intaas ku dartay inay iyagu mahadcelineyso gabdhaha Soomaaliyeed oo sida ay sheegtay u taagan samatabixinta bulshada Soomaaliyeed intii karaankooda ah waxaana xiligaasi hareeraha ka fadhiyay qaar ka mid ah mas'uuliyiinta hayadaha NG_yada gabdhaha Soomaaliyeed.

"Waxaan ku baaqaya inaan nabada la horjoogsan gabdhaha Soomaaliyeedna waxay door weyn ka ciyaarayaan sidii nabad oo heli lahaa" ayay mar kale tiri Wasiirada Haweenka iyo Qoyska Fowziyo Maxamed Sheekh.

"Haweenku waa hooyo hooyane qabiil malaha waxayna bulshada u horseedaa xaga nabada waxaana cadaynayaa in hooyadu ay nin u dhexdaa .nin wey dhashay.midna waa la dhashay waxayan isu keentaa umado badan oo kala duwan sidaa darted haween weynaha somaliyeed waxay horsed ka yihiin nabada waana kuwo u ololeeyo mar kasta nabada

Sidoo kale Wasiirada Fowziyo Maxamed Sheekh waxay warbaahinta u muujisay sida ay rajada fiican uga leedahay in wasaarada ay madaxda ka tahay ay horumar ku talaabsato kana soo dhalaasho waxyaaabaha looga fadhiyo iyadoo isku kalsooni badan muujineysay ayay haddana tilmaamtay in wasaarad aasi Haweenka iyo Qoyska inay ku cusubtahay sidaa ay tahay ay diyaar u tahay inay si huwafan u shaqeyso.

"Maanta waxaa noo dhisan dowlad shacabku kalsoon yahay marka waa in shacabku taageero " ayay tiri Fowsiyo Maxamed Sheekh, waxeyna miijisay inay Haweenkaasi ka howlgal ururada COGWO,SWA,IIDA,INXA ay yihiin kuwo Bulshadooda wax u qabtay.

Dhanka kale Wasiirada Fowziyo Maxamed Sheekh waxay warbaahinta u muujisay sida ay rajada fiican uga leedahay in wasaarada ay madaxda ka tahay ay horumar ku talaabsato kana soo dhalaasho waxyaaabaha looga fadhiyo iyadoo isku kalsooni badan muujineysay.

Mahamud Ahmed Hassan <xuurshe114@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | March 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS