SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 Ku: Shacabka Soomaaliyeed
Ka: Cabda Abdullahi
Ujeedo: Qof Waliba Geedkuu Beertuu Mirihiisa Gurtaa (Geed Timreedna Dhunkaal ma Dhalo)

ACWRWB

Waa qaybtii labaad oo maqaalkii qof waliba geedkuu beertuu mirihiisa gurtaa. Qaybtii hore waxaan si kooban uga hadlay tarbiyaddii xumaatay iyo wixii laga dhaxlay.

Qaybtanna waxaan jeclahay inaan si kooban uga hadlo, haddii Allaah idmo, in tarbiyada carruurta oo hagaagtaa horseedayso in la helo qof wanaagsan, si qof wanaagsan loo helana waa in la helo qows wanaagsan, markaasaa la helayaa bulsho wanaagsan.

Soomaalidu waxay maraysaa meel aad halis u ah. Dalka in dib loo dhiso waxaa ku filan in la helo nabad, maamul wanaagsan, maal iyo muruq, laakiin ma sahlana in la daaweeyo shaqsiyada qofka Soomaaliga ah oo aad u dhaawacan.

Sidaas daraadeed, si ugu yaraan loo badbaadiyo jiilalka dhalandoona waa in wax laga badalo laba arrimood oo aan u arko inay saldhig u yihiin bulshada 1) Habka laysu guursado 2) Habka loo barbaariyo carruurta.

Haddaan ku hormaro arrinta hore, guurka muslimka waxaa saldhig u ah aayada qur’aanka ah (30:21) oo Allaah SWT inooku sheegay inuu dhex dhigay labada qof oo isqaba xasilooni, jecayl iyo raxmad. Gurigii saddexdaas laga waayo wax baa ka qaldan ee dib haysugu noqdeen labada qof oo isqabaa.

Waxaan is leeyahay haddii guurka saldhig looga dhigo arrimaha soo socda wax wayn baa hagaagilahaa:

1) In la garto in guurku cibaado yahay 2) In laysku doorto quruxda aan duugoobin oo ah diin iyo akhlaaq wanaagsan siduu ina faray Nabigeennu CSS 3) In lagu dhiso reerka daacadnimo iyo kalsooni buuxda, lagana fogeeyo khayaano iyo been 4) In la garto in xuquuqdu ka dhalato gudashada waajibaadka 5) In laga ilaaliyo reerka amar ku taaglayn iyo anaa iri ,oo la wada tashado, lays qadariyo, laysu samro lagana dheerado ficiltan iyo isu fiirsasho.

2) Waxaa kale oo muhiim u ah guurka isku habboonida labada qof oo isguursanaya. Hadday isguursadaan laba qof oo midna ku soo barbaaray guri dhaqan wanaagsan, midna ku soo barbaaray guri dhaqan xun waysku wareerayaan. Dhaqan wanaagu wuxuu ku dhanyahay in qofku xishoodo, dhaqan xumaduna waxay ku dhantahay inaan qofku xishoon, xishoodkana waxaa fure u ah in Allaah laga xishoodo. Gabar ku soo kortay ixtiraam oo aan waligeed maqal iyada iyo walaalkeed oo lakala sara marinayo iyo wiil ku soo koray guri haweenka lagu xaqiro waysku wareerayaan. Gabar garanaysa xaqqa islaamku siiyay haweenka iyo nin doonaya inuu hawadiisa ku maamulaa waysku wareerayaan iwm. Halkaas waxaan ka garanaynaa in guryaha cusub dhaqankoodu ku salaysanyahay tarbiyaddii lagala yimid guryihii lagu soo koray.

Haddaan u gudbo yoolka maqaalka oo ah wanaajinta barbaarinta ubadka, waxaa ka mid ah xuqquuqda ilmuhu ku leeyihiin waalidka wanaajinta doorashada waalidka kale.

Qaybtii hore oo maqaalka waxaan kusoo gudbiyay in ilmuhu markuu dhasho lagala mid dhigo sidii warqad cad oo u diyaar ah in wax lagu qoro, waxa lagu qorayaana waa shaqsidadda qofka maanta dhashay.

Haddaad tahay waalidka ilmuhu u dhasheen maanta, maxaa kuu diyaarsan inaad ku qortid warqadan cad? Waa khasab in qoraalku bilawdo, laba siyood midkood buuna u bilaabanayaa; a) si wanaagsan oo aqoon iyo qorsho hora loo dajiyay ku dhisan, b) si isku dhex yaacsan oo aan madax iyo maja lahayn, shaqsiyadda ilmuhuna waxay noqonaysaa mid u dhiganta habka qoraalka.

Ilmuhu wuxuu u baahanyahay in loo koriyo si wanaagsan oo isu dheelitiran qalbigiisa, dareenkiisa, caqligiisa iyo jirkiisa. Wuxuu waalidku si wayn ugu dadaalaa kobcinta ilmaha jirkiisa, wuxuuna dayacaa jawharta ilmaha.

Ilmuhu waa hadiyad qaali ah oo Allaah ku siiyay, waa imtixaan wayn, waa ammaano ay tahay in la ilaaliyo. Wuxuu kuu noqonkaraa indha qabowsi, qurux adduun iyo camal wanaagsan oo kuu socda geeridaada ka dib, wuxuuna noqonkaraa cagsiga. Ilmuhu waa seef laba af leh oo hadba kaad adeegsatid aad mirihiisa guranaysid.

Gormay bilaabataa tarbiyadu? Waxay bilaabataa ilmaha oo aan calool galin, waxayna ku bilaabataa labada waalid oo ku ducaysta Allow naga ilaali shaydaanka annaga iyo ubadkayagaba. Markay gabadhu uur yeelato, waa in laga ilaaliyo wax dhiba dareenkeeda iyo jirkeeda midna, gabadhu xaalkay ku sugantahay buu ilmuhuna ku suganyahay. Waa inay hesho nafaqo isu miisaaman oo xalaal ah, si ilmuhu u helo nafaqada uu u baahanyahay oo xalaal ah. Waa inay ku dadaasho hooyada uurka lihi akhrinta Qur’aanka iyo xusuusta Allaah (adkaarta). sida ilmaha jirkoodu ugu baahanyahay cuntada, biyaha iyo hawada, si le'eg buu ruuxuna ugu baahanyahay diinta.

Waa in waalidku wax ka barto tarbiyada ubadka, siiba dhanka islaamka, intaan ilmuhu dhalan si ay u gutaan mas’uuliyada wayn oo ku soo foolle. In ubadka si wanaagsan loo barbaariyaa waxay ka mid tahay waajibaadka waalidka, mana dhici karto in la wanaajiyo waxaan aqoon loo lahayn. Tarbiyada carruurtu waa cilmi wayn oo jaamacado looga boxo oo lagu takhasuso.

Markuu ilmuhu dhasho waxa u horeeya oo uu maqlo oo qalbigiisa ku qorma waa inay noqdaan Allaah iyo Rasuulkiisa; waa aadaanka iyo iqaamada salaada. Waa in laga wan qalo oo magac waanaagsan loo bixiyo, waxaa wanaagsan in ilmaha qolkooda si joogta ah qur’aan looga daaro, si uu u weheshado, qalbigiisana ugu qormo Qur-aanku.

Waa in hooyadu ilmaha naaska u dhigto, waxaan ka akhriyay maqaal ay soo saartay WHO in caanaha hooyadu sabab ugu noqdaan inuu ka nabadgalo ilmuhu 12 cudur. Waxaa intaas dheer waxaa koraya jecaylka ka dhexeeya hooyada iyo ilmaha.

Waa inaan lagu been beenin ilmaha bahasha yar oo afka loo gasho si uu u aamuso, maaqaan xukunkeeda diiniyan, laakiin waxay ilmaha u horseedaa xasilooni daro, wuxuu noqonayaa inuu afka wax kula jiro, ama ooyayo ama la hayo. Maaha in ilmaha laga ilaaliyo oohinta mar hadday xuduntu ka go'do, waa in loo ogolaado inuu inta ooyo iski u aamuso. Ilmaha markay ooyaanba lasoo qaado ama afka wax loo gashaa waxay noqdaan casabi (neerfooso) shidda badan. Ilmuhu ma dhashaan iyagoo neerfooso ah ee dhaqanka waalidkaa sabab ka ah inay noqdaan ilma dhib badan. Waxaa badi waalidka isaga qaldama jecaylkay u hayaan ilmaha iyo nolol u diyaarinta ilmaha.

Waa inaan ilmaha hurdada looga toosin in cunto la siiyo, waxay sheegeen dhakhaatiirtu in hurdadu uga faa’iido badantahay in cunto loo toosiyo.

Waa inuusan maqal sawaxan iyo qaylo ka argagixisa, waana inaan laga ilaalin sharqanta caadiga ah si uusan u noqon mid markuu sharqan maqlaba soo sasa . Waa in loo saaro hawada iyadoo aan dhar siyaado ah loo xirin, haddii kale wuxuu noqonoyaa qof u nugul cudurada. Waa in ilmaha laga dhaqo najaasada markii banbarka laga badalaba, haddu mantagana loo afdhaqo. Ilmuhu waa adoo kale marka waxaadan naftaada u ogolayn haw ogolaan, isku mid maaha nadiifnimo iyo daahirnimado.

Waa inuu si joogta ah uga maqlo ilmuhu waalidka magaca Allaah, sida laa ilaa illalaah, bismillaah, maa shaa Allaah, Subxaana-Allaah, in shaa Allaah, Allaahu akbar, la xawla wa laa quwwata illaa Billaah, xasbiyallaah, si kalmadahaasi qalbigiisa ugu qormaan, carabkiisuna u qabatimo intuu curdanka yahay. Waxaa la yiraahdaa waxa waayeelku ku haasaaway ilmuhu ku hadaaqaan, waalidka haasaawaha wanaagsan ilmahooduna waa hadaaq wanaagsanyihiin.

Markuu ilmuhu gurguurad bilaabo wuxuu doonayaa inuu wax walba taabto, waa inaan lagu soo boodin, shaygana meesha laga qaadin ee lagu yiraahdo waa qalad ee ha taaban, lagana dhabeeyo inuusan taaban, laguna toosnaadoo in sidaas loola dhaqmo inta uu ka qabatimayo inuusan waxba taaban. Waa inuu fahmo kalmada la yiraahdo qalad in macneheedu yahay lama ogola si markuu maqlaba uu uga joogsado wuxuu rabay inuu sameeyo. Ilhumu aad buu u caynaan jilicsanyahay hadduu helo jahayn aqoon iyo xikmad ku dhisan.

Wuxuu kaloo doonayaa in la siiyo wax kasta oo uu ku arko ilmaha kale, waa inaan la oran sii waa kaa yaryahaye, arrintaasi waxay ku hogaamisaa ilmaha damac waalan iyo gardaro. Waa inaan lagu sasabin ilmaha qalad, laguna dhiiragalin gardaro iyo dulmi, markuu hadal gaarana waa in la baro inuu yiraahdo minfadlak, mahadsanid, iga raali ahaw iwm.

Waa in lagu ababiyo in ilmaha wayni u naxariisto kan ka yar, kan yarina ixtiraamo kan wayn, waa tacliintii Nabiga CSS. Maxaa ka dhigay guryaheenna badidooda meelaan xasilooni ka jirin, carruurteennuna uga dhib badantahay carruuraha kale? Carruurtu ma dhashaan iyagoo shidda badan ee waa arrin ka dhalatay tarbiyad xumo. Haddaad u fiirsatid guryaha Soomaalida waxaa iska socda oohin iyo ashtako aan dhammaad lahayn, haddii ilmaha lagu ababin lahaa inay kala gartaan qaladka iyo saxa waa lawada nafisi lahaa!

Hadduu ilmuhu sabab la'aan u ooyo waa in waalidku ku yiraahdo haddaad rabtid inaad ooydid orod qolkaas gal oo markaad oohintaada dhammaysatid noo imaw. Hadduu dalbado wax uusan lahayn waa in la yiraahdo adigu ma lihid ee qof kala leh hadduu ooyana waa inaan dheg loo jalaqsiin. Sidaas oo loola dhaqmaa waxay baraysaa ilmaha xoriyad iyo mas'uuliyad.

Waxaan u malaynayaa inay ila yaabanyihiin dad badan oo aaminsan inaan ilmuhu wax fahmin. Waxaa cilmiyan loo caddeeyay in ilmaha shaqsiyaddoodu dhisanto inta u dhexaysa markuu dhasho ilaa uu gaaro saddex sano ee ilmahaaga dariiqa wanaagsan ku hogaami laga bilaabo maalintuu dhasho.

Arrin kale oo khatar ku ah ilmaha tarbiyaddoodu waa TV. Badi waxay muslimiintu ka hadlaan akhlaaq xumada laga baranayo marnaamijyada TV, laakiin waxaad moodaa inaan waalidku ku baraarugsanayn jirooyinka nafsaaniga ah oo uga imanaya ilmaha TV. Akhlaaq xumada waxaa dhinac socda waxyaabo badan oo ayan xamilikarin ilmuhu, sida dagaalada, masawirada dadka raffaadsan oo carruurtu ka mid tahay, waxyaabo badan oo xun bay ka arkaan carruurtu TV. Waxaa kaloo dhacda in dadka waawayni ka sheekeeyaan dhibaatooyinka adduunka ka dhacaya ilmahoo maqlaya, wax walba ilmuhu waa duubayaan, waana jiro ku qarsoon naftooda. Waxaaba dhacda in waalidka qaarkood usoo gado waxyaaba lagu cayaaro oo dagaal iyo raxmaddaro ka buuxdo.

Waxaan ugu naseexaynayaa waalidiinta inay warka ka dhegaystaan raadiyaha, TV-gana aad u yareeyaan haddaan laga kaaftoomikarin. Waxaa kaloo jira Internet-ka oo ka daran TV ayna adagtahay in la xakameeyo, laakiin haddii waalidku si xikmad leh u dadaalo intii tabartooda ah Allaah khasaarin mayo. Ilmuhu inay cayaaraan waa lagama maarmaan, waase in loo dooro waxay ku xayaarayaan.

Markuu wax barasho gaaro waa in la baro ilmaha magacyada Allaah iyo abtirsiinyaha Nabiga CSS. Siduu tilaabo tilaabo ugu korayana loo kordhiyo waxa la barayo. Waa in ilmaha lagu talaalo jecaylka Allaah, jecaylka Nabiga CSS iyo jecaylka qur’aanka. Waxaan waydiiyay hooyo dhashay wiil yar oo xafiday qur’aanka isagoo aad u yar, siday ugu guulaysatay arrintaas, waxayna iigu jawaabtay sidan; "markii wiilkaygu gaaray inuu fiirsado kartoon ayaan bilaabay inaan inta xiro codka kartoonka qur’aan daaro, sidaasuuna ku xafiday qur’aanka, markii dambana wuxuu gaaray inuu naco kartuunka oo qur’aanka jeclaado". Allaah baa waafajiyay walaasheen, waase arrin ku dayasho mudan.

Waa in ilmaha loo baro islaamka si dhaqan ah, sida idan qaadashada saddexda wakhti oo qur’aanku xusay, salaanta, aadaabta cunta cunida. Waa in si tashiilan loo baro intuu aad u yaryahay adkaarta si ay u noqoto wax noloshiisa ka mid ah. Waa in lagu ababiyo akhlaaqda Islaamka sida run sheega, deeqsinimada, geesinimada, caddaaladda, saamaxaadda, kaadsiinyaha, kibir la’aanta, qanaacada, xamdinaqa, nabadda, sadaqada, xishoodka, cod gaabida iwm. Waa in ilmaha loogu ababiyo si dhab ah ku noolaanshaha islaamka.

Sida u fudud in ilmuhu qabatimo dhaqanka islaamka waa inay ka arkaan waalidka, waa inaan ilmuhu marna waalidka ka arag hadal iyo dhaqan iska hor imaanaya, waa in ilmuhu dareemo runnimada hadalka waalidka, mana dareemikaraan haddii waxna loo sheego si kalena loo dhaqmo. Waa in looga jawaabo ilmaha su'aalahooda si xigmad leh oo u dhiganta cimrigooda iyo caqligooda, hadalka waalidkuna waa inuu ku salaysnaado islaamkaa sidaas qaba iyo islaamku sidaas ma qabo, lagana ilaaliyo caado khilaafsan islaamka.

Waxaa jira saddex arrimood oo haddii ilmaha si dhaqan ah loogu talaalo uu kaga badbaadayo dhibaatooyin badan; 1) Allaa ila jooga 2) Allaa igu filan 3) Allaa ii jeeda. Haddii ilmaha saddexdaas arrimood si wanaagsan loo fahamsiiyo oo uu qabatimo intuu aad u yaryahay wuxuu ka badbaadayaa baqdin iyo inuu dareemo cidla, wuxuu ka badbaadayaa inuu u hanqal taago waxa dadku haystaan, wuxuu ka badbaadayaa inuu inta dadka ishooda iska fiirsho qalad galo.

Waxaa la yiri nin shiikh ah baa koox ardadiisa ka mid ah u dhiibay shimbiro wuxuuna ku yiri qof waliba shimbirtiisa haku soo qalo meel aan cidina u jeedin, dhammaantood waa soo qaleen hal wiil maahee, markuu waydiiyay wuxuu u qali waayay shimbirta wuxuu yiri waxaan waayay meel aan la ii jeedin, meeshaan galaba Allaah baa ii jeeda, markaasuu yiri shiikhii qofkaan rabay waa adiga.

Sida roobku dhulka u nooleeyo oo uga soo saaro doog iyo miro, si le’eg bay diintu u noolaysaa qalbiga qofka. Sida geedku u qalalo hadduu roob waayo si la mid ah buuna u qalalaa qalbiga qofku hadduu diin waayo, qofkuna waa qalbigiisa, marka ilmahaaga ka waraabi ceelka iimaanka intuu curdanka yahay, hadduu gahayro waxaa adkaanaysaa in diintu dhaqan ahaan ugu duxdo.

Markuu ilmuhu qalad galo waa in marka ugu horaysa si degan loogu sheego inuusan u noqon qaladkaas mar kale, loona sheego sababta ay qalad u tahay in sidaas loo dhaqmo.

Hadduu ku madax adaygo qaladka waa in loo ciqaabo si xigmad leh, loona sheego in isaga la jecelyahay, laakiin waxa la ciqaabayaa yihiin qaladka oo ah wax xun.

Waalidku hayska ilaaliyo inuu ku yiraahdo ilmaha anigu markaan ku le'ekaa sidaas iyo sidaas ma ahaanjirin, isagoo u muujinaya ilmaha inuu ka fiicnaa. Ogow adigana markaad ilmaha ahayd sidaas si le’eg baa waalidkaa kuugu soo daalay. Waa caadi inaan ilmaha iyo waalidku isku aragti noqon. Sidaas si le’eg hawsoo qaadan ilma kale, sida ina hebel ama ina hebel maaragtay. Waxaa kugu filan inaad ilmaha fahamsiisid inaan wanaagga iyo xumaanta midna is badalin. Waxa isbadbadalaana yihiin dadka aragtiyadahooda, saman walbana waxaa jira dad xun iyo dad wanaagsan.

Ilmuhu wuxuu marayaa marxalado kala duwan, marxalad walbana wuxuu la imaanayaa dhaqan cusub, sidaas daraadeed waalidku haka feejignaado siduu ula dhaqmayo marxalad walba.

Hayska ilaaliyo waalidku inuu u dhaqmo sidii booliis, hadday taasi dhacdo ilmuhu wuxuu isaga ilaalinayaa waalidka sida dambiiluhu isaga ilaaliyo isha booliiska. Yaan ilmuhu dareemin inaad u dhabagalaysid, dhabagalko guud ahaan waa dhaqan aad u xun, diinteennuna waa reebtay, waalidku isagoo feejig oo mar walba ku dadaalaya inuu la socdo dhaqanka ilmihiisa haddana haku dadaalo inuu ilmaha si toos ah oo muuqata (transparent) ula dhaqmo.

Sida ugu wanaagsan oo waalidku ula soconkaro dhaqanka ilmaha waa inuu la saaxiibo oo la sheekaysto, barnaamijyo la samaysto, marka laysku deensado waxaa dhacaysa in ilmuhu ku saldago waalidka oo u deexdo, taasoo u suuragalinaysa waalidka inuu ka saxo ilmaha wixii ka qaldan fakarkooda, laakiin waa in waalidku xigmad isticmaalo si aan ilmuhu uga didin oo uga xiran sirtiida. Haddii ilmuhu wax qaldo waa inuu la hadlo ilmaha caqligooda, ee uusan la hadlin jirkooda, waxaan u jeedaa dilka. Dilku xal joogta ah ma keeno, wuxuu ka dhashaa xanaaq wuxuuna ku dhammaada xanfaf jirka ah, wax yar ka dibna ilmuhu waa illaawaan, ilmaha mar walba la dilaana waaba la qabsadaan dilka oo wuxuu noqdaa wax noloshooda ka mid ah. Waalidku waa inuu ku baraarugsanaado wadciga hadba lagu jiro, wadci walbaa wuxuu leeyahay waayo u gaar ah.

Qofka dhaqankiisu wuxuu ka yimaadaa fakarkiisa, marka si waalidku ugu qanciyo ilmaha wuxuu doonayo waa inuu u ogolaado in ilmuhu soo saaro ra'yigiisa isagoo aan baqayn, laakiin aan meel uga dhicin ixtiraamka waalidka. Haddii xiriirka waalidka iyo ilmuhu noqdo sidaas samee, sidaas ma samayn kartid iyo ciqaab, waalidkaas wax wayn baa ka qaldan habkiisa tarbiyadda ee wax ha ka badalo.

ka ilaali ilmaha qaldaadka carabkaaga iyo dhaqankaaga, ogow in dhaqankaaga iyo hadalkaagu ku qoranyihiin ilmahaaga qalbigooda, maskaxdooduna soo saarayso. Dhaqanka aad jeceshahay inaad ku aragtid ilmahaaga adigu la imaw marka hore. Ilmuhu siday tafta kuugu dhaganyihiin bay hadalkaaga iyo dhaqankaagana ugu dhaganyihiin. Ka feejignow inaad ku tiraahdid waxaas ha samayn adiguna samaysid, dhaqanka xun oo waalidku wuxuu ku yahay ilmaha nafsad jab, sababtoo ah wuxuu jecelyahay inuu ku faano waalidki.

Waa in lagu beero ilmaha jecaylka dalkiisa, dadkiisa Soomaaliyeed, muslimiinta iyo nabad galinta waxa Allaah abuuray oo dhan.
Waa in lagu beero ilmaha wanaag, waana in laga ilaaliyo wax ku beerikara cuqdad iyo necaybka dadkiisa Soomaaliyeed. Cuqdadu waxay cadaw ku tahay qofka diintiisa iyo dadnimadiisa intaba.

Waa inaan loo ogolaan ilmaha inay dhegaystaan sheekooyinka dadka waawayn intaan ka ahayn wax xikmad ah oo faa’iido u leh. Waa in la baro ilmaha inuusan la hadlin qof hadlaya oo uu sugo intuu dhammaysanayo hadalkiisa. Waa in la baro ilmaha inuusan dhex galin waxaan khusayn.

Waa in mar mar ilmaha wax laga waydiiyo qorshaha reerka si uu u barto wada tashiga, mar marna la qaato taladooda, loona muujiyo ixtiraam iyo kalsooni, markay wanaag sameeyaan la bogaadiyo sida markay qaldamaanba loo canaanto si le'eg. Waa inaan laga yeelin ilmaha wax walba oo ay dalbadaan, lana baro inaan wax walba la heli karin.

Waalidku waa inay wanaajiyaan saaxiibadooda si carruurtoodo ula saaxiibaan carruurta wanaagsan oo saaxiibada waalidka.

Tababarka wanaagsan oo ilmaha waxaa ka mid ah in waalidku qirto markii wax ka qaldamaan si ilmuhu ugu daydo oo qaladkiisa u qirto. Markii ilmuhu qalad qirto waa in laysugu daro saamaxaad, in lagu amaano geesinimadooda iyo run sheegooda, mar marna abaal gud lagu siiyo runta uu sheegay. Ilmaha waa in lagu ababiyo qaymaha wakhtiga, wax tarnimada iyo akhris jecayl, waalidkuna ugu noqdo tusaale.

Ilmaha haddii laga cesho qalad ama lagu ciqaabo oo markuu ooyo la sasabo waa sidii adoo yiri raali ahow waa kugu qaldamaye, dhaqankaasina ilmaha wuxuu ku ridaa jaah wareer iyo inuu kala garanwaayo saxa iyo qaladka.

Waa in labada waalid mar walba meel uga soo wadajeedaan tarbiyadda ilmaha, haddii midkood wax u sheego ilmaha waa inaan kan kale ka hor imaan ilmahoo maqlaya xattaa hadduu waalidku qaldanyahay, markay ilmuhu meesha ka tagaan isu sheega wixii qaldan.

Waa in laga ilaaliyo in ilmuhu hadal xun ku hadlo, waxaa la yiri wiil yar oo aabihi la socda baa wuxuu arkay ay markaasuu yiri aabe waa ay, aabihii wuxuu yiri wiilkaygiiyow mar dambe ha oran hadalkaas, markaasuu wiilkii yiri haddee aabe waa magaciisa, markaasuu yiri aabihi wiilkaygiiyow waxaanan rabin in afkaagu barto. Garo wuxuu u diidanyahay wiilkiisa in afkiisu barto kalmad cay noqon karta magacba ha ahaate.

Waa inaan ilmaha lagu beerin baqdin been ah sida Allaa ku cadaabaya, Allaah ilmaha ma cadaabo, ilmaha ha ku dirin Rabbigood, Allana haku been abuuran. booliskaa ku qabanaya, boolisku wuxuu ilaaliya ilmaha nabad galyadooda ee ma qabto, haddaad booliiska ka didisid wuxuu u cararidoona mujrimka. Yaan lagu oran ilmaha waa lagu dafayaa, waa inaan lagu xirin meel mugdi ah, waa inaan waalidku ku oran ilmaha waa kaa tagayaa, waa ku nacay iwm. Arrimahaas oo dhammi waxay ku reebayaan dareenka ilmaha raad xun. Intaas waxaa dheer adiguna been baad sheegaysaa Nabiguna CSS waa reebay beenta xattaa in lag kaftamo.

Sidaas si le’eg waa inaan ilmaha la caayin, la habaarin, waxaa jira hadalo waalidku fududaysto oo ilmaha qalbigooda u gaysta dhaawac wayn, sida doqonyohow, waxyohow aan caqliga lahayni iwm.

Gunaanad.

Ka ilaali ilmaha calooshooda xaaraan, jirkooda najaaso, dhegtooda, carabkooda iyo ishooda wax xun. Ilmaha sidaas fiican loo tarbiyadeeyo, wuxuu ka dhiganyahay sidii geed markuu curdanka ahaa laamihiisa oo dhan si fiican oo toosan laysugu duway, oo gahayray isagoo toosan, lagama yaabo in si fudud loo qaloociyo.

Ilmaha tarbiyadooda la dayacaana waxaa lagala mid dhigi karaa sidii geed laamihiisa midiba gees u qaloocatay oo sidaas ku gahayray, in la jabiyo maahee lama toosin karo.

Haddaad ku barbaarisid ilmahaaga Allaa yiri, Rasuulkaa CSS yiri, hadalkaaga iyo dhaqankaaguna iyagoo wanaagsan iswaafaqaan, waxay noqonayaan sidii geed salka aad dhulka loogu xabaalay, oo xattaa haddii mar mar caleemuhu ka daataan aan looga baqayn inuu qalalo.

Haddii dabayl xoog badni timaado waxaa lagama maarmaan ah in la helo meel laysku tiiriyo si aan dabayshu kuu ridin iyo meel dugsi ah oo laga galo. Haddaba walaalayaal aan isku tiirinno Allaah SWT, dabayshana ka galo dugsiga dhaqankii Nabiga CSS si aan u badbaadno innaga iyo ubadkeennuba, dabaylaha dhacayaana aad bay u badanyihiin.

Allaah haynaka xafido xumaan oo dhan, khayr oo dhanna hayna siiyo.
Walaalayaal wax ka sheegiinna iyo wax u sheegiinnaba waa soo dhawayna.

cabda cabdullaahi <cabda12@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS