SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Biyo Sacabadaadaa looga Dhargaa 
Qalinkii: Cabdixakiim Jaamac Jooje

saicentadv@yahoo.com


Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeena ayeey korkiisa ahaatay. Kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahow iga gudooma salaanta islaamka ah (A.C.W.W). 

Dunidan aynu ku noolnahay, waxaa maanta ka jira loolan aad u ba’an, kaasoo wax baddan aan u ogolaaneyn in waddamada dunida saddexaad leysku yirrahdo ay madaxa lasoo kacaan, taasoo mar walbaba loo hindisayo qorshayaal lagu baabi’inayo, oo loo soomarinayo World Bank, IMF iyo weliba Un-ta. Waddanka marka lagu arko inuu dhaqaale ahaan madaxa lasoo kacayo ayaa waxaa loo soo diraa nimaan lagu sheegayo quburo,oo ujeedada ka danbeysa ay tahay inay dhaqaalaha waddankaas qal qal galiyaan. Ama waxaaaba loo soo dirayaa dhowr markab oo la leeyahay waxey idiin sidaan Mucaawino raashin ah oo lacag la’aan ah, taasina waa marka la arko in aad dalag badan aad beeratay oo la doonayo in niyadda laga dilo Beeralaydaada. 
 

Innaga Soomaali hadeynu nahay xaaladeenu waa Alamtara lasoo dhaaf, oo kuwa sidaa loo galayo waa kuwa ay ka jiraan dowladdo adag, oo wax uun yur iska oran kara. Innaga sidaynu u dhameyn ayaa gacanta nalagu dhigay, oo heer waxaa la gaaray xitaa Xildhibaanadeenii Mushaaraadkooda laga soo bixiyo Unta, waa cajiib. Dowladdii uu Cabdullaahi Yuusuf garwadeenka ka ahaa, waxaan oran karaa waxa ugu weynaa eee burburiyaya waa Mushaarka iyo maciishada loo maamulayey, oo haddii ay isku dayi lahaayeen inay ka xoroobaan wax uun baa u kala socon lahaa. 
 

Waddamadan aynu ku noolnahay inta baddan lacagta dadka ayaa laga qaadaa, oo waxaad arkeysaa 24ki saac iyadoo la qaadayo wax loo yaqaan {Canshuurta Guryaha, Tan waddooyinka, tan shaqaalaha, Parkinada, ganaaxa Baarkinada, Cashuurta Airpoorada, Cashuurta toosan iyo midda dadbanba } qofku tallaabaduu qaado lacag ayuu bixinaya, taas ayeey ku maareeyaan dhismaha waddanka iyo mushaaraadka shaqaalaha. Runtiina iyadaa lagu kala waddaa waddanka, oo dadku raali ayuu ka yahay. 
 

Haddaba waxaa isweydiin leh, maxaa inoogu wacan in dibedda la inaga biilo, miyaanan dalkeena wax kasoo saaran Karin, miyeeynaan lasoo bixi Karin illaa xad hantida dhulkeena uu leeyahay. Waxaan aaminsanahay dowladdan Cusub hadda ee Shiikh Shariif Madaxweynaha ka yahay, Cumar Cabdirishiidna uu wasiirka 1aad ka yahay, haddanay isku xisaabtamin, oo ayan qorsho u sameysan waxa aynu innaga gaar u leenahay, oo ay wax ka sugto gacan shisheeye wallee wax baddan masii jireyso. Sharftu waxey ku xiran tahay in uu qofku jeebkiisa, haba u yaraadee uu ku xisaabtamo. 
 

Waxaan aaminsanahay inay nagu filan tahay haddii si fiican oo caddalad ku dhisan loo maareeyo, Cashuurta laga qaado  Dakadaheena, Airpooradeena, Guryaha, Ganacsatada, shaqaalaha, xoolaha la dhoofiyo. Sidoo kale haddii la sameeyo guddi hay’ad islaami ah oo soo ururisa Sakada, taas ayaa nagu filnaan laheyd, oo aynu Allaah talo saarano. In si wanaagsan loo maamulo dakhliga waddanka soo gala waa lagama maarmaan. Tallaabdii maalin dhaweyd uu qaaday Wasiirka 1aad, runtii waxey aheyd arin aad iyo aad loogu baahana, oo bogaadinteeda iska leh. Adduunka waxaa lagu kala hormaray, qaababka loo maareeyo dakhliga waddamada soo gala. 
 

Waxaa talo wanaagsan ah in  guddigaas uu Prime Ministerku magacaabay laga dhigo hay’adda ugu sareysa ee maamusho dakhliga soo xerooda. Dunidan waxey leeyihiin hay’ado loogu yeero { Income management Team }, oo u shaqeeya sidi Askarta oo kale, oo meel alla meeshii uu shilin ku maqan yahay sankey ka galayaan. Marka mudane Prime Minister hay’addaas hala dhiira galiyo, oo tallaabadii wanaag ah ay sameysaba halaga abaalmariyo, tii khalad ahna halooga digo, oo iyadana halaga abaalmariyo. 
 

Ummadda Soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa, war meel ma wada gali karaan waxeynu rabnaa dowlad adag oo noo shaqeysa, iyo kuma qeybqaadaneyno dhismaheeda. Haddii aad rabtaan inay dowladdu shaqeyso ogolaada inaad si cadaalad ku jirto u bixisaan lacagaha idinku waajibay, oo kiina Allaah dhaqaalaha siiyaya uu sakada bixiyaa, wixii kale oo uu dowladda ku taageeri karo bixiyaa, kuwa kalena ay bixiyaan wax alla iyo wixii ay awoodaan. Waa inaad la dagaalantaan kuwa diida inay bixiyaan cashuuraadka ku waajibay. Dowladdu waa shicibka, ee ha u qaadan dowladdu inay cid kale tahay, waa inaad ka hortimaadaa qofka Qaranka duminya. Dowlad waxaa kala hormariyay shicibkeed, ee Soomaaliyeey wixii tagay wey tageen ee maanta u soo jeesta sidi garbaha looga gali lahaa kicinta dowladdenna. 
 

Qurbo ku noolka iyo dadka Diasbaraha waxaan ka codaneynaa inay dowladda cusub u abuuraan sanduuq dhaqaale, kaasoo qof walba uu isku dayayo inuu bil walba ku soo rido wixii uu dowladdan u awoodo, bal inay lugaheeda ku istaagto. Sidoo kale u ogolaada kiina xirfad iyo aqoon lehba inuu lasoo shaqeeyo, uguna soo shaqeyyo muddo go.an qaab Voluntary basis ah.

Dowladda waxeynu ka codsanaynaa inay soo dhaweyso barnaamijyada qayimka ah ee ay had iyo jeer la yimaadaan Shaqsiyaadka wanaag doonka ah. Mar walba waa inaad dhiira galisaan qofka wax idinku soo kordhiyaa, si ay dadku wanaaga isaga daydaan. 
 

Waxaan hadalkeyga ku soo gabagabeynayaa, Soomaaliyeey Allaah wuu noo gargaaray oo waxeynu leenahay dhul qiimo leh, oo uu kheyraad ceygaago, ee aynu ka faa’ideysano. Waxaad leedahay Xeebta ugu dheer Africa, waxaad leedahay wabiyo, dhul beereed aad iyo aad u ballaaran macdanaha naga qarsoon iyagu warkooda iska daa. Misana maanta afarta xildhibaan aynu leenahay waxaa laga biilayaa dibedda, oo waliba waxaa biilaya hay’ado ajaaniib ah, war miyeeydaan ka damqaneyn arintaas. Soomaaliyeey horaa loo yiri, oo murti Soomaaliyeed ayeey aheyd Biyo sacabadaadaa looga dhargaa, ee aynu isku xisaabtanno oo dhulka iska qaadno. 
 

Wabilaahi Towfiiq

Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje

Social Development Officer

Leicester

Dagaalada Ka Dhacay Ufayn iyo Agagaarkeeda waa kugu dhimay kaa dhimay.. Akhri...

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS