SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
16 March 2009.


Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada cadowga itoobiya

Gumaysiga Itoobiya oo sii xoojiyey xasuuqa niyo cadaadiska uu ku hayo dadka rayidka ah

Wargayska The Post Chronicle oo saadaaliyay burburka ku soo fool leh Itoobiya

Xoogaga Xisbul Islaam oo sheegay iney ku biireen dagaalka lag hoobtay ee maalintii labaad ka socda deegaano hoos yimaada degmada Ceelbuur



======================

Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada cadowga itoobiya


Xukuumada gumaysiga itoobiya ayaa garowsatay inuu gabi ahaanba khalad ahaan qorshaheedii xoog inay ku muquuniso ciidanka qalabka sida ee jwxo,kadib dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay duleedyada magaalooyinka waaweyn ee ogadenya ee loogu awood sheegtay ciidamada wayaanaha.

Fashilka ku yimid qorshaha ciidana ee xukuumada itoobiya ayaa yimid kadib markay ciidamada qalabka sida ee jwxo badaleen qorshohoodii hore ee ku dhufoo ka dhaqaaq ,culays milatarina sareen magaalooyinka waaweyn ee ogadenya oo hada ah meelaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada gumaysiga itoobiya oo dhufeysyo waaweyn qotay iyo ciidamada qalabka sida ee jwxo.

Wasaarada gaashaandhiga ee gumaysiga itoobiya ayaa amar ku bixisay in ciidam kasta difaac ka galo magaalada uu joogo oo aysan raadsanin xoogaga onlf kadib dagaalkii adkaa ee ka dhacay duleedka magaalada Wardheer iyo saraakiisha ciidamada gumaysiga ee ogadenya ku sugan oo isku khilaafa ka hortaga xoogaga onlf iskhilaafkaas oo keena inay dhexdooda islaayaan sidii sitimaankii horaba ka dhacday magalada Nusdariiq oo ay iskaga dileen 15 wayaane oo u badnaa saraakiishii isaga hoosaysay xerada ciidanka gumaysiga ee magaalada Nusdariiq.

Ciidanka qalabka sida ee jwxo ayaa isagu weli daynin weerarada ay ku hayaan ciidamada naflacaariga ah ee gumaysiga itoobiya.

11/03/09 –Laandheer oo ka tirsan gobolka Qorahay dagaal ka dhacay Waxaa cadowga lagaga dilay 9 Woyaaane iyada oo La Dhaawacay 12 kale.


13/03/09 –Gumareey oo ka tirsan Dhagaxmadow ee gobolka Jarar Waxaa cadowga lagaga dilay 5 woyaane waxaana lagu dhaawacay 9 kale.

Waxaa isla Taariikhdaas 13-03-09 xeryaha Ciidanka Woyaanaha ee Cayuun-iyo Birqod oo ka wada tirsan gobolka Nogob lagu qaaday weeraro culus Ilaa Haddana Khasaaraaha Dhabta ah uusan nasoo gaadhin Waloow ay Warar Hoose Sheegayaan Tirooyin Badan oo is khilaafsan.

Gumaysiga Itoobiya oo sii xoojiyey xasuuqa niyo cadaadiska uu ku hayo dadka rayidka ah


Ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa mudooyinkan dambe sii xoojiyey Xasuuqii ay ku hayeen Dadka aan Waxba Galabsan kadib Guul darooyinka dagaal iyaga oo istiicmaalayaToogasho, Uus-xabaal, Marjin, Dal-dalaad, Kufsi , Gubid Guryo iyo Dadba iyo Waliba Siyaabo kale oo Badan Waxayna Hadda Dadka U Sheegeen In Si aysan Wali Arag Loo Ciqaabi-doono,gabadh kamid ah dadkii ay hanjabaadaas u gaysteen ayaa u sheegtay wariyaha RX ee magaalada Wardheer in oday da,ahaa oo halkas ku sugnaa uu ugu jawaabay ciidankii in aysan Naari Meel qaboow lahayn.

05/03/09 Qarja-Jabo oo ka tirsan degmada Dhuxun ee gobolka Nogob waxay ciidamada daalan ee gumaysigu ku Dal-daleen Wiil la Odhan Jiray alle ha unaxariistee Ina Maxamed Xuseen.

23/02/09 Hadhaa oo ka tirsan degmada Garigo`an ee gobolka Nogob Waxay ciidamada anshaxa daran ee gumaysigu ku Kufsadeen Saynab Shaafi ,gabadhan ayaa xaaladeeda caafimaad laga dayrinayaa kadib markay ciidamadu gumaysigu dabaro cul culus ku dhufteen.

09/03/09 Degmada Fiiq ee gobolka Nogob waxay ciidamada cabudhiska loo keenay Ogadenya jidh-dil xun u gaysteen Hooyo Sooc Axmed Taray oo hadda Kahorna ay Ilmo ka Soo rideen kadib Jidh-dil iyo Xadhig ay in badan ku hayeen, Sooc oo Dagaanka Baabili Ka Qaxday Maciinna Bidday Magaalada Fiiq ayaa Waxaa hadana helay colkii ay uga soo caagtay caruurteedii iyo reerkeedii oo ku sugan Baabili.

3/03/09 Degmada Shilaabo ee gobolka Qorahay Waxay ciidamada wayaanuhu ku xidh xidheen dad rayad ah oo aad u badan waxaana kamid ah:

1-Nuur Aw-Faarax

2-Xukun Badal Aabi

3-Xassan Cabdi Mire

4-Ardo Xaaji Cali Aar

5-Mustafe Maxamed Aw-faarax

6-Cawl Aaden Xirsi

7-Barkhad jaamac Abiib

8-Aniisa Cabdi Cilmi

9-Cashir Xaaji Cabdi Aar

10-Ubax Cali Xabawar

11-Ayaan Maxamed yare

12-Ina Xassan Madoobe

13-Cabdullaahi Badal Jadhaa

14-Dhuux Jaamac Cabdi Dhoore

15-Ina Afgaab Salwiye.

28/-2/09 ilaa- 03/03/09 Magaalada Yucub oo ka tirsan gobolka Doollo waxay ciidamada cabudhiska ku caan baxay ee gumaysiga itoobiya ku xidh xidheen dad aad utiro badan oo ay kamid yihiin:

1-Cabdi Cabdullaahi Faarax
2-Ilkacase Cabdi Cabdullaahi

3-Hire Ismaaciil Aw-Cumar

4-Deeq Aw-Muuse Cumar

5-Yuusuf Shukri

6-Faarax Cabdi Gureey

7-Daahir Sheekh Cabdullahi

8-Faadumo Axmed cabdullaahi

9-Qalbi-nuur Maxamed

10-Cabdiqaadir Maxamed Iid

11-Xaashi xasan Maxamed

12-Cabdiyare Badal Faarax

13-Axmed Muxumed Cabdi

14-Cabdi Kamas Cali

15-Cabdi Gaani Cali

16-Bashiir xasan Maxamed

17-Cabdi Guhaad Maxamed

18-Lixle Sheekh Xasan

19-Ayaan Cumar Cabdi

20-Ina Badal Faarax

21-Ina Xaashi Axmed 

Wargayska The Post Chronicle ee dalka Maraykan oo saadaalisay burburka ku soo fool leh Itobiya


Badanaa dhaliilaha loo soo jeediyo siyaasadda Mareykanka ee Geeska Afrika waxay la xiriiraan ceebtii ka raacday Somaliya. Laakiin warbixinadii ugu dambeeyay waxay muujinayaan in saaxiibkii uu ku lahaa Mareykanka gobolkaasi uu qarka u saran yahay khatar ah inuu burburo.

Gobolada Bariga Afrika ee dagaalada aadka ah ay ka socdaan waxaa ugu horeeya dalka Ogadenya oo xad la leh Itobiya iyo Somaliya. Labadan dal ayuu dagaal ku dhex maray xadka sanadkii 1977kii, dagaalkaa oo keenay inuu Midowga Sofyeeti (Shuuciyadii Ruushka) u wareejiyo Itobiya xiriirkii sokeeyenimo uu la lahaa dalka Somaliya. Dagaalkaa (loo yaqaano Ogaden War) markuu dhamaaday waxaa ka qarxay Geeska Afrika dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay labadii quwadood. Hasa ahaatee markuu burburay Midowga Sofyeeti, waxaa ka daba burburay labadii xukuumadood ee ka jiray labada dal (Siyaad Barre iyo Mingisto). Waqtigan xaadirka ah waxaa ka dhisan Addisababa dawlad raacsan reer galbeedka, meesha aanay dawlad dhexe oo awood lihi ka jirin Somaliya.

Laga soo bilaabo dhicidii xukuumadii Siyaad Barre 1991, waxay Itobiya ciidamadeeda u dirtay Somaliya saddex jeer, oo saddexdaba loo arkayay inuu yahay dagaal ay wakiil uga tahay Mareykanka. Galitaankii Itobiya ee ugu dambeeyay ee Disember 2006 ayuu Mareykanka ku taageeray Itobiya ciidan isagoo ka walwalsan xooga soo koraya ee islaamiyiinta.
Dawladda Mareykanka ayaa laga soo bilaabo maalintii lagu jabiyay Muqdisho 1993 waxay isha ku haysaa xoogaga islaamiyiinta. Dagaalkaa (ku caan baxay Black Hawk Down) ayaa waxaa lagaga dilay ciidanka Mareykanka 18 ka mid ahaa xulka ciidankiisa oo loogu talagalay inay soo qabtaan Caydiid.

Xaaladda Somaaliya ma’aha sababta kaliyah ee keenaysa inuu Mareykanka isha ku hayo arimaha gobolkaa. Wadanka ay tahay in aad loola socdo waa gobolka Ogadenya.
Inkastoo aanay Ogadenya ihtimaam balaadhan siinin warbaahinta caalamiga ah, waxaa maalmahan ka warbixiyay shabkadaha wararka ee gobolka. Waxaa laga soo xiganayaa ila-wareedyada gobolka qaar ka mid ah inay dagaala calculus ka dheceen Ogadenya todobaadkii la soo dhaafay oo khasaare laxaadle leh gaarsiiyay labada dhanba. Waxay Ogadenya waagii hore saldhig u ahayd xoogaga Itobiya ee ka soo horjeeda Zinawi.

Wuxuu qoraaga ugu dambayntii is-weydiiyay su’aasha ah; Maxaa la gudboon inuu Mareykanka ka sameeyo arimahan? Isagoo ka jawaabaya ayuu yidhi;
Waxaa jiray qaanuun la diyaariyay oo isku xiraya deeqda ciidanee la siinayo Itobiya iyo hagaajinta xaalka xuquuqda aadanaha ee Itobiya. Waa fikrad aad u wanaagsan. Sidoo kale waa inay dawladda Mareykanka taageertaa kooxaha mujtamaca madaniga (Civil Society Groups) ee ku hawlan arimaha ah inuu ka hirgalo Addisababa iyo meelaha kalee dalka Itobiya xukun wanaag. Sidoo kale in lagala shaqeeyo PM Zinawi inuu ogolaado saxaafad xor ah inay ka hirgasho Itobiya.

Arimahan ayaa ah waxa ugu yaree ay dawladda Mareykanka qaban karto. Maadaama uu jiro isbadal ka dhacay Washington waxaa laga yaabaa inay arimahan hirgaliyaan maamulka cusub .. ayuu ku soo gabagabeeyay Mr. Scott A Morgan oo ah qoraaga faalada.

Xoogaga Xisbul Islaam oo sheegay iney ku biireen dagaalka lag hoobtay ee maalintii labaad ka socda deegaano hoos yimaada degmada Ceelbuur

Afhayeenka xooaga hubeysan ee xisbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa sheegay ciidamadooda ay ka qeyb galeen dagaalka maalintii labaad ka socda deegaano hoos yimaada degmada Ceelbuur ee gobolka G/gaduud ee bartamaha Somalia, kuwaasoo dhexmaraya xoogaga Islaamiga ah ee Al shabaab iyo kuwa dariiqada Suufiyada ee Ahlu sunah waljamaaca.

Waxaa uu sheegay afhayeenku in ciidamadooda ay ka barbar dagaalamayaan xooogaga Al Shabaab ee dagaalka kula jira kuwa Ahlu suna waljameeca oo dagaal qasaare badan geystay uu ku dhexmarayo deegaano ay ka mid yihiin Dacda, Wabxo iyo meelo ku yaala hareeraha degmada Ceelbuur, wuxuuna intaa ku daray in xoogaga Xisbul islaam iyo kuwa Al Shabaab oo isbaheysanaya ay la wareegeen deegaanka wabxo oo ah halkii u shalay dagaalku ka bilowday qasaare iyo jab xoog lehna ay gaarsiiyeen xoogaga ahlu suna Jameeca ee dagaalka ay la galeen sida uu yiri.

“Sababta keentay inaan dagaalka galno al Shabaabna ka bar bar dagaalano waxay tahay waa la soo weeraray iyagoo meelahooda iska jooga waa dulmi cad, sidaa awgeed mujaahidiintu waa walaalo nimanka soo weerarayna marba haddii aysan mujaahidinta ka tirsaneyn, weerarna ku soo qaadeen waa dad ugu yaraan cadowga u shaqeeya kana horjeeda mujaahidiinta magacey doonaanba ha sheegteene” ayuu yiri Afhayeenka xoogaga hubeysan ee xisbul Islaam Sheekh Muuse Cabdi Caraale.

16 March 2009

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com | March 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS