SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Baaq Nabadeed: Beesha reer Xaaji Saleebaan ee ku nool Gees Africa,

Anaga oo ku hadlayna magaca odayaasha, aqoonyahanada, ganacsatada culimo-awdiinka iyo wax garadka kasoo kala jeeda Beesha reer Xaaji Saleebaan ee ku nool Gees Africa, waxa aanu ku baaqaynaa dhamaan dadka ku nool Gobalada dhaxe in aysan ogaan colaad danbe oo ka dhaca Gobalada Dhaxe ee Somalia.

Waxa aanu ku boorinaynaa dhamaanba dadweynaha nabadda jecel in ay si hagrasho la’aan ah uga shaqeeyaan sidii shacabka Gobaladda Dhaxe ku dhaqan ay nabad iyo daris wanaag ugu wada noolaan lahaayeyn,

Dhamaan Beesha reer Xaaji Salbeen meel walba oo ay joogaan waxa ay taageersanyihiin maamulka Ximan iyo Xeeb ee ka dhisan Cadaado, sidoo kalle Beesha waxay si buuxda u taageersantahay Dowladda Wadaaga Gumeelgarka ee Somalia.

Waxanu dhan kalle baaq u jeedinaynaa kooxalaha la magacbaxay Ahlu Suna Waljamaaca ee faragalinta ku haya Maamulka Ximan iyo Xeeb in ay ka waantoobaan joojiyana ficilada lagu carqaleeynayo nabada Gobalka iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb. Kooxda Ahlu Suna Waljamaaca waxaanu u naqaana culumo Somaliyeed oo dhamaan iyo dad wanaag lagu garanjiray umadda Somaliyeed ay wada garanayaan.

Beesha reer Xaaji Saleebaan iyo Maamulka Ximan iyo Xeeb midkoodna mataageersana kooxaha iyo Firqooyinka kajira dalka Somalia sida Al-shabaab, Midowga Maxaakimta, Alhu Suna Waljamaaca, Xizbul Islam iyo dhamaan kooxaha kalle ee dalka ka jira beeshu waxay taagersantahay dowladda wadaaga ee Somalia.

Waxa aanu ugu baaqaynaa dhamaanba qurbo-jooga kasoo kala jeeda gobolada Dhaxe ee Somalia in ay nabada iyo Horumarka gobalka ka shaqeeyaan.

Ugu danbeyntii waxay beeshu ugu baaqeeysaa kooxaha Faragalinta ku haya Maamulka Ximan iyo Xeeb in ay ka waantoobaan ayna wanaagsantahay in laga wada shaqeeyo Nabada iyo Horumarka Gobalka.

Waxaa baaqaan ku saxiiixan.

Nabadoon Mohamed Xassan Barow.
Gudoomiye Abshir Aadan Xalane.
Mohamed Axmed Jimcaale “Dhagacade”

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”
ibraahim@journalist.com

Nairobi-Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS