Daabaco
Boggan | Print
![](fzz.jpg)
Faroole iyo Zenawi: March 14, 2009.. ENA
![](sl8.jpg)
Daahir Riyaale iyo Zenawi: March 13, 2009
Sheikh Shariif iyo kurisga Zenawi
![](../feb/zenawi_shariifka.jpg)
Shariif Axmed iyo Zenawi, Feb 3, 2009
Gaashaanle Sare Nuur Cadde Ma Xasuuqa Shacabka
Soomaaliyeed ayuu Zenawi uga Mahad Celiyey?...
![](../feb/nuur.jpg)
G/sare Nuur Cadde iyo Zenawi, Addis Ababa, Feb 6, 2008
![geeddi iyo zenawi](../feb/27oct08.jpg)
Geeddi iyo Zenawi oo jooga Addis Ababa xilligii uu ra'iisul
wasaaraha u ahaa DFKMG -
![Ethiopian Prime Minister, Meles Zenawi, left, Somalian President, Abdullahi Yusuf, middle, and Somali Prime Minister Ali Mohamed Gedi , right, during their meeting in Mogadishu , Tuesday, June 5, 2007. Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi made a surprise visit to Somalia on Tuesday, the highest ranking government official to visit Mogadishu in more than a decade as his troops try to protect this country's fragile government, officials said. Ethiopia, the region's military powerhouse, was vital in helping the Somali government drive out radical Islamists who ruled much of the country for six months last year. From AP Photo by MOHAMED ABDULLE HASSAN SIIDI.](../feb/yuuusuf.jpg)
Muqdisho,
June 5, 2007: Zenawi oo Muqdisho kula kulmay C/laahi Yuusuf iyo
Geeddi, kaddib markii maxkamaadaha laga saaray Muqdisho. Sawirka:
daylife
|
Alshabaab oo Baardheere Ka Soo Saaray Go'aano Hubka La Xiriira
Sharcigan oo xakameynaya in Hubka lagu dhex heysto gudaha magaalada ayaa waxaa
soo saaray xoogaga alshabaab ee ka arimiya magaalada Baardheere.
Go’aankan oo ay ku baaqeen xili ay dadweynaha kula hadlayeen Fagaare ku yaala
gudaha Degmada Baardheere ayaa waxaa saraakiisha alshabaab ay sheegeen in cidii
lagu arko iyadoo heysata hubsharci daro ah ay kala waregayaan una aqoonsanayaan
sida ay sheegeen Hubka cadowga .
Saakay ayaa waxaa lagu arkayay Saldhiga Police-ka Ee magaaalada Baardheere Kooxo
dadweyane ah oo sita Hubkooda kuwaas oo doonaya in loo sharciyeeyo .
Ayadoo amarkaasi uu haatan u muuqdo mid fulay ayaa hadana waxaajira in dadka
qaar ay shaki ka muujinayaan Hubaruurintaasi ay ku baaqeen xoogaga alshabaab.
Sarkaal u hadlay xoogaga alshabaab ayaa waxaa uu uga digay dadka deegaanka in ay
hubkooda ku heystaan Guryaha taasi oo uu sheegay in ay ka dhigan tahay in
hubkaasi uu noqonayo mid ahaan sharciyeeysneyn oo aan sharciga waafaqsaneyn.
Amuurtan ayaa ka dambeysay kadib markii Ururdiimedka Ahlusuna waljameeca ay
dagaal kula galeen xarakada alshabaab gudaha magaalada Baardheere taasi oo ka
tagtay Dhaawaca 5Qof oo ka tirsan Alshabaab ayadoo mid ka mid ah ciidamadoodana
goobtaasi lagu dilay .
Sidookale amuurtan ayaa waxay imaneysaa tuhun balaaran oo alshabaab ka soo galay
hubkii lagula dagaalamay in laga soo dhexqaaday gudaha magaalada baardheere
taasina ay keentay in ay mamnuucaan gebi ahaanba Hubka lagu dhexqaato gudaha
magaalada .
Waa markii ugu horeysay oo ay Xoogaga Alshabaab kusoo rogaan Go’aano Ceynkan oo
kale ah Gudaha magaalada Baardheere.
Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March
15, 2009 |