SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Faallo Sport : Dwain Chambers (Great Britain) iyo Usain Bolt (Jamaica)kee baa 100m oradka koobka Aduunka Berlin 2009 ee cayaaraha fudud qaadi doona?.

London 15.03.2009 .Waxaa dhawaan magaalo madaxda dalka Germany ee Berlin lagu qaban doonaa tartanka Cayaaraha fudud ee caalamka oo loo yaqaan ( The World Championships), run ahaantiina sanadkaan waa mid aad u xiisa badan marka loo eego tartankaan kii ka horeeyay sababtoo ah waxaa dhawaan laga soo laabtey tartankii Cayaaraha Olampiga ee Peijing 2008 lagu qabtey, iyadoo xifaaltan u dhaxeeyo xidigihii hore iyo kuwii bilada dahabka ka soo hoyay tartankii Beijing 2008 ee Olampiga, kuwaasoo ku balansan tartanka Berlin 2009 lagu wado in lagu qabto bisha May 2009.

Tartanka sida gaarka ah isha loogu haayo waa oradka 100m iyo 200m oo aad moodo in xiisa gaar ah leeyahay madaama uu rikoorkii hore u yiil uu jabiyay ciyaaryahanka u dhashay dalka Jamaica lana yiraahdo Usain Bolt tartankii Peijing 2008, halka dalka Ingiriiska ay doonayaan inay culays ku saaraan IAAF in loo ogolaado inuu tartankan ka qayb galo ciyaaryahanka la yiraahdo Dwain Chambers oo u dhashay dalka Ingiriiska inuu ordo 100m iyo 200m.

Dwain Chambers ayaa laga joojiyay inuu ka qayb galo ciyaarihii Olampiga 2008 ee lagu qabtey dalka China kadib markii lagu helay inuu isticmaalay maandooriye ( Drugs) ka mamnuuc ah Sport-iga, hasa yeeshee ciyaaryahankan ayaa dacwadaas ka qaatey racfaano badan isagoo ilaa heer maxkamadeed ay go'aanka looga joojiyay ka qayb galka orada ku gaartey ka hor intii aan laga qayb galin tartankii Beijing 2008, hasa yeeshee dadaal badan kadib markii uu labo sanadood uu soo dhamaystey ganaaxii la saarey ayuu waxa uu galay dadaal dheer iyo u diyaargaroow adag si uu magaciisa ceebaysan iyo guulo cusub uga soo hooyo tartanka 100m iyo 200m ee oradada Caalamka.

Ciyaaryahankan ayaa ka qayb galay tartan lagu qabtey dalka Talyaaniga gaar ahaan magaalada Turino indoor-ka, isagoo tartanka 60m ku qaaday xawaare iyo rikoor cusub, isla markaana Bilad Dahab ah kala soo laabtey, balse hada doonaya inuu ka qayb galo tartanka World Championship in Berlin 2009 lagu qabanaayo bisha May hadii Eebe idmo.

Madaxa macalimiinta ciyaaraha fudud ee dalka United Kingdom oo u dhashay dalka Holand Charles Van Commenee isla markaana dhawaana wax badan ka badalay qaabka loo maamulo cayaaraha fudud UK ayaa guulo la taaban karo ay ka soo hoyeen ciyaartooyda dalka Ingiriiska tartankii Indoorka ee lagu qabtey dalka Talyaaniga, iyagoo xulka dalka Ingiriiska ay kale soo noqdeen bilo badan oo Dahab sida ciyaaryahanka Soomaaliyeed Mohamed Faarax una orda dalka Ingiriiska oo wacdaro iyo rikoor cusub dhigay tartanka 3000m isla markaana Bilad Dahab ah ka keenay tartankaas indoorka Turino 2009.

Charles van Commenee oo ay saxaafada Ingiriiska ay ugu yereen '' The right man for the job'' ayaa doonaya in loo ogolaado in ganaaxa saaran ciyaaryahanka la yiraahdo Dwain Chambers laga qaado isla markaana kula tartama oradka 100m bilada dahabka ee koobka Worldchampiobship in Berllin ciyaaryahanka u dhashay dalka Jamaica ee haysta Bilad Dahabka Olampikada iyo rikoorka cusub ee oradka 100m iyo 200m ciyaarhan Usain Bolt kuna orday (New World Record 9.69).

Ciyaaryahanka Usain Bolt waxa uu ku dhashay dalka Jamaica gaar ahaan magaalada Trelawny sanadku markuu ahaa 21 Agoosto 1986, dherarkiisu waa 6 feet 5 ins, waxana uu ordaa oradada 100m & 200m.

Waxana u qaaday bilado dahab ah oradada kale ah 100m,200m, 4x400m tartankii lagu qabtey magaalada Beijing 2008 dalka Chine, 2007 World championship bilad Qalin oradka 200m iyo 4x 400m , halka 2002 World junior Championship uu bilad Dahab oradka 200m ku hantey, waxana u dhigay rikooro cusub sida 100m oo ku orday 9.69 secod WR, 200M oo ku orday 19.30 second WR.

Sida uu ku eedeyay madaxwaynaha International Olympic Commitee mudane Jacques Rogge ciyaaryahanka Usain Bolt nin aan xushmaynin ciyaaryahanada kale ee la tartamaysa oradka kadib markii uu muujiyay show iyo dhoolatus gushii oradka 100m ciyaartii finalka ee ku jabiyay rikoorka isla markaana bilada dahabka gacanta ku dhigay, hasa yeeshee ciyaaryahanka Bolt ayaa isla markii ka bixiyay hadalka ninka masuulka ah kuna tilmaamay inuusan quursanaynin ciyaaryahanada kale balse Sport-igu yahay madadaalo uuna doonaya dadka badan ee u soo daawasho tago ku maqsuudiyo qaabka uu udamaashaado, waxana su'aalay ciyaaryahada kale arinkaan sida ay u arkaan eedaynta la igu soo eedeyay? '' waxayna kuli i wada sheegeen inay iyaga xataa samayn lahaayeen arinkaas hadii ay ku guulaysan lahaayeen oradka''.

Docda kale dadka xiiseeya oradada waxay doonayaan inay arkaan ninka guulaysta tartanka lagu qabanaayo dalka Germany magaalo madaxdiisa Berlin bisha May 2009 ciyaaryahanada Dwain Chambers iyo Usain Bolt oo hada ah ninka caalamka ugu dheereeya madaama uu haysto rikoorka 100m iyo 200m, halka Dwain Chambers uu isna jabiyay rikoorka 60m isla markaana doonaya inuu caalamka u muujiyo inuu yahay ninka kaliya ee ka qaadi kara Bolt 100m, 200. iyo 4x400m.

Dowlada Ingiriiska ayaanan wax xil ah iska saarin markii hore ee laga joojinayay tartamada laacibkaan balse hada aad moodo inay doonayaan inay culayskooda ama awoodooda ku saaraan in ganaaxii hore laga qaado isla markaana dalka Ingiriiska bilada Dahabka u hantaan.

Sida ay qorayaan saxaafada Sports dalka Ingiriiska ayaa mooda mid ay si weyn Dwain Chambers ugu buunbuuninayaan halka Usain Bolt kalsooni weyn uu ku qabo inuu mar kale jabin doono rikoorkiisi hore isla markaana ku ordi kara 9.52 second sida uu macalinkiisa qabo, arinkaas oo noqon doonto mid mucjiso ah.

Halkaan waxaan idin kugu soo bandhigayaa 9-ka nin ee caalamka rikoorada 100m wax ka badashay ama jabisay rikooradii hore 96 sanadood ( 1912 ilaa 2008) ee la soo dhaafay, iyadoo aan ka soo bilaabayno waqtigii ugu horeeyay ee la qabto tartankaan xiisaha badan:

1. July 1912 ayaa waxaa lagu qabtey magaalo madaxda dalka Sweden ee Stockholm tartankii ugu horeeyay oradka 100m waxaana rikoor cusub dhigay ciyaaryahanka Don Lippincot oo u dhashay dalka Mareykanka, isagoo ku orday 10.6 Second, waana markii ugu horeysay Xiriirka IAAF ay aqoonsato in rikoor cusub oo 100m ah la dhigay Caalamka oradkaan xiisaha badan.

2. 1936 Ciyaaryahanka Jesse Owens ayaa ku orday 10.2 Second tartankii Berlin Olympics, Owens ayaa 24 sano kadib ayuu jabiyay rikoorkii hore ee la dhigay 1912 -kii

3. 1968 Jim Hines ayaa ku orday 9.95 Second , Jim Hines oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa noqday ninkii ugu horeeyay ee jabiya rikoorkii hore qiyaastii 10 Barrier.

4. 1991 Carl Lewis ayaa ku orday xawaare dhan 9.85 Second kuna tilmaamay '' The Best race of my life'' Oradkii ugu wanaagsanaa nolashayda waxaana dhigay rikoor cusub oo 30 Second ka hooseeya kii hore 23 sanadood kadib Jim Hines rikoorkiisii 1968.

5.1994 Lerroy Burrell ayaa jabiyay bil gudaheed xiligii Lewis dhigay laakinse labo sanadood ka dib ayaa ayuu si rasmi ah dhigay 9.86 Second rikoor cusub.

6. 1996 Donavan Bailey ayaa rajo ku soo celiyay dalka Canada kadib markii ciyaaryahankii Ben Johnson Olympic Seoul lagu helay inuu Isticmaalay Mandooriye ( Drugs), Donavan Bailay ayaa ku orday 9.84 Second.

7. 1999 Ciyaaryahanka Maurice Greene ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay hadana dhiga rikoor cusub kadib markii la sameeyay saacad xisaabisa waqtiga oradka socdo ( Electronic timing), isagoo ku orday xawaare 9.79 Second isla markaana noqday rikoor cusub.

8.2005 Asafa Powell ayaa isna la tartamay ciyaarihii Greece lagu qabtey Athens ayaa isna dhigay rikoor cusub kuna orday 9.77 Second, Powell ayaa isna orda xiligaan iyadoo ciyaaryahan kale uu ku soo baxay.

9.2008 Ciyaaryahanka dalka Jamaica u dhashay lana yiraahdo Usain Bolt ayaa ku orday 3 bilood ka hor 9.72 Second inta uusan jabinin rikoorkii Asafa Powell isla markaana dhigay rikoor cusub 9.69 Second tartankii Olympic Beijing dalka Chine lagu qabtey sanadkii hore 2008, haatana ah ninka ugu dheereeya Caalamka.

Waxaana Championship in Berlin 2009 ka qayb gali doona labo ciyaaryahan oo Soomaali ah balse u kale ordi doono dalalka Sweden iyo United Kingdom waa Mustafe iyo Mo Faarax, iyadoo laga yaabo inuu ka soo qayb galo Ciyaaryahan C/raxmaan oo ah Soomaali kale oo u orda dalka Mareykanka oradka 5000m.

Waxaa la filayaa hadii Eebe idmo ciyaaryahanka Mohamed Faarax uu Bilada Dahabka oradka 3000m ku guulaysan doono madaama isla sanadkaan 2 mar kaalinta kowaad ka galay ciyaarihii lagu soo qabtey magaalooyinka Glasgow iyo Turino, hadaba waxaa nala gudboon hadaan Soomaalida ku nool Yurub inaa tagno garoonka Berlin Olympic Staduim oo lagu qabanaayo tartankaas, si aan u dhiirigalino Wiilasha Soomaaliyeed ee ka qayb qaadan doono tartankaas madaama ay Soomaali yihiin isla markaana la filaayo inay kaalimo wanaagsan ka soo gali doonaa si aan ugu dhiirigalino tusna caalamka in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin xidigo garoomada Caalamka ka muuqda, sababta aan saas u leeyahay waxaa weeye in dhalinyaradaan dalalka kale ka tirsan ciyaaryahanadooda wali waa Soomaali ka fekeraysa inay soo saraan isla markaana gacan qabtaan dhalinyarada Soomaaliyeed si uga faaidaystaan ka qayb galka cayaaraha oradada caalamka.

Sida uu noo sheegay markaan aan kula kulanay Mohamed Faarax magaalada London in iyagoo ka kooban Lix qofood ay diyaarinayaan 5 xaruumood oo lagu tababari doono ciyaaryahano Soomaaliyeed oo ku yaal gudaha dalka Soomaaliya, kadib markii ay ka qayb galayeen Olympic Chine ay isku arkeen Soomaalidii ka soo qayb gashay, waxaa sharaf noo ah inaa u hambalyeeyno go'aanka ay qaateen 6 ciyaaryahan ee go'aansaday inay dalkooda ku caawinayaan xaga qalabka iyo aqoonta Sports si ay u soo saraan xidigo kale oo Soomaali ah.

.

Abdi Bile Abdi ( Somali Legend and World Champion 1987 Roma) haatana ah macalinka xulka Junior-ka dalka Sacuudiga.

Jama Karaaciin ( Somali Legend and Sudan Athletic Coach)

Mohamed Saleebaan ( Qatar legend 1500m & 800m, QATAR Athletic manager)

Mohamed Farah (GB legend 3000m)

Mustafe (Sweden Legend 3000m)

Abdiraxmaan ( USA 5000M legend)

Ciyaaryahanadaan kuligood waxay ka qayb galeen tartamadii Olampicada caalamka xiliyo kale duwan, nasiib wanaag 2008 ayay Chine ku kulmeen iyagoo dalal kale matalaya balse dadkooda iyo dalkooda inay wax u qabtaan ayay u istaageen waxaana leenahay Hambalyo iyo dadaal wanaagsan.

Faalayda Sports ee aan kaga hadlaayay oradka 100m ciyaaraha waxaan ku soo gunaanadayaa maahmaah Soomaaliyeed oo oranaysa '' Fardo la isu hayo maxaa la iskaga faanin'' marka soo ma oran karno Usain Bolt & Dwain Chambers maxaa la iska faanin hadiiba Berlin 2009 lagu balansan yahay, aniguse waxay ila tahay Usain Bolt inuu jidka uga tagi doono Dwain Chambers oo bootadiisa London laga joogi la yahay.

W/D: Yusuf Yusuf

Sports Editor and SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London
 

Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.