SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulankii qoreyaasha Soomaaliyeed oo ka dhacay magaalada Helsinki ee dalka Finland 

Waxaa maalmihii la soo dhaafay ee 11-12kii bishan March sanadka 2009ka lagu qabtay kulan ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen qoreyaal Soomaaliyeed oo ka kala yimid magaalooyinka London, Toronto, Stockholm & Helsinki ee dalka Finland. 
 
Waxaa bandhiggan furitaankiisii hadallo soo dhaweyn ah ka soo jeedisay Tuula Hatainen oo ahaan jirtay wasiirkii waxbarashada ee dalka Finland haddana ah ku xigeenka duqa magaalada Helsinki, waxayna hadalkeeda ku muujisay sida ay ugu faraxsan tahay bandhigga buugaagta Soomaalida ee sanadkiiba mar lagu qabto dalkaasi. 

Kulankan oo lagu soo bandhigayay buugaagtii ay qoreen qoreyaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan adduunkan dacalladiisa, waxaa qoreyaashii sanadkan ka soo qeybgalay ka mid ahaa;-

1.    Max’ed Sh. Xassan Nuur oo ka socday Scansom Publishers, Toronto, Canada. 
2.    C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban” oo ka socday Xildhiban Publications. London, UK. 
3.    Khaalid Cali Guul, Copenhagen, Denmark.   
4.    Jawaahir Cabdalla Xaaji Faarax, UK 
5.    Max’ed Baashe Xaaji Xassan, UK 
6.    C/qaadir Cusmaan Max’ud “Oromo” UK 
7.    Bashiir Ismaaciil Cusmaan, “Stockholm, Sweden.  
8.    Axmed Wehliye Coofle, Helsinki, Finland. 

Intii uu socday kulankan waxaa lagu soo bandhigay in ka badan 175 buug oo intoodii badneyd la qoray isla markaana la daabacay wixii ka dambeeyay intii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya. 
 
Bandhiggan buugaaggta laga qoray taariikhda & suugaanta Soomaalida ayay bulshada ku dhaqan dalkaasi ku tilmaameen in ay ubadka ama dhallaanka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi si wanaagsan uga faa’iideysteen, iyadoo halkaasi ay hadallo mahadcelin ah ka jeediyeen waallidiintii ka soo qeybgashay kulankaasi. 

Carwo buugeedkan oo sanadkiiba mar lagu qabto magaalo madaxda dalka Finland ee Helsinki waxaa gebagabadii bandhiggaasi hadal qiimo leh ka soo jeedisay haweeneyda madaxda ka ah Ita-Keskus Library, Mrs. Marja Leena & madaxa qoreyasha Soomaalida isla markaana ah guddoomiyaha shirkadda Scansom Publishers Dr. Max’ed Sh. Xassan Nuur. 

Sidoo kale waxaa kulankan hadallo ka soo jeediyay gabar Soomaaliyeed oo xubin ka ah xisbiga Virheja Sahra C/llaahi & C/raxmaan Cali Jiimi oo isna ka tirsan howlwadeennada “Librarian & Diversity worker-Espoo library”, oo ku dheeraaday waxqabadka ballaaran ee ay gaareen muddadii 5ta sannadood aheyd ee ay howsha bandhigga buugaagta Soomaalida socotay. 

Sahra C/llaahi xubin ka tirsan xisbiga Virheja   C/raxmaan Cali Jiimi “Librarian & Diversity     
ee dalka Finland                                           worker-Espoo library” 
 
Helsinki, Finland. 
Xildhiban Publications

Abdulaziz Ali Ibrahim -Xildhiban- <xildhiban@hotmail.com>
 

Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS