SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Soomaalida Seattle oo Ka Shiray Arimaha Argagixisada ee Somalida Mareykanaka Lala Xadhiidinayo

Somalida Daggan Wadanka Mareykanka ayaa aad uga cabanaya Arimo lala Xariirinayay oo ah in ay jiraan Dhalinyaro Ka tagta Wadankan mareykanka Kana Barbar dagaalanta Ururo ka jira somaliya ,iyadoo arintan ay aad usoo shaac baxday ka dib marki la waayay dhalinyaro somaliyed oo la sheegay in ay waalidkood kala soo xadhiidheen Wadanki hooyo iyagoo waliba si qarsoodi ah uu u dhacay Safarkooda Ay Ku Aadeen Somalia, ama aanan la ogeyn ciddi ka danbeysay in ay safraan una safraan somalia.

Gobalka Minnesota ayuu ahaa gobalki Ugu horeeyay ee ay arintaan kasoo shaacbaxday iyadoo Madaxda Somalida Sida Culimada iyo Hogaamiyayasha Jaaliyadaha ay aad isaga Fogaayeen ku lug lahanshaha Arintan.

Arintan ayaa waxa ay ku faaftay Gobalada kale ee mareykanka waxaana la sheegayaa in dad somaliyed Su'aalo ay weydiiyen Saraakisha Sir baarista Wadankan, iyadoo Somalida Walwalka ay arintan ka qabaan uu sii siyaadayo ,Gaar ahaan dadka Somalida ah ee Safarka ah ayaa mudo saacada ah lagu heestaa Garoomada.

Hadaba Somalida ku Dhaqan Gobalka washington Gaar ahaan Magaalada Seattle ayaa arintaan aad u hadal haya waxaana maalinti sabtida ahayd shir ka dhacay magalada seattle Isugu yimid qaar ka mida Somalida magaaladan Seattle looga dooday Arimahan waxaana gabagabadii la isku afkartay in Arintan Mid laga noqdo,,Somalidana aysan ahayn Argagixiso ayna Cambaareynayaan Cid kasta oo Fal noocaan ah ku lug leh,iyadoo dadki halkaasi ka hadlay ay isku raaceen in wadankan wax kasta oo dhib u geysanaya aysan raali ka ahayn.

Waxaana Lagu Balamay In Shir Weyne la isgu yimaado 28 March 2009 iyadoo Cinwaanka Kulankaasina Noqon Doono (SOMALI YOUTH & FAMILY AWARNESS DAY) Dib ayaan Idinkala soo Socodsiin doonnaa Hadii Rabbi Idmo waxa Kasoo Bixi doono Kulankan .

Hassan Ismacilyare (Hassan Sunni)

Seatte,WA

xnuur11@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS