SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Samafalayaal Geesiyaal ah oo loo gafay

Waa nasiib daro in la kala saari waayo samafalayaasha aan daalin ee har iyo habeen u soo jeeda wax u qabashada dadka Soomaaliyeed iyo dadka kale ee isugu jira kuwa caadiga ah iyo qeybaha kale ee lugta ku lahaa dhibaatooyinkii dalka Soomaaliya ka dhacay.

Tan iyo intii ka dambaysay 1990-kii Haweenka Samafalayaasha ah ee ururada Bulshadu waxa ay ahaayeen astaan u taagan nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo u samafalida dadka tabaalaysan, waxeyna haweenkaasi nudan yihiin in looga mahad naqo howsha hagar la’aaneed ee ay u qabteen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Qof walba wixii horumar ama hadimo ah ee uu u gaysto shacabkiisa taariikhda ayaa qoraysa, sidaasi daraateed Soomaalida ku dhaqan gudaha Soomaalida, waxey galad iyo abaalkeed aan gurayn ay u hayaan haweenka haweenka geesayaasha ah ee ka howlgala Hey’adaha wadaniga ah ee Soomaaliyeed.

Magacyada Hey’adaha IIDA, SWA iyo kuwa kale ee la midka ah marka aad maqasho waxaa maankaada buuxinaaya oo kuu sawirmaya ururo haween Soomaaliyeed oo u taagan samatabixinta Shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay wax walba kala weyn tahay sidii ay u samata bixin lahaayeen ummadooda gaar ahaan kuwa taagta daran oo ay haweenka iyo caruurta ugu horeeyaan.

Ma jirto cid sawir ka bixin karta ama qoraal kaliya ku soo koobi karta waxqabadka Hey’adahaan u gaarka ah haweenka Soomaaliyeed, waxaana hubanti ah iyaga la’aantood inay Qatari ku jirto nolosha malaayiin Soomaaliyeed oo saamayn balaaran uu ku reebay dagaalada Sokeeye ee Soomaaliya.

Marwo Xaliimo Cabdi Caruush iyo Geesiyadii Istarliin Cabdi Caruush Allaha u naxariistee waxaa lagu tilmaamaa saldhiga ay ku hirtaan haweenka Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin u ololeeyaasha xuquuqda, Waxbarashada iyo sidii loo hormarin lahaa Haweenka iyo caruurta Soomaaliyeed, siiba kuwa agoonta ah, iyaga oo dumarkaasi la tilmaamo inay u qalmaan in loo yagleelo taallo lagu maamusaayo geesinimada waxqabadkooda oo fidsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, waxaase ayaan daro ah in saxafi Soomaaliyeed oo aan waayo aragnimo dheer u lahayn kartida iyo hufnaanta dumarkaasi geesiyaasha ah uu u gaysto qoraalo meel ka dhac ah oo uu uga been sheegayo waxqabadkooda.

Waxaa marag doonto ah shaqsiyada nadiifka ah ee ay gabdhahaan ku sifoobeen sida u gar gaarka bulshada ee dhinacyada kala duwan, iyada uu dumarkaan ay yihiin kuwo lagu xasuusto gacantii ay ka gaysteen wax u qabashada haweenkii Miinada kula qarxday Wadada Maka Al-Mukarama, Furista Cusbitaalo laga hirgeliyay Marka, Guriceel iyo Muqdisho iyo howlaha kale ee ay u qabtaan dadkooda.

“Inkastoo aan aqoon u lahayn Booqashada Bogagga Websetyada Soomaaliya, hadana markii aan maqlay in Hey’adaha IIDA iyo SWA in loogu gafay mid ka mid ah Webbeejyada Soomaalida leedahay aad ayaan ugu murugooday, waxaana si cad ah u beeninaayaa hadalada uu ka qoray maamulayaasha Hey’adahaasi wiil yar oo Soomaaliyeed oo aan filayo inuusan inoo naxayn, waxaana mas’uuliyiinta IIDA iyo SWA uga cudur daaraya qaladka laga galay anigoo ka codsanaaya inaanay marnaba niyad jibinin wararkaan laga abuuray” ayay tiri Xaliimo Yarey oo ka mid ah haweenkii waxyeelada ka soo gaartay qaraxii miinada ee ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama.

Waxaa xaqiiqo ah hablaha IIDA iyo SWA ee lagu tacadiyay in aanay maranaba waxba u dhimayn wararka aan jirin ee been abuurka ah ee laga sheegay, waxaana hubanti ah in arrintaasi darted ee gabdhaha samafalayaasha ahi ay ka sii qaadi doonaan geesinimo iyo isku duubni ay ugu adeegayaan Bulshadooda.

Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah oo ay Hey’adahaan taageeraan ayaa qeybaha warabaahinta gudaha u sheegay inay aad uga naxeen in warar been ah laga sheego samafalayaasha u gar gaaraya iyga iyo caruurtooda, iyagoo ka codsaday deeq bixiyayaashaas inay sii laba laabaan wax u qabashada dadkooda , iyagoo dhag jalaq loo siinayn kuwa wixii ay doonaan iska qoraya.

La yaab ma lahan in qof wanaag u sameenaaya dadkiisa in ay jiraan kuwo ku weeraraya Qalinkooda, horay ayayna u dhici jirtay arrimo ceynkaan oo kale ah, balse waxaa mudan in si buuxda looga tacsiyeeyo Hery’adaha loo gafay.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
0025250-995088

Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS