SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ROWDAH

Minneapolis: Masjiddu Rowda oo Salaaddi ugu Horaysay Lagu Tukaday Habeenkii Axaddu soo Galeysey (March 14, 2009)

Sawirada Xafladdii halkan ka daawo

Xaflad Balaaran oo aad loo soo agaasimay ayaa lagu soo dhaweeyey guri guryaha ilaahay ka mid ah oo loo bixiyey Masjiddu Rowda Masaajidkaan iyo xarunta DHaqanka Soomaaliyeed (Somali Cultural Institute). Masjidka waxaa cusub waxaa iimaam u noqonaya Sh. Cabdirizaaq Sancaani.

Furitaankii xarunta waxaa ka soo qayb galay dad weyno aad u fara badan, culumo iyo aqoonyahanno, waxaana ka mid ahaa Sh. Cabdirahman Sh Cumar iimaamka Masjidka Abubakar Sadiq, Sh Cabdirizaq Xashi, Dr Cabdirahman oo ah dhakhtar somaliyeed iyo Sh Abdinasir Mohamud Farah oo Aayadu Qur,aan ah halkaas ka akhriyey.

Xarunta Dhaqanka iyo Masaajidka Rowda waxuu ku yaalaa 2426 East Minneapolis, aagga Minnehaha.

Aqoonyahannadii ka hadlay furitaanka masjidka iyo xarunta waxaa ka mid ahaa Dr. Cabdiraxmaan Diiriye Maxamed oo halkaas ka jeediyey warbixin iyo waano ku aaddan Soomaalida, gaar ahaan dhanka caafimaadka. Hadalkii Dr. C/raxmaan Halkan ka dhegeyso ama soo rogo.

Ustaad Dalboon

Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS