SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  Wasiirka Cadaalada Dowlada Midnimada Oo Sheegay In Guddi Loo Sameeyey Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka

Wasiirka cadaalada Dowlada midnimada qaran C/raxmaan Janqoow ayaa shaaca ka qaaday inay u sameeyeen gudiyo qaabkii loo hir gelein lahaa shareecada islaamka islamrkaana dalka loogu dhaqi lahaa iyadoo ay jiraan dadaalo dheeraad ah oo ay ku doonayaan dowlada midnimada qaran sidii ay umada u qancin lahaayeen si loo helo amaan iyo kala dambayn .

Mud.janaqoow oo habeenkii xalay ahaa u waramayey qaar ka tirsan warbaahinta gudaha muqdisho laga dhegaysto ayaa tibaaxay dhowr qodob oo ay dowlada midnimada qaran ay ku doonayso in shareecada islaamka la hir geliyo taasoo uu carabka ku adkeeyey in shacabka soomaaliyeed dham,aantiis ay ku qanacsan yihiin in shareecada islaamka la hir geliyo .

Sidoo kale wasiirka cadaalada dowlada midnimada qaran C/raxmaan Janaqoow oo la weydiiyey su,aalo ku aadan sidii meel layasula dhigi lahaa in shareecada islaamka la hir geliyo iyadoo ay joogaan ciidamada AMISOM side loo wada heli karaa ayaa waxuu ku jawaabay in labada arimood aysan isku mid ahayn islmarkaana ku macneeyey in ciidamada AMISOM aysan cidna dhib ku hayn waa siduu hadalka u dhigaye

" Ciidamada AMISOM waxay joogaan meel kooban, cidna dhib kuma hayaan, wax fara gelin ahna kuma sameyn karaan waxa aan dalka ku dhaqeyno, hadii laysku afgartonaq in shareecada islaamka dalka lagu dhaqona waxaa ku filan in lagu yiraahdo raali naga ahaada waan idinka kaaftoonaye" ayuu yiri janaqoow.

Dhinaca kale wasiirka ayaa gaashaanka u daruuray hadalka kazoo baxaya dhinacyada kazoo hor jeeda dowlada ee oranaya in shareecada islaamka in dalka lagu dhaqo la diidan yahay islamarkaana sheegay in caalamku aqoonsaday in weerarkii ay kusoo qaadeen soomaaliya inuu qaldanaa taasina ay marqaati madoonto tahay ayuu yiri in golaha wasiirada dowlada midnimada qaran ay dhowaan isku raaceen in dalka lagu dhaqo shareecada islaamka .

Iskusoo wada duuboo hadalka wasiir janaqoow ayaa kusoo beegmaya xili ay xoogaga dowlada kasoo horjeedaa ay ku tilmaameen codka kasoo yeeray dowlada inuu yahay mid lagu maja xaabinayo xogaga muqaawimada islamrkaana dhabarka lagaga jebinayo xoogaga islaamiyiinta ee ka dagaalamaya gudaha wadanka soomaaliya .


Yaasiin Maxamed Cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS