SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  Xisbiga Midnimada Jamhuuriga oo soo dhaweeyay Go’aankii Golaha Wasiirada Dowladda ee ansixinta Shareecadda Islaamka.

Shir balaaran oo uu maanta isugu yimid xubnaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga ayaa looga hadlay arrimo howr ah oo ay ka mid tahay xaaladda Soomaaliya iyo waxyaabihii ku soo kordhay.

Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa waxay ugu horayn daboolka ka qaadeen inay taageersan yihiin go’aankii ay dhawaan Xukuumadda KMG ah ku gaareen inay dalka lagu dhaqo Shareecadda Islaamka.

“Waxaan soo dhaweynaynaa Go’aankii Golaha Wasiirada Dowladda KMG ah ee ahaa in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka, waan tii aan u dagaalamaynay, waxaana loo baahan yahay in arrintaasi laga warsugo bal inay Go’aankaasi laga dhabeenaayo iyo in kale” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Cali Maxamed Nuux (Cali Timo Jilic) oo shirkaasi shir gudoominaayay.

“Baarlamaanka Soomaaliya waxaan u soo jeedinaynaa inay Go’aankaasi si Buuxda u ansixiyaan, si Soomaaliya loogu helo wado nabadeed” ayuu yiri Cali Maxamed Nuux (Cali Timo Jilic) Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed.

Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed waxey sidoo kale u soo jeediyeen Booliska Soomaaliyeed inaysan ku xadgudbin xabad joojinta ay go’aamiyeen Odaysha Dhaqanka Beelaha Hawiye, “Booliska waxaa looga bartay inay la dagalamaan kuwa Isbaarada dhigat ee ma ahan inay iyagu noqdaan kuwo Isbaaro dhigta” ayuu yiri Cali Timo Jilic oo sheegay inay Booliska noqdaan kuwo ka fogaada dagaalada oo ay noqdaan kuwo la isku halayn karo.

Kulankaasi ayay xubnaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed si buuxda ugu ayideen Go’aankaasi, waxeyna soo jeediyeen oo kale in la joojiyo dhamaan dagaalada ka socda dalka, gaar ahaan dagaalada ka socda Goboada dhexe oo ay sheegeen inay u dhaxeeyaan dad walaalo ah, waxeyna soo jeediyeen in wax kasta lagu dhameeyo wadahadal.

“Qaramada waxan u soo jeedinaynaa inay Ixtiraamaan Qaranimada Soomaaliya, uma Baahna Soomaaliya ciidamo hor leh, ee waxey u bahan yihiin in Ciidamada jooga si nabad ah looga saaro” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed cali Timo Jilic.

Sidoo kale Cali Gudoomiye ku xigeenku waxa uu sheegay inay hambalyo u soo jeedinaayaan Urur Leister United Origination oo isagu ka dhisan dalka Inguiriiska, gaar ahaan waxey u hambalyaynayaan Gudoomiyaha Ururkaasi Cumar Xasan Maxamed, Gudoomiye ku xigeenka ururkaasi Cilmi Macalin Maxamed, C/Laahi Siyaad Faarax iyo Daa’uud Muuse Xasan, iyadoo ururkaan uu yahay mid ka taakuleeya Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Dhanka Isboortiga qalbkiisa kala duwan, sida Cowska lagu fidiyo garoomada Ciyaaraha iyo dhanka samafalka.

Dhanka kale waxa uu sheegay Xisbiga Midnimada Jamhuuriga waxa uu sheegay in Ururkaasi uu haatan u soo jeestay inuu gar gaaro dadka Soomaaliyeed ee Tabaalaysan ee Soomaaliya ku sugan.

Mahamud Ahmed Hassan <xuurshe114@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS