SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UGANDA

 MADAXWEYNE SHIIKH SHARIIF OO SABTIDII LA HADLAY SOOMAALIDA KU NOOL WADANKA UGANDA

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed iyo wafdi uu hogaamanayo oo wasiiro ah oo maalintii labaad booqosho rasmi ah ku jooga caasimadda wadanka Uganda ee Kampala ayaa maanta khudbad qiimo leh u jeediyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Uganda.

Boqolaal Soomaali oo isugu jira qaybaha bulshada ayaa Madaxweyne Shariif waxa uu kula hadlay Hoolka shirarka ee Hotel Africana oo ku yaala bartamaha caasimadda Kampala.

Sheikh Sharif waxa uu ugu horeyn uga mahadceliyay Dowladda Uganda soo dhaweynta dadka soomaaliyeed ee ka soo hayaamay wadankooda iyo taageeradda nabad ilaalinta ay u fidisay soomaaliya.
“maalin shaki gelin mayno ku dhaqanka Shareecadda islaamkaayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlayey ku dhaqanka shareecaddaislaamka oo dadka meesha ka hadlayee jaaliyadu ay aad ugu tirtirsiiyeen.
Sheikh Sharif waxa uu xusay in maanta la heysto fursad looga bixi karo dhibaatooyinkii la soo maray,waxa ayna u baahan tahay ayuu yiri Dulqaad iyo naf hurid sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne sharif.

Madaxweyanaha dowladda Kmg ee soomaaliya sheikh Sharif waxa uu sheegay in Dowladiisa ogoshahay iney la hadasho cid kasta oo wax tabaneysa,balse waxaa loo bahan yahay ayuu yiri in ciddii fidno wado loo sheegay oo la qabto,hadii kale waxba ma hagaagayaan.

“Dambi waxaa u weyn midka diinta islaamka lagu galo, taas waa inaan ka wada digtoonaano” ayuu yiri Madaxweyne Shariif sheikh Axmed.

Madaxweynaha soomaaliya waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay dadaalada nabada ee ka soda gudaha dalka taasoo uu tilmaamay in ay ku howlan yihiin, culima'udiinka, Ururadda bulshadda iyo waxgarad Soomaaliyeed,si dib loogu soo celiyo xasiloonida iyo kala dambeynta dalka.

Dowladda oo kaliya kuma filna wax ka qabshada baahida ka jirta wadanka ayuu yiri sheikh sharif ,isoo hoosta ka xariiqay in wadanka uu soo gaaray burbur lixaad leh oo u baahan in si wada jir ah wax looga qabto shacab iyo Dowladba.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay raii'sulwasaare kuxigeenkii 1aad ahna wasiirka Maaliyadda sharif Xasan sheikh Aden iyo wasiirka arimaha dibadda Maxamed Cabdulaahi Omaar iyo safiirka Somalia ee Uganda H.E Sayid Axmed sheikh Daahir.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay culimaa'udiin,ganacsato,Haween,Waxgaradiyo ardey mataleysa jaaliyadda soomaalida ee Uganda.ay ka mid ahaayeen Sheekh Cabdiweli oo ah shiikh Caan ah iyo Shekh Cali Geelle oo isna ah caan oo dardaaran diini ah u jeediyey Shiikh Shariif.

Wafdiga Madaxweyanaha Dowladda kmg ee soomaaliya ayaa lagu wadaa iney dalka uganda uga sii gudbaan dalka Rwanda,iyadoo ay horay u soo booqdeen wadamada Kenya iyo Burundi.

Cali Diini
Kambala Uganda
diinicarab@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS