SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
13 March 2009.

Firxadkii ciidamada gumaysiga Itoobiya oo lagu laayey meelo kala duwan.
Waxyeelayn kala duwan oo ciidamada gumaysigu u gaysteen dad rayid ah:
Jaaliyada Ogadenya ee Jarmalka oo shir isugu timid guulna ku dhamaday.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaaladii ugu dambeeyey ee Ogadenya.

======================

Firxadkii ciidamada gumaysiga Itoobiya oo lagu laayey meelo kala duwan.


Ciidamada qalabka sida ee jwxo ayaa 8 Bishan Maarso jidgoyn iyo dhabagal u dhigay ciidamadii wayaanaha ee Ka soo Fitrxaday Dagaaladii adkaa ee lagula Beegsaday Meela kale Duwaan oo Ogadeniya kamida,
Meelaha Loo galayna waxaa Kamid ah: Marsin oo Katirsan Qorahay,San-cadde oo U Dhaxeeya Magaalooyinka Garbo iyo Dhagaxbuur iyo Sidoo kale Garigo`an iyo Garbo Dhexdooda,
Waxaa Sidoo kale Weerar Gaadma ah lagu dilay Tuulada Gabo-gabo 2 Kamida Ciidanka Woyaanaha,

Ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa gubay 07-03-09 dhammaanba beerahii ku yaalaydhul beereedka FAAF oo ka tirsan gobolka Qoraxay iyada oo dadkiina la Amray in ay ka Guuraan, Dhul beereedka FAAF ayaa aha dhul beereedka uu kasoo go,o Raashinka Laga Quuto Inta badan Golbolda Bariga iyo Badhtamaha Ogadeniya waxaana kusoo daaca dhul beereedka FAAF Togaga Faafan iyo Jerar,

Waxyeelayn kala duwan oo ciidamada gumaysigu u gaysteen dad rayid ah:


Ciidamada naflacaariga ah ee gumaysiga itoobiya oo ku caan baxay in Mar-walba oo goobaha Dagaalada looga Soo Adkaado kucadha furfura dadka shacabka ah ayaa usbuucyadan dambe sii xoojiyey waxyeelaynta kala duwan ee ay u gaystaan shacabka sida Dilka, jidh-dilka , Xadhiga , Kufsiga iyo Boobka Hantida dadwaynaha:

25/02/09 Barmiil oo ka tirsan gobolka Nogob Waxay ciidamada gumaysigu ku xidheen kuna dhaceen Dad badan oo uu kamid yahay:Maxamed Xassan Addoon iyo Xaaskiisa oo la xidhay lagana Dhacay 50,000 Birr

1/03/09 Hog-Dugaag oo laga xukumo magaalada Wardheer ee gobolka Dollo waxay ciidamada Gumaysigu ku dileen 2 Nin oo shacab ah oo aan mid hellay Magaciisii
Lana Odhan jiray alle ha unaxariistee Xaashi Maxamed

1/03/09 Mulla oo laga xukumo Degmada Qabri-bayax ee gobolka Jigjiga Waxay ciidamada cabudhiska iyo dilka ku caan baxay ku dileen 4 nin oo aanaan weli magacyadooda helin

2/03/09 Fulun-ful oo ka tirsan degmada Sagag ee gobolka Nogob ayay ciidamada gumaysiga ee boobka ku caan baxay iskugu dareen xadhig iyo boob dadka kala ah:
1-Saxane Cabdullahi Xasan oo laga Dhacay 4 neef oo adhiya
2-C/raxmaan Daahir oo laga Dhacay 5 neef oo adhiya
3-Muxumed Yuusuf

2/03/09 Degmada Garbo oo ka tirsan gobolka Nogob
Waxay ciidamada wayaanuhu kudileen alle haunaxariistee qof dumar ah oo la odhan jiray Siraad Irshaad Axmed
Waxay sidoo kale ku xidheen Degmada Garbo:
1. Bashiir Maxmed Yusuf
2. Mukhtaar Maxmed Yuusuf
3 Deeq Cabdi Qolof
Waxay sidoo kale ciidamada wayanuhu ku kufsadeen deegaankaas fulunful gabadh la yidhaahdo Aamina Axmed Tahliil,gabadhaas oo xaaladeeda caafimaadi aad uliidato.


2/03/09 Fulun-ful oo laga xukumo degmada Sagag oo gobolka Nogob
Waxy ciidamada gumaysiga ee Ogadenya loo keenay cabudhinta iyo waxyeelaynta shacabka ku kufsadeen
3/03/09 Kamarooyaan oo ka tirsan degmada Awaare ee gobolka Jarar
Waxay ciidanka gumaysigu ku xareeyeen xerada ciidanka baabuur rakaab ahaa oo dad shacab oo safar ahaa siday halkaas oo ay baabuurkiina xerada ku xanibeen dadkii saaraana xabsiga u taxaabeen.
3/03/09 Balli-Sareedo oo laga xukumo Guna-gado ee gobolka Jarar waxay ciidamada gumaysiga ee fulayada ahi jidh dil iyo xadhig ugu gaysteen:
Maxamed Sheekh Cabdi Lib-lib

03-03-09- Korcelista-iyo Dharkaynleey oo hoos yimaada Dhagaxmadow ee gobolka Jarar
Waxay ciidamada tabarta darani ku xidh xidheen Dad Badan oo aan Ka hayno Magacyadooda:
1. Deeq Aw- Haybe
2. Cabdi Jabbbaar Jibriil
3. Qorane Yuusuf
4. Cabdirisaaq Muxumed

4tii – 6dii /3/09 Maraacaato oo ka tirsan gobolka Qorahay Waxay ciidamada wayaanuhu ku xidh-xidheen Dad aad u badan waxaana kamida inta ilaa Hadda aan helay Magacyadooda:
1. Xamda Deeq Cali
2. Hinda Maxamuud
3. Farxiya Xuseen M. Carab
4. Muna Sh Axmed
5. Rashiid Sheekh Ali
6. Sahra Mukhtaar
7. Faadumo Xirsi
8. C/llaahi Qorane
9. Cabdi Faarax
10. Sowda Muxumed Axmed-nuur
11. Ina-Farax Cabdi Gurey
12. Xasan M Axmed
13. Ina-Cabdullaahi aw Maxamed
14. Hudle Cabdinur C/llaahi
15. Xasan Saxdiid Xirsi
16. Kifaax Wali Rashiid
17. Mawliid Cumar
18. Xasan Cali Dayr
19. Ina-C/llaahi Ceeg
20. Maxamed Xasan Maxamuud
21. Sam-sam Xuseen Cali DAYR
22. Sahra Xuseen Cali
23. Koos Muuse
24. Carab Mataan
25. Anfac Islaan Xasan Xuseen
26.
4/03/09 Degmada Qabridah ee gobolka Qorrahay waxay ciidamada wayaanuhu ku xidh xidheen
1. Cabdi Cumar Maxamed
2. Maxamuud Maxamed Weerar
3-Yuusuf Maxamuud Cabdi

5/03/09 Ciidamada gumaysiga itoobiya ayaa ku dilay Gorayga Allah ha U Naxariitee Nin Rayida oo la Odhan jiray C/llaahi Axmed Qorane

Ilsa 5 /03/09 waxay ciidamada wayaanuhu ku dileen Gaba-gabo nin kale oo rayida lana odhan jiray Cabdi wali

7/03/09 Farmadow oo ka tirsan gobolka Qorahay Waxay ciidamada Maxaysatada ahi ku dileen alle ha unaxariistee Maxamed Qalooc Aw-C/llaahi Geelle
8/03/09 Gaba-gabo oo ka tirsan gobolka Qorahay waxay sixun ugu jidh dileen kuna xidheen ciidamada wayaanuhu
1. Maxamed
2. Qaali axmed Nadiif
3. Tamaan Dheere Muxumed nuux


07/03/09 Garigo`an oo ka tirsan gobolka Nogob waxay ciidamada gumaysigu ku xidheen Cabdi Madoobe iyo Maxmed Deeq
Waxayna Ciidanka TPLF uShegeen labadaas nin in ay Ku Xukumeen Shan Sano oo Xadhiga

Jaaliyada Ogadenya ee Jarmalka oo shir isugu timid guulna ku dhamaday.

jaaliyada Ogaadeeniya ee dalka jarmalka ayaa isugu timid Shir Guud oo labadii sanadoodba mar la qabto oo lagu doorto Maamulka Jaaliyada ee Bulshada Hogaamiyanaya,waxaa shirkaas ka soo qayb-galey Wufuud aad u fara badan oo isaga timid Gobolada dalka jarmalka ey Jaaliyadu dagan tahey sida; Goblada; Baden-Würrtember, Bayern, Hessen oo Jaaliyada Saldhigeedu ku yaalo iyo Gobolada dhexe ee wadanka sida; Northheim-West-fallen iyo Niedersachsen, Shirka oo lagu qabtey Hoolka Shirarka ee Jaaliyada Saldhigeeda ku yaala wuxuu ku bilwdey Jawi aad u wanaagsan iyada oo ay dadku aad u wada xiiseynayeen Wararka Ogaadeeniya ee ugu danbeeyey sida; Guulaha ay CJWXO ka gaadheen la dagaalanka Gumeysiga Itoobiya iyo dhinaca kale ee ah Dhibaatooyinka uu Gumeysiga Itoobiya Maalin walba u geysto Shacabka Ogaadeeniya ee Dulman.

Shirka waxaa lagu furey Heesta calanka Ogaadeeniya, wacdi iyo aayado diini ah,
kadib maamulkii hore ee Jaaliyadu ayaa si waafi ah uga warbixiyey waxqabadkii Jaaliyada ee 2-dii sanadood ee la soo dhaafey, sidoo kale waxaa si hagar la´aan ah shirka looga akhriyey warbixinadii ugu danbeeyey ee Ogaadeeniya, kuwaas oo marka Guulaha JWXO la soo gaadho ay dadku sawaxan, sacab iyo farxad isku darayeen, intaas kadib waxaa la guda galey doorashadii Maamulka jaaliyada, waxaana halkaas lagu doortay maamulka cusub ee Jaaliyada Hogaamin doona labada sano ee soo socota, maamulkaas cusub iyo shacabka jaaliyada Jarmalka ayaa isku dhaarsaday kuna balamay in laga shaqeeyo Midnimada iyo horumarinta danaha Ogaadeeniya Gude iyo Dibadba iyaga oo ku wada dhawaaqayey ha noolaato Ogaadeeniya, JWXO ha guulaysato hana waarto Guul iyo Gobonimo.

13 March 2009

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS