SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Sarkaal Ka Tirsan Alshabaab oo ka war bixiyey Kulan Uu La Yeeshay Odayaal iyo Waxgarad


Kulankan oo ay wada qaateen sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu magacaabo Barre Maxamed Faarax Barre iyo Odayaal dhaqmeed iyo Waxgarad ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa waxaa looga hadlayay arrimo la xiriira dhanka nabad gelyada

Barre Maxamed Faarax Barre Qooje - ayaa sheegay kulanka kaddib sheegay inay xarakadu diirada saarayso kulamo noocan ah islamar ahaan ahaantaasina mar uu ka hadlayay shir lagu wado in ay beesha SADE ka yeelato Xukuumada ayaa waxaa uu soo dhaweeyay shirkaasi. Waxaana uu tibaaxay in ay xarakoodu damaanad qaadayso amniga shirka ay beeshu yeelan doonto.

Sidoo kale waxa Barre Qooje uu ku dheeraaday arrimaha nabadgelyada sohdinta, isagoo si gaar ah uga hadlay askarta Kenya iyo dhibaatada ay ku hayaan dadka rayidka ah. Bare Qooje ayaa waxa uu ugu baaqay Kenya in ay dhibaatada ka dayso dadka rayidka ah , waxaana gunaanudkii uu u sheegay saraakiisha Kneya haddii ay ka tanaanuli wayso ay circa roobku ogtahay.

Gobolka Gedo ayaa waxaa uu ka mid yahay gobolada ay maamulaan saraakiisha Al-Shabaab, kuwaasoo kulamo gaar gaar ah la qaata Waxgaradka ku nool deegaanada ay maamulaan iyagoona kala hadlay iskaashi dhex maray labada dhinac.


Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS