SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

W.Q Liibaan Xasan Diiriye
Senior Advisor

      XALKA KALIYA EE DOWLAD SOOMAALIYEED 
 

      Xeerbeegtidii hore ee Soomaalida ayaa waxay oran jireen ILAAHAYOOW EEX HA NOOGA TEGIN, AQOON-DARRANA HA NAGU CADAABIN.  Waxaan halkaan ku soo bandhigayaa talooyin aan u arko inay yihiin khariiddada dariiqii xal loogu heli lahaa Soomaaliya.  Waxaan muran ku jirin oo aan la isku haysan in aan ka adkaannay cadowgii dadkeenna sida gardarrada ah ugu soo duulay. Waxaan cadowga kaga adkaannay dulqaad iyo Ilaahay oo aan talada saarannay waqti uu adduunkoo dhan naga saftay oo na colaadinayey.

      Your browser may not support display of this image.Waxaad mar walba dadka u sheegayseen inaad caruurta iyo dumarka ka difaacaysaan cadowga u yimid in ay laayaan oo aad naftiina u hureyseen Ilaahay xaggiisa. Waxaa markaas wax lala yaabo ah, isla markaana laga xumaado ah in isla dadkii lahaa dadka ayaan difaaceynaa,  ay maanta rabaan in ay ku dul dagaalamaan oo ay mar kale qaxiyaan. Waxaan walaalaha uga digayaa in waxa ay uga adkaadeen qabqablayaasha iyo cadowga dibadda ka yimid ay ahaayeen dadweynaha oo ayaga u arkay in ay u naxariisanayaan. Waxaad ka digtoonaataan in shacabku idiin arko in aad tihiin dagaal-oogayaal oo eydaan kala jecleyn wanaaggiisa iyo badbaadadiisa.

      Si loo soo afjaro dagaallada aan qiimaha lahayn ee dadka iyo duunyada aafeeyay, dadka kale iyo aduunyadana naga reebay, waxaa muhiim ah inaan giddigeen ka shaqeyno inaan maanta ka faa’iideysano fursaddaan qaaliga ah ee waddanka Soomaaliya lagu dejin karo ee aanan 20-kii sano ee la soo dhaafay aan na soo marin.

      Anigoo aaminsan 100% in sida kaliya ee ay Soomaalidu dhibka uga bixi karaan, dibna ay isugu aamini karaan, qabiilkana kaga tagi karaan, musuqmaasuqana kaga dheeraanayaan, ay tahay in Shareecada lagu dhaqmo, dad culumana ay hoggaamiyaan ayaa haddana waxaa hadda qarka loo saaran yahay in ay shacabku culumadana ay u arkaan kuwa aan qabqablayaasha waxba dhaamin oo ayagana aan kala jeclayn baaba’a shacabka dhibaateysan. Taas hadday dhacdo, waxaa laga yaabaa in dadkan dagaaladu aafeeyeen ay mar uun la dagaalami doonaan wadaadada, laguna diimi doono wadaad dambe.   Taas haddey Your browser may not support display of this image.timaadana, waxa soo haraya waa nimankii aan wada naqaannay ee qabiilka ku shaqeysan jirey, lacagta xaaraanta ahna jeebabka ka buuxsan jirey.  Waa arrin aan wanaagsanayn.  Ururkii la oran jirey Midowga Maxkamadaha ee Soomaaliya lix bilood ee nabadda ah ka dhaliyey, haddana magacyada badan la kala baxay, waxaan ka codsaneynaa in aad dowladdaan wadaagtaan, fulisaanna qodobaddaan:

  • Waa in dagaalada la joojiyaa gebi ahaantood, waayo waa qasaaro naf iyo maalba.
  • Waa in dadka geedaha hoostooda jiifa lagu soo celiyaa guryahoodii si dhaqso leh.
  • Waa in aan dadkeenna ka difaacnaa cadowga dibada iyo kan gudahaba.
  • Waa in aan adduunka la yeelannaa xiriir fiican, isla markaana aanan oggolaan inaan waddankeena gudihiisa dagaalo ku socda wadamo kale laga abaabulo.
  • Waa in maxkamad la soo taagaa dadka la yaqaano ee dhiigga Soomaalida daadiyey.
  • Waa in ilma dambe oo Soomaali ah aysan gaajo u le’an, badda ku daadan, colaadna ku dhiman.
  • Waa in shaqooyin dadka loo abuuraa, iskoolana la dhisaa oo waxbarashada carruurta lagu dadaalaa.
  • Waa in waddanka dib loo dhisaa, dadkana laysku keeno oo la walaaleeyaa.

   Your browser may not support display of this image.Waxaa hubaal ah oo aan shaki iiga jirin haddii ay nabad helaan dadweynaha dulqaadka badan ee Soomaalida ah in ay ka daba tegi doonaan, kuna dhaafi doonaan waqti yar wadamo badan oo hadda dhisan oo ay nabadi ka jirto.  Soomaaliya markaa waxay noqonaysaa waddan kabta oo hore u mara, kana foojignaan kara, kana hortagi kara wadamada deriska ah ee horey ugu heshiiyey, iskuna dayaya in ay cuuryaamiyaan waddankeena.

Hadaba si loo gaaro arimahaan waxaa muhiim ah in ay dhacaan arimahaan soo socda.

    • Qaybaha ka midka ahaan jirey Midowgii Maxkamadaha waa in ay madaxoodii hore u aqoonsadaan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
    • Waa in ay ciidamadooda ku soo wareejiyaan Madaxweynaha iyo dowladdiisa.
    • Waa in ay ka mid noqdaan dowladdaan oo ay wax ka hoggaamiyaan.
    • Waa in ay hakiyaan, kana hortagaan wax kasta oo keeni kara shaki iyo tuhun.
    • Waa in ay joojiyaan in waddanka ay ka dhigaan meel adduunka oo dhan uu ku kor dagaalamo maatadeena.
    • Waa in ay ka shaqeeyaan sidii dadka ammaankooda ay u sugi lahaayeen uguna soo celin lahaayeen guryahooda.
    • Waa in dhalinyarada ay ku qasbaan madaxdooda in aysan dhibaato kale dadka u horseedin.
    • Hadii loo arko in ay nabad-diid yihiin, waa in shacabku la dagaalamaa sidii ay ula dagaalameen qabqablayaashii laga adkaaday.

Talo gaar ah oo ku socota Madaxweynaha cusub ee la doortay:

    • Waa in Madaxweynaha uu ogaadaa in aysan mooryaan sheeganaysa ciidamo qaran aysan dalkan ammaan ku soo rogeyn. Ciidamo qabiil leeyahay iyo mooryaan haddii aad isticmaasho ogow madaxweyne waa bilowga burburkaaga.
    • Waa in Madaxweynuhu uu la hadlaa saaxiibadiisii hore ee hadda mucaaradka ku ah, isla markaana uu abuuraa jawi is aamin iyo is faham.
    • Waa in la dhisaa ciidamo police iyo military oo geddigoodna laga soo xushay muqaawimada gudaha.
    • Waa in la xareeyaa miliishiyaadka hubeysan, lana tababaraa, lana dhaqan celiyaa.
    • Waa in adduunka laga dhaadhiciyaa in magacyada ay geliyeen liiska argagixisada ay ka saaraan, si ay u fududaato in wada xaajood iyo wada hadal loola furo.
    • Waa in la iska ilaaliya waxyaabaha bulshada kala fogeyn kara ee magacyada qabiilka wata sida ODAYAASHA BEESHA HAWIYE, inkastoo aan rumeysanahay in odayaashaan yihiin geesiyo naftooda u hurey in ay dadkooda ka badbaadiyaan cadowga hadana magaca ay wataan ayaa ah mid dadka kala qeybinaya, waxaana qabaa in madaxweynaha arinkaas wax ka qabto sida ugu dhaqsaha badan.
    • Waa in aad dhistaa Baarlamaan ka sarreeya kan hadda jira oo ay dadku ku kalsoon yihiin oo u badan dad culuma’uddiin ah.
    • Waa in aad soo dhaweysataa ragga caanka ah ee ku jirey Midowgii Maxkamadaha oo aad u magacwdaa jagooyin muhiim ah, raggaas soo dagaalamay ee aan hadda dowladdaada ku jirin oo ay ka midka yihiin Sheekh Xasan Daahir Aweys, Sheekh Xasan Turki, Sheekh Cumar Iimaan, Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, Sheekh Xasan Mahdi, Sheekh Yuusuf Indha-cadde. Waa in raggaan loo magacaabaa jagooyin muhiim ah oo ay u qalmaan.
    • Madaxweynaha waa in uu ogaadaa oo uu maanka geliyaa in ragga raggaan oo kale ah ay waxna u dhimi karaan, waxna ku tari karaan. Your browser may not support display of this image.

Your browser may not support display of this image.Dhinaca dadweynaha waxaan u soo jeedinayaa:

    • Haddii ay shacabku ogaadaan in Madaxweynuhu uusan heshiis ogoleyn, iskana durjinayo muqaawimada, soona dhaweysanayo mooryaanta hubeysan, markaa waa in shacabku ogaadaa in aysan halkan dowlad ka soo socon oo ay ka tashadaan.
    • Waa in dadweynuhu ay ogaadaan in dowladda maanta dalka ka jirta ay iyaga tahay oo ciddii ay la saftaan ay leedahay guusha kama dambeysta ah.
    • Waa inay dadweynuhu ka fekeraan masiirkooda iyo mustaqbalkooda oo ay ku dhiirri geliyaan dowladda iyo dhinacyada ka soo horjeeda inay wax kasta ku dhammeystaan wada hadal iyo wada xaajood.
    • Waa in shacabku uusan ogolaan in dad nabad-diid ah aysan xaafada hooda madaafiic ka ridin.
    • Waa in shacabku xaafad xaafad ay isku abaabulaan si ay uga hortagaan dadka balaayada u maleegaya, qaasatan waa in ay dhalinyarada kacaan oo ay dhibaatada dadkooda lala beegsanayo ay wax ka qabtaan.

W.Q.Liibaan Xasan Diiriye

mailto: liibaandiiriye@yahoo.com

Your browser may not support display of this image.

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS