Baahida Golaha Guurtida Soomaliya !
( AQALKA ODAYAASHA )
Hussein
abdikarim Ahmed –gendisch
Raleigh, NC , USA
Gendisch@aol.com
Maarso 2009
Hadii taarikhdii hore ee dalka somaliya dib loo raaco, xiriirkii
somalida iyo carabtu waxaa uu biloowday 7 A.D , Kadib markii a somaliya
soo degeen carab qoreeysh ah oo ka timid yemen. Sidoo kale Ganacasatiid
portuquese (Christopher) da Gama was the son of Vasco da Gama and
younger brother of Estevão da Gama. He first came to Somalia and India
in 1532 ) waxaa ay soo dageen dhulka somalida oo ay xukayeen dhowr
magaalo oo xeebta ku taala sida Merka iyo braawe. Dhulkaas oo markii
danbe ay la wareegeen boqortooyadii Zinzibar . taarikhda cusub ee
soomaliya inta la ogyhay waxaa ay bilaabatay qarnigii 19aad. Markii reer
yurub bilaabeen ganacsigii ay ka hirgaliyeed arliga somalida. Kambanigii
la oran jiray british East india Company ayaa ku hamiyey in uu helo
dekado waxaana uu heshiis la galay boqortooyadii Tajura ( Mordern day
Eretaria ) 1840. waxaa ku soo xigay kii ingirisku somalida waqooyi ugu
balan qaaday inuu ku difaacayo danahooda kasoo uu heshiisaasu kulagalay
dhowr caaqil oo ka soo jeeday gobolada waqooyi ee soomalida 1886.
ujeedada ingirsku waxaa ay ahayd inuu ilaashado danihiisa isku xirka
ganacsi ee Asia . waxaa tass ku soo xigay heshiiskii ingirisku uu la
galay boqor mililiq ee xusuudkii itobiya iyo Somaliland lagu
calaamadeeyey 1897.
Labaatankii sano ee u horeeysay qarnigii labatanaad waxaa awoodii
ingiirska ka hortimid hogaamihihii islaamiyiinta somalida ee Sayid
maxmed Cabdulle xasan. Kasoo dagaalo lagu hoobtay la galay gumeeysiga
kasoo kadib dhamaaday 1920 kadib markii ciidamada ingiriisku ay kula
dagaalmaeen diyaaaradaha wax bam gareeye ciidankii ingiriiska wadaadkaas
somaliyeed ee degamada Taleex ee Gobolka Nugaal. Somaliya waxaa ay
noqotay dalkii labaad ee muslin ah ee Ciidanka reer galbeedku kula
dagaalmaan diyaarado. Kuna xasuuqaan maati , caruur iyo haween u badan
oo ku noolaa dhulkaas somalida, waxaa ay ku tureen bambooyin sida suntan
ay ka dhashaan cuduraa oo hadii aanay ku dilin uu cudurka suntaas ka
dhashay laayey dad badan oo Somali ah.
Talyaanigu sidoo kale waxaa 1885 la galay heshiis Sultan of Zinzibar
. waxaa uu uga sii gudbay hashiiskii ugu horeeyey ee uu la galay
saldanadii Hobyo iyo caluula 1889. tasoo ay odoyaashii degaankaas markii
ugu horeeysay ogolaaden in ay ku hoos hiraan daldii talyaaniga oo
danahooda iyo kan talyaanigaba ilaalinayey. Inii u dhaxeeysay 1897 ilaa
1908 talyaanigu waxaa uu xiriir ito heshiisba kula sameeyey ingiriska
iyo xabashida xuduudka dhulkii koofurta oo markaas loo yiiqiin ( Italian
Somaliland) . dhulkaas waxaa loo aqoonsaday dhul hoos taga talyaaniga
kaasoo loo sameeyey sharciga dhulka gumeeysiga talyaanigu maamulo.
Talyaanigu waxaa u sii gudbay gudaha koofurta somaliya 1924. halkaas uu
la wareegay kismayo. Waxa kale oo meesha ka saaray kuna qasbay in ay
isaga hoos tageen saldanadii yaryaraa ee hobyo iyo tii majeerinia
(independent sultanates of Obbia and Mijertein ) , isagoo ka eryaey,
ceelbuur iyo Budbud 1925.
Heshiiskii talyaniga Caaqilada Somalida
Talyaanigi markii uu yimid dhulka somalida waxaa markiiba heshiis la
galay saldanadihii ka jiray magaalooyinka qaarkod sida sultan of obbia
kenadiid dec 1888 isagoo u cusbooneeysiiyey 1895 tii caluula 1889 oo
sidoo kale uu u cusnbooneeysiiyey 1895 . caaqiladii qabilooyinka
somaliyeed ee gudaha somaliya waxaa uu u aqoonsaday in yihiin
hogaamiyeyaasha beelaha waxaana u qaray mushaar joogta ah ( baga di
notabile ) . Waxaa ay noqdeen guurti an meel ku urursaneeyd ee uu kala
tashado arimaha somaliya iyo degaanda ay ka soo jeedaan, taasi waxaa ay
keentay in ay si toos ah ula shaqeeyaan dowladii gumeeysiga talyaaniga
dhulal kaas ka hirgashay , waxaa uu gumeeysigu ogolaaday in wixii ay
tabtaan isla markiiba wax laga qabto oo xitaa laga bedelo shaqsiyaadka
cadaanka ah ee ay fahmi waayaan , iyo hadii uu dhaqankooda iyo
diintooda si toos ah u fara geliyo inaanu dhulkaas sii maamuli doonin il
commisario , tusaale hadii aan u soo qaadano sida maamulka magaaladooda
hadii aanay la dhacsanayn horjoogayaasha ama salaadiinta gobollka iyo
degmooyinku waxaa looga yeeri jiray muqdisho lagana badeli jiray hadii
uu xaalku gaaro meel xun.
Dhibatooyinkii dalka somaliya ka dhacay gaar ahaan koofurta waxaa
muuqatay in lixdii gobal ee kuufurta ay meesha ka maqnaayeen awooda
dhaqan ee hagaamiyayaasha beelaha guud ahaan gaar ahaan degaanada
gobolad dhexe iyo banaadir , alto guiba iyo basa guiba, kadib markii uu
burburay maamulkii gumeeysiga , hogaankii ay qabsadeen raga laga soo
doorto degmooyinka ha yeeshee aan wax ka qaban dhulkii laga soo
doortay. Oo iyagu iskaga cayila wixii ay helaan. Ttaas waxaa xigtay 21
sano , oo oday dhaqameed , guurti ay noqotay wax lagu qoslo oo aan la
tixgelin , marka laga reebo Gobolada waqooyi , bari iyo nugaal oo iyagu
xoooga dhaamay kuwa aan kor ku soo sheegnay maadaama jiiraanka qabiilku
uu ku xoog badnaa marka loo barbar dhigo gobolada kale ee koofurta .
Waxaa ay Oday dhaqameedyada koofurtu shaqadoodii ku soo kooban tay
marka ay dagaalo dhacaaan oo ay yimaadaan ama loo yeero si ay heshiiska
and dagaalka beelaha dhexdooda ah wax uga abaabulaan oo ka qayb qaatan.
Waxaa amaan mudan in guurtida beelaha waqooyi galbeed 15 sano ka hor ku
guuleeystay in ay u dhexeeyaan dowlada iyo shacabka kana mid noqdaan
system dowladnimo inkasta oo ay jiraan golehoose oo sharci dejin .
Dhismaha Goleha odayaasha soomalia .
Waqtigaan Hada la joogo koofurta waa markii u horeeysay ay timid in
la dhegeysto oday dhaqameed reer koofurred ah , aqoonyahano reer
koofurred ah, iyo wadaad reer Kooreed ama Somali ah oo ay shicibka
tixgaliyaan kuna xirmaan dowlada ku meel gaarka ah ee uu hogaamiyo
wadaadkan sh. Shariif. Sh axmed Kadib markii sh shariif sh axmed la
doortay, ee uu qoor dhiibtay horjoogayaasha beelaha waxaa soo baxday in
shacabku ay bislaadeen oo dagaal meel iska dhigeen , waxaa soo baxday in
odayashii dagaalka ku baaqi jiray ay maanta nabad ku baaqaan. Tasoo ah
markii ugu horeeysay oo ay isku raacaan beeluhu inaan dagaal xal ku
iman karin, waxaa la kumiyey culumadii ugu aqoonta badneeyd somaliya oo
ku tilmaamay ninkii dagaal danbe iclaamiya inuu aduun iyo aqira ku
seegayo, qof ku raaci doonaana aysan jirin wadaadada maadaama shicibkiu
ku diideen dagaal. Waxaa soo baxay in beelihii dagaal u jooga ahaa ay
nabad u joog noqdaan oo dadaal ugu jiraan inaan nabadan laga kala
daadin, oo ay ku fara adeegaan sidii kuwii waqooyiga. Inkasta oo ay wali
jiraan rag wali tumaya durbaanka dagaalka hadan waxaa la joogaa waqti
hal meel loo wada jeestay. Hadaba si arintaa loo joogteeyo maxaa loo
baahan yahay. Dhinaca dowlada
- In dowladu ay sameeyso gole guurto somaliyeed oo ka kooban 100
Rag/dumar si toos ama aan toos ahayn ugu xiran beelaha somaliyyed oo
dhan.
- in baarlaamnku ansixiyo dhismaha golaha guurtida somaliyeed
, aqalka sare ee odayasha iyo yareenta golaha shacabka ku meel
gaarka ah 275 labo sano kadib.
- in ay noqdaan aqal sare oo sharci dajeneed oo leh sharci u
gaar ah iyo mushaar joogto loo qoro . meel ay ku kulmaan .
GEBOGABO
hadii aan la joogteen golaha odyaasha ee nabada ka keenay
shacabka muqdisho Iyo isku duubnaantaa ka muuqata culumada diinta,
shacabka iyo dowalda waxaa iman doonta in mustaqbalka fog ay kala
jiitaan qabaailadu oo odayaashu, kadib marka qabaailadu danahooda
ka arki waayaan dowlada islamarkaana uu yaaraado taageeradooda ay u
hayaan dowada, sidaas darteed ayey muhiim tahay in laga faaiideeysto
maanta inta ay cusub tahay oo loo qoro mushaar joogto ah oo ay kaga
maarmaan fagelin siyasadeed ee dibada ah ama gudaha ah dhinaca
qabaailada , isaalimiyiinta madaxa adag, iyo hogaamiyekooxeedyada
laga yaabo in ay dib u soo noolaadaan , golhana guurtida waa in ay
taldooda dowladu la tixgeliso maadaama ay yihiin qayb dowlada ka
mid ah . waxaa kale oo loo isticmaali karaa wacyi galinta shacabka
loo diro gobolada iyo dagmooyinka iyo meel kasta oo shaqaaqo
siyaasaded ka jirto . Dhamaad