SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Deeq ka timid walaalaha khayrka jecel ee dhigta dugsiga RØDOVRE EE DANMARK Oo La Gaarsiiyey Gabar Dhiban Oo Xanuun Daran Uu Haleelay

Deeq lacageed oo ka timid Walaalaha khayrka jecel ee dhigta dugsiga RØDOVRE EE DANMARK ayaa maanta la gudoonsiiyay Gabar yar oo la xanuunsanaysa xanuun aad u daran oo ka haley lugta.



Deeqdan oo ka koobneyd $ 400 (afar boqol oo Dollar) ayaa waxaa soo diray wakiilna ka ahaa walaalaha khayrka jecel ee dhigta dugsiga RØDOVRE EE DANMARK, waxaana la soo mariyey xawaaladda KAAH EXPRESS ,iyadoo ay gabadhaasi yar ay gudoonsiiyeen nabadoon Sh Maxamed Axmed Xaadle iyo Nabadoon Cabdullaahi Diin waxaana sida muuqata ay gacanta u geliyeen aabaha gabadha yare ee xanuunka daran uu hayo.



Nabadoon Sh Maxamed Axmed Xaadle ayaa ugu horeyn u mahadnaqay , una bogaadiyay walalaha deeqdaasi kula baxay dar illahay, isagoo yiri” walaalaha yaga wan u duceynaa , waxaana uga hambalyaynayaa taageerada ay u fidiyeen inantan yare e xanuunsan”.

Sidoo Kale Agaasimaha Isbitaalka Kaliil Maxamed Cali Siigaale oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu si weyn uga mahadceliyay walaalaha khayrka jecel ee dhigta dugsiga RØDOVRE EE DANMARK isagoo sheegay in xanuunka gabadha yar haya aysan awood u lahayn in ay wax ka qabtaan balse ay ka tareen wixii ay awoodeen.

Nabadoon Xaadle ayaa waxa uu tilmaamay in xaalada gabadhan yar aysan ahayn mid intaasi ku eg balse waxa uu sheegay inay tahay fara kama qodno faanoole, waxaana Nabadoonku uu ku booriyay walaalaha kale ee dunida dacaladeeda inay ku daysadaan wanaagaasi.

Ugu Dambayn Aabaha Gabadha yare e jiran Xasan Cabdi Cilmi ayaa ka sheekeeyay xaalada gabadhiisa , isagoo tibaaxay in muddo dhowr bilood ah nolol iyo Geeri ay gabadhiisa ku jirtay , aabbe Xasan Cabdi Cilmi oo ilmaynaya ayaa cod dheer ku sheegay in xittaa uu san quraacan maanta heerka saboolnimada ee haysata awgeed.wuxuuna u duceeyay walaalaha khayrka jecel ee dhigta dugsiga RØDOVRE EE DANMARK wuxuuna ugu baaqday Jaaliyadaha somalida ee dibeda iney u soo kaalmeeyaan cidii wax taraysana ay kala soo xiriiiri karto telefanadan oo kale ah

FG: Fadlan lagama maarmo kaalmadaada ee wixii aad ku caawin kartid gabadhan yar kusoo hagaaji adigoo soo wacayo

Warkii hore ee laga qoray gabadha yar iyo sawiro eeg halkan

FG: Wakiilka Ugaaska Nabadoon SHEEKH MAXAMED AXMED (XAADLE)
+25250444003
+25215810244

Ama Nabadoon C/LAAHI SHEEKH XASAN (DHIIN)
+25215394104
+254720288530

Baledxaawo Gedo, Soomaaliya
E-Mail: calicabdi_618@hotmail.com

Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS