SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

HEARINGS: U.S. Senate Committee on Homeland Security and Governmental Affairs


Violent Islamist Extremism: al-Shabaab Recruitment in America (Video/readings) - March 11, 2009



Bahda Sports Soomaalida Wembley oo casho sharaf ugu qabtey magaalada London Garsoore Qaran Mohamed Farah '' Dab-damis''

London - Sheperds Bush. Waxaa magaalada London loogu qabtey Casho sharaf lagu soo dhaweynayay Garsoore Qaran Mudane Mohamed Faarax '' Dab-damis'' , xaflad oo ay soo agaasimeen bahda Sports Soomaalida Wembley ku dhaqan ayaa lagu qabtey maqaayada Abu Zaa Resturant oo ku taal xaafada Sheperds bush ee Galbeedka magaalada London.

Ugu horeyntii salaan iyo soo dhawayn kadib waxaa halkaasi ka hadlay mudane shiine Guhaad oo sheegay inay sharaf caawa u tahay inay soo dhaweeyaan isla markaana qiimo weyn u leedahay inay arkaan mudane Mohamed Faarax oo ku tilmaamay inuu yahay nin dalkiisa wax badan u qabtey hadii ay ahaan lahayd xaga cayaaraha, waxaa isna meesha ka hadlay mudane Digaay oo isna ka sheekeyay taariikhdii iyo aqoontii u lahaa Mudane Mohamed Faarax.

Intii ay caashada socotey ayaa laga sheekaystey sidii uu dalkeena ahaan jirey barisamaadkii iyo tartamadii lagu qaban jirey iyo weliba taariikhda kooxda Horseed oo ay nagala joogeen Goolhayihii kooxda Horseed Mudane Biyoolay iyo Mohamed Buuwe, kadibna waxaa hadalka qaatey Mudane Mohamed Faarax oo ku magac dheer Dab-damis oo ka mahadceliyay casha sharafta qiimaha badan ee loo sameeyay isla markaana ka sheekeyay sidii uu ciyaaraha ku bilaabay iyo heerkii uu ka gaarey, iyadoo dhamaan dadkii ka soo qayb galay kulanka ay aad ugu riyaaqeen isla markaana goobta aan ka dheehan karto in weli aan la halmaamin taariikhdii Sports dalkeena uu soo marey iyo marxaalada hada uu ku sugan yahay.

Cashada kadib ayaa sawir xusuus ah oo dhamaan dadkii ka soo qayb galay ay isaga qaadeen gudaha Abuu Zaa Restauranta, Mudane Mohamed Faarax ayaa ka mid ahaa garsoorayaashii kubada cagta dalka Soomaaliya soo marey kuwii ugu sareeyay isla markaana ka gaarey ilaa heer caalami Fifa.

Xaflada waxaa ka soo qayb galay isla markaana soo agaasimay mudanayaasha kala ah: Mudane Shiine Guhaad ( Gudoomiye ku xigeenka ururka SSIFO), Mudane Mohamed Buuwe, Mudane Mohamed Ali Weerow, Mudane C/qaadir Biriq, Mudane Biyoolay, Mudane Digaay, Mudane C/naasir Solo iyo Yusuf Yusuf.

NB: Aqristoow wareysi aan ka qaaday mudane Mohamed Faarax '' Dab-damis'' iyo wareysi kale oo aan la yeelan doono goolhayihii kooxda Horseed Cawa iyo Maalin Goolhaye Biyoolay qoraaladayda kale ayaad kaga bogan doontaan hadii Eebe idmo.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor & SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS