SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

HEARINGS: U.S. Senate Committee on Homeland Security and Governmental Affairs


Violent Islamist Extremism: al-Shabaab Recruitment in America (Video/readings) - March 11, 2009



Abaar Huf Iyo Baaba’ Ka Yeeshay Nolosha Dadka Ku Dhaqan Sohdinta Kenya Iyo Soomaaliya


Abaaro iyo Biyo La’aan ayaa lagu soo waramayaa in ay saameyn Ba’an ku yeesheen nolosha kumanaan kun oo qoys oo ku dhaqan Soodinta u dhaxeysa Somalia iyo Kenya .

Tuulooyinka Salaalmac, dhiif,Geriley iyo Walcadey ayaa wararku ay tilmaamayaan in dadkii kudhaqnaa ay haraad Dartiis isaga carareen ka dib xaaluf Ba’an oo ku yimid dhirtii iyo daaqii ay xooluhu ku noolaayeen waxaana guray inta badan Ceelashii ay dadka iyo duuntada ku tiirsanayen.

Qaar ka mid ah dadka deegaankaasi oo aynu kula xiriirnay qadka isgarsiinta ayaa sheegay kasokow xoolaha in ay biyo la’aantani ay wiiqday nolosha dadka caadiga ah waxayna sheegayan in xoolo dhaqatada iyo dadka reermiyiga ah wadooyinku dhooban yihiin ayagoo sita weelal Iyo caagado si ay biyo uga qaataan gaadiidka isticmaalaya wadooyinka taasina ay ka dhigan tahay in haraadku uu yahay mid saameyn balaaran leh .

Abaartan ayaa ka dhigtay xoolo dhaqatada kuwo isugu soo ururay goobaha ay daaqa iyo biyihu ku soo hareen sida degmada diif ee gobolka waqooyi bari dalkaasi Kenya waxaana xoolo dhaqatada ay safaf dhaadheer isugu jiraan in ay biyo cabaan ka dib mudo dheer, taasina waxay keeni kartaa isku dhac dhexmara dadka reer miyiga ah.

Abaartan ku habsatay inta badan gobolada koonfurta iyo waqooyi bari Kenya ee ay soomaalidu degto ayaa yimid ka gadaal roobabkii ka di’ijiray xiliyada oo aan di’n taasina ay sababtay in abaartu ay daba dheeraato .

Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Soomaali Ku nafwaysay Shil-Babuur Oo Ka Dhacay Magaalo Ku Taala Wadanka Yemen.

Laba qof oo soomaali ah ayaa ku geeriyootay 14 kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan kadib markii uu la rogmaday gaari rabaab ah oo ay saarnaayeen meel u dhaw degmada al-Zaidia ee gobolka Hodeidah ee wadanka Yemen.

dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in shilkan uu dhacay kadib markii uu qarxay mid ka mid ah taayeerada bus-ka siday rakaabka soomaalida.

sida ay xaqiijisay wakaalada wararka ee Yemen SABA, bus-ku waxa uu waday 16 Soomaali ah ayadoo ay ka mid ahaayeen laba dumar ah oo kusii jeeday wadanka Saudi Arabia, gaariguna waxa uu ku socday xowli aad u sareeya, taasoo ka dhigtay darawalka inuu wax qaban waayo kadib markii uu taayeerka qarxay, waxaa intaasi u sheegay Wakaalada Wararka Yemen ee SABA dad goob joogayaal ah.

Soomaali badan ayaa gaarta wadanka Yemen ugu yaraan maalinkasta ayagoo kasoo haajiray xaalado ba’an oo ka jira wadankooda oo ay dagaalada aargoosiga halakeeyeen, dadka soomaaliyeed ee gaaray wadanka Yemen ayaa kor u dhaafaya 800.000 oo ruux oo dhamaantood ah dad kasoo barakacay dagaaladii ka dhacayay wadanka sanadihii ugu dambeeyay.

Yemen News Agency (SABA)
Two killed, 14 injured as bus carrying Somali people overturns in Hudaida
[11 March 2009]

HUDAIDA, March 11 (Saba) -Two Somali people were killed and fourteen others were injured as a bus overturned at al-Zaidia district of Hodeidah province.

Eye witnesses said the road accident took place after one of the tires of the bus exploded.

The bus, carrying 16 Somali people including two women on their way to Saudi Arabia, was driving very fast, that the driver could do nothing as the tire blew up, the witnesses added.

Many Somali people arrive in Yemen almsot in daily numbers fleeing deteriorating situation in their war-ravaged country with the number of those Somalis who have already arrived in the country exceeding 800.000 displaced people.

MD/FR
Saba


Mahasanid

Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS