Hasha Maqaarka Diideysaahi meelo Dal daloola ayay ka daydaa!!!
Marka aad u fiirsato erayada Diidmada iyo qiil raadiska ah ee ay ku doodaan
ururada Qaar ee Mucaaridka ku ah dowladda uu madaxweynaha ka yahay Sh. Shariif
Sh. Axmed ayaa waxaa maskaxdaada kuu sawireysaa inay tahay arrintu “Hasha
Maqaarka Diideysaahi meelo Dal daloola ayay ka daydaa”, amaba maah maahdii kale
ee aheyd “Nin ay meeli u cadahay meeli ka madow”.
Haddaan ka gudbo ararta qormadeydan, waxaan aad ula yaabay, hadalo ka soo yeeray
niman sheegtay mas’uuliyiin kooxo Islaam inay yihiin, haba ugu dambeeyo ninka
isku sheegay madaxa siyaasada gobolada ee Ururka Al Shabaab, Xuseen Cali Fiidow,
oo jawaabo aan waafi aheyn, kana yaabiyay shacabka Soomaaliyeed ka bixiyay
go’aankii taariikhiga ahaa ee ay shalay ku gaareen golaha wasiirada xukuumada
KMG in dowladdu ku dhaqeyso dadka iyo dalka Shareecada Islaamka.
Bal aqristow ila dhugo, erayada ka dhanka ah go’aankaasi ee uu la soo shir tegay
ninka sheegtay mas’uulkan u hadlay Al Shabaab… “Diinta Islaamka ka mid maaha
waxyaabaha Foodka loo qaado ee la yiraahdo ma qaadanaa misa ma qaadano, waxaana
meeshaasi ka cadaatay in wax Diin Islaam ah aysan dadkaasi shaqo ku leheyn”.
Weger, waa yaab yaabkiise, Ma dad gaar ahbaa jira oo Alle wakiil uga ah dadka
Islaamka ah, haddii ay doonaan inay ku dhaqmaan Shareecada, mase waxaa jirta
Shareeco gaar ah oo uu hayo Sheekh Fiidow iyo Xertiisa, sababtoo ah dadkaani waa
Islaam, waxayna go’aansadeen inay qaataan ku dhaqanka Shareecada, halka markii
hore ay Dastuur qoran ay ku dhaqmayeen, waana sababta keentay in la yiraahdo ma
Dastuurkan lagu dhisay dowladdan markeedii hore ayaan ku dhaqanaa mase
Shareecada, balse mudanayaashu ma aaney oran, ma waxaan ku dhaqanaa Shareecada
mase waan diidnaa.
Aqristow, bal xusuusta dib u baar, dadka baadida cad lagu tilmaamay, ee la
Ihaaneystay waxaa ka mid ah Sheekh C\qaadir Cali Cumar, Xafiduhullaah, oo dadku
inta badan garanayo shaqsiyadiisa iyo Alle ka cabsigiisa, waxaa ku jira Sheekh
Ibraahim Xasan Caddow Xafiduhullaah, oo aad garaneysaan Diinta sida uu ugu
dhegan yahay, welibana ka soo guuray dalka Mareykanka isaga oo Diintiisa kala
fogaanaya Fidnada reer Galbeedka, waxaa ku jira Sheekh C/raxmaan Janaqow
Xafiduhullaah, oo la garan karo aqoonta fog ee uu u leeyahay Diinta Islaamka,
mudana faafinteeda ku dhex jiray iyo mashaa’iq kale oo ay ka mid yihiin Sheekh
Garweyne iyo Sheekh Dr. Max’ed Cali Ibraahiim.
La yaab ma lahan in waqtigan Fidnada badan la maqlo qolyo Diinta u Nisba
sheeganaya oo haddana leh dhaqankii lagu yaqiinay Khawaarijtii Baadida cad ku
tilmaamay dhiigoodana baneystay Khulufadii Islaamka ee Sharafta iyo Taqwada Alle
ku maneystay.
Aan dhanka kale ka eegnee, kooxaha ka horjeeda dowladda Midnimada Qaran ee
Sheekh Shariif waxa ay ku andacoodaan qaarkood, ka dhab maahan warka ku dhaqanka
Shareecada Islaamka ee Shariifku sheego, Subxaanallah, ma qof qofka uurkiisa ku
jira ayaa jira, ama ogaan kara waxa u qarsoon, waxyaabahaasi waxa ay ka mid
yihiin waxyaabaha Diinta looga fogaado, ama looga boxo, haddii qofku isku dayo
inuu xugmiyo waxa qofka Baadinkiisa ku jira, isla markaana ku adkeysto.
Ugu dambeyntiina waxaan leenahay Al Shabaab, Xizbul Islaam iyo inta kale ee
saluugsan dowladda Sheekh Shariif Xafiduhullaah, waa inay eegaan xaaladda dadka
iyo dalku ku jiro oo ay Alle-na xusuustaan si dhab ah, oo ay ka towba keenaan
khilaafka Islaamka, maadaama caddowga Islaamku uu aad ugu farxayo khilaafka
dadka Islaamka ah, ayna dib u liqaan hamigooda ah haddii aanan aniga maamulin
wadanka Gaw iyo Gash ma lahan, sababtoo ah horaa dad badani ugu tageen, adinkana
yeydnaan ka daba tegine.
Max’ed Cabdi Goobe, Cairo, Egypt
Email cgoobe@gmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2009