SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Midowga Afrika Oo codsaday In Waqtiga loo kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho

Afhayeenka Midowga afrika Mr Jean Ping ayaa ugu baaqay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay inay muddo sadex bilood ah ay u kordhiyaan ciidamada nabadilaaliyaasha AMISOM ee ka howlgalaya magaalada Muqdisho waqtigaas oo ka bilaabanaya 16ka bishan March 2009.

Afhayeenka midowga Jean Ping ayaa sheegay in xaaladda soomaliya ay tahay mid leh yididiillo wanaagsan islamarkaana loo baahanyahay in si wadajir ah gacan loo siiyo shacbiga somaliyeed sidii ay uga bixi lahaayeen dhibaatooyinka ay ku guda jiraan mudada dheer waxaana uu sheegay in ay laga maarmaan tahay in waqtiga loo kordhiyo ciidamada amisom ee ku sugan magaalada muqdisho.

Haddaba hadalka ka soo yeeray afhayeenka midowga afrika ee ku aadan in waqtiga loo Kordhiyo ayaa imaanaysa xilli bishii Augost golaha amaanka ee QM ay dib u soo cusboonaysiiyeen in waqtiga loogu daro ciidamada amisom muddo lix Bilood ah .

Midowga afrika ayaa horay u balanqaaday in wadanka somaliya ay u soo dirayaan ciidamo gaaraya ilaa iyo sideed kun oo askari hase ahaate wali ma aysan fulin balanqaadyadii ay sameeyeen Wadamada midowga afrika marka laga reebo dowladaha Uganda iyo Burundi ayaa u soo diray Wadanka somaliya sadex kun iyo afarboqol iyo konton askari kuwaasi oo u yimid inay wax ka qabtaan xaaladda wadanka somaliya hase ahaatee intabadan waxay la kulmaan weeraro iyo hanjabaadyo uga yimaada kooxaha mucaaradsan dowladda federaalka Somaliya .

dhanka kale kulamo todobaadyadii ugu danbeeyay gudaha magaalada Muqdisho ay ku lahaayeen culamaaudiin iyo odayaasha dhaqanka magaaladaasi ayaa laga soo saaray go'aamo ka dhan ah nabad ilaaliyaasha midowga afrika ee amisom ee su sugan magaalada Muqdisho.

Codsiga ka soo baxay midowga afrika ee ku aadan kordhinta joogitaanka ciidamada midowga afrika ee soomaaliya wuxuu ku soo beegmayaa xili uu madaxweyanaha  DFKMG somaliya uu safar ku marayo wadamo dhawr ah oo ku yaala qaarada afrika.

cabdirisaaq xasan cabdi
cabdirisaaqjuba@hotmail.com
bosaso-somalia

AU calls for renewal of Somali peace force

Faafin: SomaliTalk.com | March 12, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS