SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hambalyo Go'aanka Golaha Xukuumadda-Ku Dhaqmida Shareecada Islaamka

Maanta waxaa farxadeeda iyo riyaaqeeddaleh guul weyna ah go'aan Golaha WasiiraddaSomaaliyeed gaareey kuna saabsan in Dalkalagu dhaqo ama lagu maamulo-Habka Xaqa ah ee Shareecadda Islaam-taasoo ka turjumeeysaHadalkii iyo baaqii cadaa ee Halyeey-ShiikhShariif Sh.Axmed Madaxweynaha Qaranka.

Runta go'aankaas ayaa wadada u fureeysaka dhabeeynta ku dhaqmidda Shareecada oo ahHabka xaqa ah Allena jideeyeey waana habkaNabadgelyada,Horumarka iyo Midnimo buuxddalagu heli karaayo,Dawlada xaq ah lagu hanankaraayo hadii si cad looga dhabeeyo,Wadaddaxaqa ahna la raaco,waxaan halkan hambalyoiyo bogaadin halkan uga soo gudbinaayaa amaugu soo jeedinaa Madaxweynaha iyo Xukuumadaoo sida muuqata si hada ku taagan wadaddaiyo balantii eey qaateen,arrintaas oo xujocad ku noqoneeysa kuwa Nabadda,Qaran-nimadaiyo soo nooleeynta Dadka iyo Dalka Hooyo kaSoo hor-jeedda.

Hadaba Talaabadaas geesinimada leh waxeeycadeeyneeysaa niyad samida,hogaaminta wacaniyo daacadnimada Masuulinta Sarre waxaanaloo baahan yahay waajibna ku ah Guud ahaanUmmadda Somaaliyeed raacida-Taageeridda iyoLa duubnida Dawlada iyo Hogaanka si loogaDhabeeyo ku dhaqmida Shareecadda Islaamka Tiirarkana loo taago Nidaamka Xaqa ah,allahMahad leh,Waxaan halkan ugu soo jeedinaayaaGuud ahaan kooxaha Dawladda diidan ama qabaArrinti kalle Maanta in qiil ama xujo-toonafurneeyn meel lagu gabadaana jiriin,wadaddakeliya oo furani tahay raacida xaqa iyo soodhoweeynta ama taageeridda Dawladda,hadiieey jirto aragti kalle ama cabasho fadlanku sheegta hab Nabadeed iyo hanaanka waddahadalka oo miiska soo fadhiista,kana qeynbaqaata Nabadeeynta iyo dib u dhiska Dalka iyo Dadka Somaaliyeed,Fadlan qoriga dhiggaAqoonta diineed iyo caqliga adeegsata,eegaMaslaxada Ummadiina, garta xilkiina,kananaxa oo u Naxariista Shacabka dhiban daalanoo weliba dulman,una baahan haelidda nabadiyo daryeel bulsho, Gargaar mudan taakuleyntamudan, dib u degenta u baahan,hanaan Cadaalad,Garsoor iyo dib u dhiska baahida u Qaba,IyadooMarna la illaawi kareeyn Halgankii iyo JihaadkiiXaqa ahaa ee Geesiyaasha Kacdoonka SomaaliyeedIyo Taageeradii Shacabka Gudaha iyo Debedaba.

Hambalyo,Taageerida iyo Soo dhoweeuntaGo'aan Golaha Xukuumadda Somaaliyeed,GuulNabadgelyo iyo Horumar ku saleeysan HabkaShareecadda Islaamka Inshaa Allah,MaantaKhilaafa,muran colaad Iyo dagaal Sokeeye Maya,Shareecadda,nabad iyo walaalnimo buuxdda.

-ALLAH MAHAD LEH--Q

orre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)--Englanad-UK- 11/03/2009--
sharifhassan50@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS