Khasaare nafeed Oo Ka Dhashay Dagaal galabta Xoogag Taabacsan Ahlu Sunna
waljamaaca Iyo Al Shabaab Ku Dhexmaray Magaalada Baardheere ee Gedo.
Iska hor imaadkaasi oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa
waxaa uu ka dhacay agagaarka masjidka Geed Awoowe oo Culimada Ahlu sunna ay
maanta ka bilaabeen xuska bisha mowliidka nebbi Muxamed (NNKH)
Wararka aynu ka soo xigay labada dhinac ee uu dagaal u dhaxeeyo ayaa tibaaxaya
in khasaaraha dagaal uu reebay ku dhawaad 7 ruux oo dhaawac ah , kuwaasoo sida
ay qirteen saraakiisha Alshabaab 4 kamid ah ay yihiin dagaalyanadooda.
Sh C/Qaadir Maxamed Yuusuf Qalbi Aar oo waraysi qadka telefoonka ah aan goor
dhaw la yeeshay ayaa sheegtay in dhinacoodu ay guulo ka soo hooyiyeen dagaalkii
galabta sida uu sheegtayna ay ku suganyihiin goobaha masjidka uu dagaalku ka
biloowday.
Sh C/Raxmaan Axmed Al Anzaari oo ah afhayeenka Ehlusunna Waljameeca ayaa sidoo
kale dhinacooda sheegtay inay guulo ka gaareen dagaalkii galabta. Alanzaari waxa
uu qirtay in hal qof uu kaga dhaawacmay dirirtii galabta.isagoo xusay in ay ku
suganyihiin masjidka Geed Awoowe.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii maanta ay wadaadada Ehlunsunna Waljameeca ay
bilaabeen inay dhigaan xuska bisha mowliidka nebbi Muxamed (NNKH) ,taasi oo ay
horey u mamnuuceen xarakada Alshabaab bayaan ay horaan uga soo saareen magaalada
Baardheere.
Inkastoo ay xaaladu u muuqato mid degan imin ayaa hadda waxaa ay xiisadi ka
muuqataa goobaha ganacsi oo dhamaantood albaabada La isugu dhuftay.waxaa cabsi
xoogan ay la soo daristay dadka degaanka oo bilaabay inay walwalaan.
Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2009
|