SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
09 March 2009.

Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada gumaysiga iyo saldhigyo laga qabsaday

Waxyeelooyin kala duwan oo ciidamada gumaysigu u gaysteen dad shacab ah

Ciidamada Itoobiya oo toga Faafan ku toogtey laba nin oo shacan ah

Kulankii 3 biloodlaha ahaa ee Amnesty-International oo London kadhacay & xaalada Ogadenia oolagusoo bandhigay.

Maamulka cusub ee OSF-UK oo shir isugu yimid.

Unugta jwxo ee Denmark oo shir wada tashi ay ku yeelatay Copenhagen.


EEG Sawirka oo weyn


======================

Dagaalo lagu naafeeyey ciidamada gumaysiga iyo saldhigyo laga qabsaday


Dagaalo aan kala joogsi lahayn ayaa si joogta ah uga socdo gobolo badan oo kamid ah wadanka Ogadenya,dagaaladan oo u badan weeraro ay ciidanka qalabka sida ee jwxo ku hayaan kuna weeraraan saldhigyada ciidamada cadowga itoobiya, weeraradii u dambeeyayna waxay u kala dhaceen sidatan:

02/03/09 Dagaalo Ka dhacay Degmooyinka Sagag iyo Dusmo opo ka kala tirsan gobolada Nogob iyo Jarar ayaa ciidamada cadowga lagaga dilay 5 askari waxaana lagu dhaawacay 5 kale.

3/03/09 Duleedka Magaalada Jigjiga dagaal kadis ah oo ka dhacay waxaa ciidamada wayaanaha laga dilay 2 askari

3/03/09 Waxaa Dagaal adga uu ka dhacay Magaalad Abbaaqoroow Dhaxdeeda
halkaas oo woxogaa kadib Ciidnka Jwxo ay U Suuroowday in ay Qabsadaan Gubaan
Xaradii Woyaanaha furtaanna waxii yaalay ee Dhar Rashin iyo Hub ahaa Kadib
Markii Ciidankii Joogay ay ka dileen 25 In kale oo 41 ahna laga Dhaawacay
Baxsadkoodii oo 7 ahaana wabigu Qaaday iyaga iyo Qoryo ay la tageen oo 25 ahaa,

Isla 3/03/09 Dagaal ka dhacay Yucub oo ka tirsan gobolka Doollo ayaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 1 wayaane mid kalana dhaawac loogu gaystay.

3/03/09 Ciidanka gumaysiga ee ka howlgala Nusdariiq oo ka tirsan gobolka Qorahay ayaa isku laayey xerada ciidanka ee magaaladaas dagaalkan oo ka bilowday amar diido ay sameeyeen qaar kamid ah ciidankaas,amar diidadan ayaa markii dambe isu badashay dagaal laba saf loo kala baxay waxayna iska dileen 13 wayaane oo ay kujireen saraakiishii ugu sareeysay xeradaas.

4/03/09 Dagaal ka dhacay Ceel-ogaadeen oo ka tirsan gobolka Qorahay waxaa ciidanka saamalaluudka ah ee gumaysiga itoobiya lagaga dilay 12 askari

4/03/09 Dhallaaduule oo Fiiq U dhaw dagaal adag oo Ka dhacay ayay wararku nagusoo gaadhayaan in ciidamada gumaysiga khasaare balaadhan loogu gaystay qaar badan oo kamid ahna ay is dhiibeen,dagaalkan ayaa si aan caadi ahayn looga dareemayay magaalada Fiiq oo ay shacabku aad ugu riyaaqasanaayeen sida ciidamada wayaanaha loogu jabiyey.

Dagaal kale oo isna ka dhacay duleedka agaalada Fiiq ayaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 3 askari halka 5 kalana lagaga dhaawacay.

5/03/09 Weerar Gaadma ah oo ay ciidamada jxwo ku qaadeen xerada ciidanka gumaysiga ee magaalada Gaba-gabo ayaa ciidamka gumaysiga lagaga dilay 2 askari 2 kalana lagaga dhaawacay.

Dagaal kulul ayaa ka qarxay Uubataale oo qiyaastii 12 –15 km dhanka galbeedka kaga aadan magaalada Wardheer dagaaladan ayaa bilowday 22 bishii Febraayo ilaa iyo shalayna socday,dagaaladan ayaa u dhaxeeya cwxo iyo kuwa gumaysiga itoobiya
mar aan la xidhiidhnay magaalada Wardheer ayaa naloo xaqiijiyey in khasaare aad u weyn lasoo gaadhsiiyey ciidankii gumaysiga maydkoodiina lagu daabulayo diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo weliba baabuurta xamuulka ah oo si qasab ah lagaga kaxeeyey magaalada Wardheer.

Waxyeelooyin kala duwan oo ciidamada gumaysigu u gaysteen dad shacab ah

Dhanka waxyeelaynta shacabka weli waxaa sidii u socda oo ay ciidamada gumaysigu wadaan Dhaca Dameeraha, iyo Awrta Dhaanka ah ee dadwaynaha arintaas oo qayb ka ah cunaqabataynta iyo qixinta lagu hayo shacabka Ogadenya.
Meelihii ugu dambeeyey ee ay ciidamada gumaysigu ku dhaceen dameeraha iyo awrta dhaanka ah waxa aka mid ah:

1. Degmada Dhanaan oo ka tirsan gobolka Shabeelle
2. Degmada Garigo`an iyo Kabti-naag
3. Galadiid oo ka tirsan gobolka Qorahay
4. Hora-howd oo ka tirsan Jigjiga
Awrta la dhacay ayaa la sheegayaa in qaarkood ay qasheen ciidamada gumaysigu.

23/02/09- Jidhacle oo ka tirsan gobolka Qoraxay Waxay ciidamada wayaanuhu dhaceen Dad beeralay ah iyada oo ay Woyaanuhu u U Sheegen in ay keenaan Dhammaan Raashinka ay Beeraha Ka soo saareen Darytii Tagtay, waxaana lagu amray inaysan haysan karin in kabadan 1 Kiish Hadda Kadib , Waxaana Kamid ahaa Beeralayda la dhacay.
1. Deeqa Abdilaahi oo Laga Qaatay 50 Kiish
2. Hassan Maxamed iyo
3. Maxamed Gar-daran oo laga Dhacay Dhammaan Hadhuudhkii oo Tumis u diyaar ahaa

24/02/09- Degmada Shaygoosh oo ka tirsan gobolka Qorahay Waxay ciidamada gumaysigu ku xidh xidheen Dad badan oo ay ka midiyihiin,
1. Suleekha Ali Nuur
2. Xaaji Cashir Aw-Axmed
3. Daahir Sh Abdillahi
4. Gaydh Abdi Mohamed

22/02/09 Maraa-caato oo ka tirsan gobolka Qorahay Waxay ciidamada wayaanuhu ku xidheen dad tiro badan oo ay kamid tahay Canab Maxamed Dhuux

Ciidamada Itoobiya oo toga Faafan ku toogtey laba nin oo shacan ah

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa khamiistii si badheedh ah ugu toogtay Togga Faafan laba nin oo shacab ah, nimanaas oo xoolo ka waraabinaya.

Alah ha u naxariistee labadan nin ayaa naloogu kala sheegay:
1-Xassan Garaad Cabdullaahi Tubeec(Ninkan ayaa xiliga la tooganayay wuxuu gacanta hayay wiil yar oo uu dhalay).

2-Maxamed Khadar Xassan Abshir
Labadan nin oo ahaa niman reee miyi ah oo xoolo dhaqato ah ayaa xoolahooda u soo arooriyey Togga Faafan, kadibna waxaa soo maray ciidanka Gumaysiga Itoobiya, iyagoon ka hadlinin ayayna rasaas la dhaceen.

Dad ka agdhawaa goobtaas oo soo birmaday ayaa meesha ka qaaday maydkii labadaas nin iyo wiilkii yaraa oo sasay waxayna isla habeen horaba aaseen labadaas marxuum.

Ciidanka Gumaysiga ayaan dhab ahaan loo garanaynin halka ay ka yimaadeen balse wararka la isla dhex marayo magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in ciidankani ahaa goosan(Koox)kasoo fiigtay dagaal dhex maray ciidanka JWXO iyo kuwa gumaysiga oo ka dhacay agagaarka Togga faafan si xuna loogu jabiyey ciidanka gumaysiga,markay Togga soo gaadheena cadhadii kula dhacay labadaas marxuum.

Kulankii 3 biloodlaha ahaa ee Amnesty-International oo London kadhacay & xaalada Ogadenia oolagusoo bandhigay


maalintii sabtida taariikhduna ahayd 07-03-09 ayaa waxaa kulan balaaran oo ay lahaayeen hay ada Amnesty-International ka qayb galay xubno matalayay shacbiga somalida ogadenia oo uu hogaaminayay gudoomiyaha ururka dhalinyarada ogadenia ee OYL Mudane;Mujaahid Sh ibraahim iyo xubno kale

Shirkan oo ahaa shirkii sadex bilood laha ahaa ee hay,ada Amnesty-International ayaa waxaa xubnihii hay,ada ee kasoo qayb galay kamid ahaa
1=Pro=Phile Mike= Madaxa & iskuduwaha sharciyada&dabalka hay,ada Amnesty In
2=Sandra =haweenayda madaxa ka ah danbiyada aan la shaacinin sida {daarfuur&Ogadenia}
3=Nick Tom=xoghaya guud ee bariga&badhtamaha africa Iyo kuwa badan oo amnesty International kamid ah iyo marti sharaf kale

kulanka hay adan ayaa waxaa shiishka lagu saaray waarankii ay maxkamada ICC ujartay madaxwaynaha Sudaan al Bashir iyo hogaamiyayaasha kale ee kajira aduunka ee lamidka ah sidaa daraadeed ayaa waxaa nasiib uhelay inuu ka hadlo G/OYL halgame=Mujaahid Sh Ibrahin Abdalla oo isagu soo bandhigay filim maql iyo muuqaal ah oo ka turjumaya dacatiyada ay xumkuumada TPLF ugaysatay shacbiga ogadenia halkaas oo daqiiqada yar kadib ladamiyay filimkii kadib markay ku was waaseen sawir muujinayay nin la dabay iyo caruur aqal lagu gubay iyo hooyo dhaawaca IWM halkaas ayaa markali ah lagusoo xoomay gudoomiyaha oo sidoo kale qaybiyay qoraal kawarbixinaya dhibaatada ka taagan geeska africa iyo sida indhaha caalamku aysan u haynin uguna kaalmaynayaan qaarkood dhibaataynta shacbiga ogadenia xukuumada TPLF halkaas ayay kasoo qayb galayaashii boobeen detailska xubnihii matalayay reer ogadenia isla markaana balan khaasa loo qabtay waftida ogadenia is ay usiiyaan faah faahin taas ooay balan qaadeen inayna wax awoodooda ah ka hagranaynin shacbiga ogadenia bad baadintooda
si kastaba ha ahaatee arintan ayaa noqon doonta ninkii qayrkii loo xiirayaw soo qoyso adiguna KTzenawi ayaa mari doona jidka uu maray sxbkii Albashir dacwadaasina waxay ka socotaa caalamka oo ay shacbiga ogadenia kawadaan dacwado ka dhan ah xukuumada TPLF&kooxda booliquutayaasha ah ee kunool dhiiga shacbiga ogadenia lagana yabo inay soo afjarto quudashadii dhiiga & dheecaanka dadka ogadenia


09 March 2009

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga
 

Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS