SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

 Ururada HALGAN Iyo WOBAD Oo Xusay Maalinta Haweenka Adduunka Ee 8 Maarso Deg B/Xaawo Ee G/Gedo

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusayay maalinta haweenka Adduunka ee 8-da Maarso oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Horumarinta Ganacsiga Haweenka WOBAD ayaa waxa ay ka dhacday Hotel Col-Ujoog ee degmada B/xaawo.

Munaasabada oo ay ka soo qeyb-galeen Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada B/xaawo haween, aqoonyahano, dhalinyaro iyo waxgaradba ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Gudoomiyaha Degmada B/xaawo Axmed Maxamed Yuusuf Burkuus oo lagu sharfay inuu furo munaasabada xuska maalinta haweenka Adduunka ee 8-da Maarso.

Mr. Burkuus ayaa siweyn ugu dheeraaday qiimaha ay haweenka soomaaliyeed leeyihiin, isagoo si gaar ah u xusay in maalintan ay midaynayso haweenka haddii ay yihiin cadaan amaba madoow amaba sida uu hadalka u yiri kuwo muslim ah.

Xaliimo Faarax (Xaliimo Buuro) oo ah guddoomiyaha Ururka Horumarinta Ganacsiga Haweenka WOBAD ayaa dumarka ugu baaqday inay xoojiyaan nabada iyo wax kaqabashada dhibaatada ka oogan dalkooda hooyo.

Dhanka kale xaflad kale oo si heersare ah loo soo qabanqaabiyay taasoo ay soo agaasimeen Ururka haweenka ee HALGAN ee Deg. B/xawo ayaa waxa ay ka dhacday xarunta hay’adda ASEP ee magaalada B/xaawo, halkaasoo ay hadalo ka soo jeediyeen haween ay kamid ahayeen Canab Sh Xasan iyo Batuulo Yabarow oo kamid ah ururka HALGAN.

Mas'uuliyiin ka socday Maamulka degmada B/xaawo oo uu horboodayay Guddoomiyaha Degmada Burkuus ayaa waxaa ugu horreyn uu ka hadlay marxalada ay soo mareen haweenka soomaaliyeed gaar ahaan 19-kii sano ee la soo dhaafay.

Gudoomiyaha Degmada B/xaawo Axmed Maxamed Yuusuf Burkuus oo daah furay munaasabadaasi ayaa ku booriyay haweenka inay hal meel ah ka istaagaan xaaladda dalka uu ku jiro. Waxaana uu ka codsay in ay dumarka u shaqeeyaan dhanka wanaagsan maadaama ay yihiin mindi labo af leh.

Dhammaan dhinacyadii Haweenka ee ka soo qeyb-galay Munaasabada 8 Maarso ayaa si weyn ugu faraxsanaa in ay goob-joog ka ahaadaan Xuska Maalintan ku weyn Haweenka Adduunka, xili Magaalada B/Xaawo iyo guud ahaan Gobollka GEDO si weyn looga dabaal degay munaasabadahaasi.

Deg. Garbahaaray iyo Luuq aya kamid ah goobaha kale oo ay ka dhaceen xafladahaasi lagu weynaynayo maalinta 8-da maarso oo ku beegnayd maanta.



Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com


Munaasabad lagu xusaayay maalinta haweenka aduunka ee 8 da march oo ey soo qaban qaabiyeen dhaqdhaqaqa hablaha saxafiyiinta soomaaliyeed ee marka magacooda la soo gaabsho loo yaqaan (WOJA) Ayaa maantey lagu qabtey magalada Muqdisho



Munaasabad lagu xusaayay maalinta haweenka aduunka ee 8 da march oo ey soo qaban qaabiyeen dhaqdhaqaqa hablaha saxafiyiinta soomaaliyeed ee marka magacooda la soo gaabsho loo yaqaan (WOJA) ayaa waxeey ka dhacday magalada muqdisho munaasabadaan oo aheed mid aad loo agaasimayay ayaa waxaa ka qeyb galay ururada bulshada rayadka waxaana goobta ka qudbeysay gudoomiye ku xigeenka ururka woja sahro c/laahi yuusuf oo ku dheeraatay haweenka maalintaan ey gaarka u leeyihiin ayadoo ku baraarujisay haweenka soomaaliyeed & waliba kuwa saxafiyiinta in ey wax wada qabtaan nabadana laguna dadaalo nabada & hormarka dalka ,sidoo kale waxaa ka hadlay gudoomiyaha saxaafada qaranka soomaliyeed yuusuf cali cismaan (yuusuf fareey) waxuuna sheegay marka hore in uu uga mahad celinaa ururka saxafiyiin gabddhaha soomaliyeed (woja) sida ey iskugu xilqaameen baraarujinta maalmaha muhiimka u ah umada soomaliyeed waxoona ka codsaday haweenka in ey markasta u taagnaadaan hormarka umada soomaaliyee waayo waa isha bulsha kasto, laga arko sidoo kale waxaa goobta ka hadashay nadiifo maxamuud yuusuf hay’ada inxa waxeey sheegtay in ey haweenka yihiin dhibanayaal oo ayagu koriyaan raga ugu danbeena ayaga dhibka ku dhaco ugu danbeena waxeey ku baaqday in ey u guntadaan sida ey meel uga soo wada jeesan lahaayeen..sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlaayay xibno badan dhamaantooda waxeey u hambalyo u direen dhamaan haweenka soomaaliyeed waxeena mahad celin gaar ah u direen ururka (woja) oo ah ururka saxafiyiinta gabdhaha kaliya oo isku xilsaara wax kasta oo umuda soomaliyeed muhiimka u ah ugu danbeentiina waxaa hambalyo & bogaadin ururka (woja) u diray wasiirka warfaafinta dowlada midnimada qaran farxaan maxamuud cali .

Nasteexo maxamed ibraahim
E-mail: qaraaxo12@hotmail.com


Wafdi Odayaasha Dhaqanka Hawiye Iyo Hay,adda Culumada Soomaaliyeed Oo U Ambabaxay Wadanka Qadar

Wafdi ka kooban odayaasha dhaqanka beesha hawiye iyo weliba hay,adda culumo udiinka soomaaliyeed ayaa saaka goor hore ka amababaxay garoonka caalamiga ah ee magaalada muqdisho iyagoo kusii jeeda dalkaasi Qadar islamrkaana kusii nasan doona dalka Kenya magaaladiisa naiarobi .

Safarkan oo ka dhinac ah dadaalada nabadeed ee dowlada midnimada qaran ,hay,ada culimo udiinka soomaaliyeed iyo odayaasha beesha hawiye ay wadaan islamrkaana lagu doonayo sidii loosoo afjari lahaa xaalada nabad la,aaneed daba dheeraatay ee ka jirta wadanka soomaaliya gaar ahaan xarunta wadanka soomaaliya ee muqdisho iyadoo la sheegay in odayaashan iyo weliba culimo udiinkan ay casuumad ka heleen masuuliyiin kasoo jeeda wadanka Qadar

Sidoo kale wafdigan ka kooban odayaasha dhaqanka beesha hawiye iyo weliba hay,adda culumo udiinka soomaaliyeed ayaa kusoo beegmay xili dhowaan la taageeray hadaladii ay dhowaan kasoo saareen hay,ada culimo udiinka soomaaliyeed ee ahayd in shareecada islaamka dalka laga hir geliyo islamarkaana looga saaro mudo 120-cisho ah ciidamada AMISOM taasoo banaana baxyo lagu taageerayo ay dhowaan ka dhaceen magaalada muqdisho .

Si kastaba ha ahaatee wafuudan isugu jira odayaasha dhaqanka beesha hawiye iyo hay,ada culumada soomaaliyeed ayaa u muuqda kuwo xusul duub ugu jira sidii wadanka loogu soo dabaali lahaa nabad islamrkaana ay dowlada midnimada qaran ee uu hogaaminayo shariif sh,axmed ay u hir geli lahayd taasoo ay ka biyo diidan yihiin qaar ka tirsan xoogaga muqaawimada ee ka dagaalama gudaha wadanka soomaaliya .

yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 9, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS