Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Soomaaliya mudane Saleebaan
Colaad Rooble ayaa Qado sharaf ugu sameeyay ciyaartooydii hore Soomaaliya oo ku
dayacan magaalada Muqdisho
Muqdisho.07.03.2009. Waxaan maanta loogu qabtey Qado sharaf Hotelka Naaso
Hablood ee magaalada Muqdisho ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya,
martiqaadkaas oo uu usameeyay Wasiirka cusub ee Wasaarada Isboortiga iyo
Dhalinyarada dalka Soomaaliya Mudane Saleebaan Colaad Rooble.
Xaflada waxaa ka soo qayb galay dhamaan ciyaartooydii kooxaha heerka kowaad ee
dalka Soomaaliya iyo Xulkii Qarankeena kuwooda dhibaataysan ama ku dayacan
magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda, si uu warbixin iyo aragtidooda ku wajahan
Isboortiga dalka Soomaaliya iyo xaalada ay ku sugan yihiin uga wada hadlaan ayay
ahayd ujeedada loo qabtey Qado sharaftaan.

Waxaa halkaas warbixino laga dhagaystey ciyaartooydii hore isla markaana ka wada
warbixiyay xaalada ay maanta ku sugan yihiin iyo xaalada Isboortiga Soomaaliya
iyo sida aan wax qiimo lahayn looga soo qaaday kaalintii ay kaga jireen
Isboortiga dalka Soomaaliya, isla markaana ay dhibaato iyo shaqo la'aan weyn ku
hayso dalka ayna doonayaan inay kaalintooda ka qaataan dhaqdhaqaaqyada Isboorti
ee ka socda magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka hadlay ciyaartooy aad u
badan oo ay isugu jirey Rag iyo Dumar oo u soo dheeli jiray naadiyadii waawaynaa
ee dalka ka jirey iyo Xulkii Qarankeena Soomaaliya isla markaana magac iyo
maamuus ku lahaa bulshada Soomaaliyeed dhaxdeeda madaama ay ahaayeen xidigo iyo
laacibiin dalkooda ka matali jirey garoomada caalamka, balse aad moodo in Dowlad
la'aanta ka jirta dalka ay saamayn weyn ku yeelatay dadkii ku sharafsanaa
qarankooda iyo dowladooda madaama ay wax walbo ay burbureen ayaa hadana waxay
noqdeen ciyaartooydani kuwa aan ka soo jeedin dadka hubka sita ee awooda maanta
ku haysta Sportgiii dalka taasoo kaliftey inay marti ka noqdaan ama lagu
tixgalin xirfadii ay ku howl gali lahaayeen ciyaartooydaan, kuwaasoo noqday kuwa
ku dhibaataysan magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka Soomaaliya.
Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble
ayaa ugu horeyntii ka mahadceliyay ka soo qayb galka ay ka soo wada qayb galeen
dhamaan ciyaartooydii hore qado sharaftaan isla markaana u muujiyay sida uu uga
damqanayo dhibaatada weyn ee ku haysata dalkooda hadane waxa u balan qaaday in
Wasaarad ahaan ay wax ka qaban doonaan wixii karaankooda ah, isla markaana waxa
u balan qaaday inuu u furi doono xaruun ay yeeshaan Ciyaarooydii hore Soomaaliya
ee dalkaan u soo halgamay isla markaana uu gaarsiin doono meelo badan si ay
gacan uga helaan intii karaankiisa ah.
Wasiirka ayaa ka codsaday jaaliyada Isboortiga Soomaaliyeed ee ku nool dalalka
Qurbaha inay soo xasuustaan isla markaana gacan ka gaystaan sidii ay u kaalmeen
lahaayeen walaalahood iyo saaxiibadood ee ku haray dalka isla markaana
dhibaatada ba'an ku hayso, waxana u ka rajayay Jaaliayada bahda Isboortiga
dibada Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Soomaaliya in jaaliyada Qurbaha ama
Bahda Isboortiga gacan ka gaystaan sidii Xaruuntaas u shaqayn lahaynd una noqon
lahayn xaruun weyn oo Isboortiga dalka laga dhiso mustaqbalka.
Waxaa isna meesha ka hadlay laacibkii kooxda kubadda kolayga iyo Xulka Qaranka
Soomaaliya mudane Siciid Qorsheel kana warbixiyay sida ay waajib u tahay in
ciyaartooydii hore loo gacan qabto isla markaana loo dhiso Center ama Xaruun
loogu soo hagaago isla markaana noqoto meel ay ka howl galaan, Mudane Siciid
Qorsheel ayaa isna ka codsaday Bahda jaaliyada Sports Soomaaliyeed ee dibada ku
nool inay gacan ka gaystaan sidii xaruunta cusub oo ay ka howl galaan
ciyaartooydii hore.
Ciyaartooydii hore ayaa kulanka maanta farxad weyn iyo jididiilo galisay isla
markaana waxay ku tilmaameen kulan qiima badan oo aan soo marin tan iyo
burburkii dalka Soomaaliya, waxayna rajaynayaan inay xaruunta cusub ee u noqon
doonto meel saldhig u ah mustaqbalkana laga soo xariiri waxna ugu qabtaan
dhalinyarada Soomaaliyeed ee jecel cayaaraha noocyadiisa kale duwan,
ciyaartooydii halkaas ka hadashay waxay kala ahaayeen kuwa ka koobnaa kubada
cagta iyo kubadda kolayga. sida Senegal, Shiiqaalow, Shiiquna, Jaylaani Khalif,
CabdiKuus Joon iyo Batuulo Xaaji Nur, Nadiifo Sheekh, Malyuun Muuday iyo Nadiifo
Osman iyo ciyaaryahano kale oo badan.

Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada Mudane Saleebaan Colaad Rooble ayaa u
sheegay saxaafada in Isboortiga Soomaaliya dhulka laga qaadi doono isla markaana
xaqa ka maqan ciyaartooydii hore dalka meel cad la saari doono isla markaana
wasaarada Isboortiga ay wax badan ka qaban doono kulanka maanta wixii la isku
afgartey.
Waxaa muhiim ah inaa gacan weyn ka gaysano dadaalka u wado Wasiirka Isboortiga
iyo Xaruunta loo samaynaayo Xidigihii dalkeena oo ku bahdilan Caasimadii dalka
Soomaaliya, waana nasiib xumo weyn oo haysata dalka Soomaaliya inaan la qadarin
kuwa aan xaqooda qori ku raadsan karin halka kuwa awooda beenta ah ku
afduubanaya howlaha dalka Soomaaliya, marka Jaaliyada Sports Qurbaha waa inay
isku xilqaamaan taakulaynta walaalahooda jooga dalka, anagoo ka duulayno
Soomaalinimadeena waxaa muhiim ah inaa codsigaan qayb weyn ka qaadanaa
Hadaba hadii aad doonaysid inaa gacan ka gaysato suurtagalinta xaruunta ama
rugta ciyaartooydii hore Qaranka Soomaaliyeed kala xiriir Wasiirka dhalinyarada
iyo isbortiga Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble 0025215251949 ama
2525998108.
W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London
Faafin: SomaliTalk.com | March 9, 2009