SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

 Baaq nabadeed oo ku wajahay Beelaha Calijibraahiil iyo Calisaleebaan ee aagga Ufayn

Anagoo ah jaaliyada labada beeleed ee calisaleebaan iyo calijibraahiil ee ku dhaqan wadanka holand waxaanu ugu baaqeynaa labadaas beelood walaalaha ah iney si shuruud la aan ah ku
joojiyaa dagaalada sababey dhimashada iyo dhaawaca.

Waxaan kaloo ugu baaqeynaa iney marka hore beelwaliba ku noqoto degaankeedii ey asalka u laheyd.

Waxaan kaloo u sheegeynaa maanta oolagu jiro 2009 ka aan puntland looga baahneyn dagaalqabiil eeloo baahanyahey nabad horumar iyo in si nabada loowada deganaado.

Wararka qaar ayaa sheegaya in meesha laysku dilayo laga helay ceel-batrool ah taasi waa quud aan jirin qoryo u guro. Waayo hadii ay run tahey oo meeshaas laga helo ceelbatrool ah qofkasta wixii ilaahey u qorey ayaa kasoo gaaraya.

Ugu dameyn labo caliyoow nabada ku dhameeya shidada iyo dirirta waayo majiro qof shaarbir ah gashani.

waa jaaliyada labada beelood .
gudomiye cabdirisaaq cismaan xuseen [dhakaar]
tel 0031634177052
dhakaar60@hotmail.com
wabilaahi toowfiiq

Faafin: SomaliTalk.com | March 9, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS