SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAXKAMADA DANBIYADA DAGAALKU MA IL KALIYAY WAX KU ARAGTA

BIMILAAH
NAXARIIS IYO NABAD GELYO KORKIISA HA AHAATO NABIGEENA SUUBAN (CSW)

Markaad isha mariso bogaga lagu dabaco akhbaaraadka caalamka, waxaa markiiba kuusoo baxaya hogaamiyaal lagu eedaynayo inay geysteen danbiyo dagaal, hogaamiyaashaasi waxaa kamida kuwo madaxweynayaal ka ah wadamadooda, iyagoo loo maro eedaynta shaqsiyaadkaas xadgudubyo lagu tilmaamay inay ka geysteen wadankooda, ayna haboon tahay inay ciqaabtooda maraan.

maaha madaxweynayaal oo kaliya waxaa taa lajirankeeda eedaymo kuwaas oo kale lamida lagu soo oogaa hogaamiyaal dagaal kuwaas oo horjoogayaal ka ahaa jabhado ama ururo kacdoon kuwaas oo ka biyadiida sida xukuumadoodu wax u wado.

Hashaani maankaygay gadee ma masaar bay liqday? somaliya waxaa ka dhacay denbiyo dagaal kuwii ugu ba'naa, waxaa kadhacay xasuuq aan ka yarayn kii Huutuuga iyo Tudsiga, waxaa laqaxiyay tiro malaayiina , waxaana sidoo kale badaha iyo saxaaraha wadamo fogfog lagu la'yahay malaayiin somaaliyeed kuwaas oo kafirxaday xiisada la abuuray, dhacdooyinkaan oo dhamaantoodna ay isha ku hayaan kuwa kudooda inay iyagu u xilsaaran yihiin ilaalinta xaquuqda aadanaha.

waxaa danbiyadaasi oo dhan geytey xukuumadda itoobiya iyaga oo ay lawadaagsadaan horjoogayaashii DFK somaliya ee aan imanka badidoodu cidna xil u hayn sababtay doontaba xilalka ha looga qaadee, haddaba miyaanay mudnayn inay indhaha maxkamada caalamiga ah ee dagaalku arkaan islamarkaasna horkeenaan cadaaladda horjoogayaasha wadamadda iyo shaqsiyaadka sida tooska ah ugu lugta lahaa danbiyadii dagaal iyo xasuuqii baahsanaa ee kadhacay somaliya gaar ahaan magaalo madaxda muqdisho.

Xassan cali Gurxan(mataan)
sonnapress@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 9, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS