SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qarax ka Dhacay magaalada Boosaaso oo Dad ku dhaawacmeen...

Agagaarka dawlada hoose ee magaalada bosaso oo ah bar kantarool oo ciidamada booliisku habeenkii ku baaraan baabuurta aagaas maraysa ayaa waxaa caawa goobtaas ka dhacay qarax bam baano abaarihii 7 fiidnimo.

Wararka laga soo xigtay taliska ciidanka booliiska puntland ayaa sheegaya in ku dhowaad 7 ka tirsan ciidamada booliiska iyo lix qof oo shacab ah ku dhaawacmeen qaraxaas.

Ciidamada booliiska ayaa markuu qaraxaasi dhacay waxay sameeyeen baaritaan xoogan mana shaacin cid ay u soo qabteen qaraxaas iyo wixii sababay.

Dhamaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaas waxaa lagu dawaynayaa isbitaalka weyn ee magaalada bosaso iyo cisbitaalada gaarka loo leeyahay ee magaaladan bosaso.

Isgoyska gaaca oo u dhow xarunta dawlada hoose ee magaalada bosaso oo ah meesha caawa qaraxu ka dhacay ayaa ah goob aad u mashquul badan dhinaca dadka iyo baabuurta waxaana halkaas ka dhow xarumo ganacsi oo aad u tirobadan waxaana sidoo halkaas ay bar kantarool u tahay ciidamada booliiska ee magaalada kuwaasoo habeenkii baaritaan ku sameeya baabuurta goobta maraysa.

cabdirisaaq xasan cabdi
cabdirisaaqjuba@hotmail.com
bosaso somalia

Faafin: SomaliTalk.com | March 9, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS