SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xildhibaan Garane "Shacabka Soomaaliyeed waa bislaadeen waxayna dareemeen hada qiimaha ay nabadu leedahay"

Xildhibaan Cabdinaasir Garane Maxamed oo ka mid ahaa xildhibaanadii ugu cadcadaa xiliyadii ciidamada Ethiopia ay dalka joogeen isla markaana dagaalka adag lagula jiray ka hadalka dhibaatadii iyo iska horimaadyadii uu dalku soo maray xildhibaanka oo lagu xasuusto in uu ka mid ahaa dadka afkaarta adage ee sida weyn uga soo horjeeday joogitaanka ciidadamada shisheeye ee gudaha dalka somaliya ,


Xildhibaan Cabdinaasir Garane Maxamed ayaa sheegay in somalidu ay soo martay dhibaatooyin badan oo kala duwan ayna ka mid tahay qaran la.aan ,burbur badan itijaah la.aan , sidoo kale waxaa la soo amray siyaada somalida in meel kale laga hago ,waxaa la soo maray shacabku in uusan tashanin oo aysan marnaba ka isku dayin in ay hadlaan danahooda iyo aayahooda,


Hadaba xildhibaan garane ayaa ugu horeyntii xusay in ay habon tahay in ilaah loo mahadceliyo isaga oo shegay in la garay xiligii la goosan lahaa mirihii halgankii lagaga soo horjeeday dhibaatadii iyo cidiamadii dalka ku so duulay kol hadii ay umadii somaliyeed isku timid inteedii badnayd kuna tashadeen in ay ka baxaan dhibaatada maanta heysata soona celshedaan qaranimadoodii cisigoodii iyo sharaftoodii

Cabdinaasir Garane Maxamed “Culumadii ,odoyashii ,siyaasiyiinteedii ,waxgaradkeedii , dhalinyaradii haweenkii iyo qeybaha ka duwan ee bulshada kuna tashadeen muruqooda maskadooda iyo karaamadooda waa guul uu ka naxo cadowga umada somaliyeed ,”


Xildhibaan garane “Sahcabka somaliyeed waa bislaadeen waxayna dareemeen hada qiimaha ay nabadu leedahay sidoo kale umadu waxay ka baxday qabyaaladii iyo kala qoqobnaantiina umad adhex ooli jirtay taasi waa nimco weyn oo ilaah xagiisa nooga timid waana in aan ku mahadibnaaa “

Xildhibaank ayaa isaga oo ka hadlayey xaga dowlada wuxuu shaaca ka qaaday in madaxa ugu sareeyey ,odoyaasha dhaqanka ee somaliyeed , ganacsatada ,siyaasiyiinta , culumada , mujahidiinta dhalinyarada ,haweenka iyo dahmaan qeybaha kala duwan ee bulshada in loo wada bisil yahay in la qato ilaahey kitaabkisa loona diyar yahay ku dhaqanka shareecada islaamka


Xildhibaan Gaarane ayaa ugu baaqay dadkii soo halgamay Mujaahidiinta walaalaha somaliyeed in xabada la joogiyo oo uusan madafac iyo xabad danbe muwadin Somali ah aysan naga dilin lagana wada shaqeeyo sidii aan camal san ugu sameysan laheyn aduunkeena iyo aaqiradeena ayuu hadalkiisii ku sii daray isaga intaa ka dibna baaq u jeediyey umada somaliyeed

Waxaa diyaar loo wada yahay in guushaa la wada ilaaliyo lagana wada shaqeeyo nabada ay wadaan culumad asomaliyeed oo taana la taageero bayaankii dhawaan ay soo saareen hey.adda culumada somaliyeed


Tajamaca islaamka somaliya Dagaalku xal kuma jiro waxaana la qaadaa dagaalka markii aad weydo jid kale
Tajamaca islaamka somaliya
!!!Dagaalku xal kuma jiro waxaana la qaadaa dagaalka markii aad weydo jid kale !!!!

Gudomiyaha Tajamaca islaamka somaliyeed Sheekh Cabdiraxman Maxamed Axmed
Oo shir jaraid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay ayaa ka sheegay qodobo kala duwan oo ku adan xaalada guud ee dalku maryo ,taageero iyo weliba canbaareyn caalami ah cidii wax ka maqan yihiin si tos ah waa in ay u aadaa cidii ay wax ka tabaneysay ayaa lagu yiri shirka jaraid sidoo kale Sheekh cabdiraxman ayaa ugu baaqay shcabka somalilyeed in uu taageeradiisa siiyo cidii dooneysa in ay nabad galyo helaan oo ay dowlad nimi helaan
“waxaa suura gal ah cid walbo in ay isleedahay adiga ayaa wanaagii wado oo sax san cida kalana ay u aragto in ay qaldan tahay cidwalbo in ay wanaag doon tahay waa amcquul .”
“qodobadii ka soo sareen hay.adda culumada somaliyeed oo waxay ka koobnaayeen 9 ka qodob anaga ayaana wax ka soo sarnay waxaana rabnaa in loo fuliyo sidii ay ahaayeen “
”asbaabo badan iyo sharuudo badan iyo macluumaad badan oo culumada somaliyeed ka eegtay ayaa ku jiray waana la fahmi karaa cidwalbo waa in ay eegto fiiriso u dhaga nuglaato cid walbo qeybtii kaga soo aado waa in ay fuliso “
ciidamada halakala qaado jidadka hala furo wixii xanibaad keenayo waa in laga qaadaa wadooyinka si umadu nabad galyo ugu marto , Ciidamo iska soo horjedo oo qoryo wato anagu ma ogolin dadk ay qusayso sida aan u fahamnay waa in ay noola fahmaa

Gudoomiyaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in dadka somliyeed aan loo celin dhibaato danbe isla markaan sahcabku gartaa cida dulmiga la daba socoto markasta iyo meel kasta
Ujeedo bayaan isugu jiro taageero iyo canbaarayn .
Ka dib markii laga soo saaray maxkamad ku sheegta Danbiyada dagalka in la soo qabto madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir ayaan waxaan halkaan ka soo jedineynaa Byaankaan .
1. waxaan u aragnaa go’aanka ay gaartay Maxkamada lagu sheego danbiyada dagalka in uu yahay go.aan ku dhisan Dulmi iyo gardaro cad .

. waxay nala tahay in go’aankaasi ka hor imanayo madaxbanaanida dalka suudaan iyo amaankiisa gudaha wuxuuna u muqdaa sidii kii lagu baneysta duulaankii ciraaq
3. waxaan canbaaraynaynaa ga.aankii ka soo abxay maxkada lagu sheego danbiyada dagaalka waxaana lenahay hadii aad run sheegaysaana maxkada danbiyada dagaalka ha ugu horeeyaano madaxda Yahuda oo maalin kasta gumaad ugeysta shacabka falastiin oo aan hubeysneyn
4. waxaan garab taagan nahay walaalaheena reer suudaan anaga oo la qeyb saneyna xaalad kasta oo ay ku sugan yihiin
wa bilaahi towfiiq bayaankaan ayaa waxaa ku saxiixnaa saxafda u aqriyey

gudoomiyahay tajamaca islaamka somaliyeed
Sheikh Cabdiraxman Maxamed Axmed



Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666




Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS