SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Markab dab ka kacay kuna soo xirtay Dekedda Muqdisho ayaa xaaladiisu ka sii dartay, iyadoona la geeyay badweynta si loo dejiyo

Sawirada Halkan ka daawo....


Markab weyn oo nooca xamuulka ah sidayna dhuxul ayaa xalay soo gaaray Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, waxaana Markabkaasi oo dhuxul ka soo raray dekedda Ceel Macaan uu qabsaday dab kaddib markii uu ka shiraacday halkaasi, iyadoo markabka markii uu xoogaa gudaha u galay badweynta uu ka kacay dab, kaasi oo ka bilowday mid ka mid ah godadka markabkaasi.

Sida ay sheegayaan shaqaalaha Markabka saaran, dabka ka kacay Markabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay dhuxusha saaran Markabka iyo dabeylo markaasi ka jiray badda, hase yeeshee ajansiga Markabka oo la soo xiriiray maamulka Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa codsaday in maamulku uu ka caawiyo sidii loo badbaadin lahaa markabka iyo hantida saaran.

Eng. Cabdi Jiinow Calasow Maareeyaha Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho ayaa aqbalay sida uu horayba u sheegay mar uu Suxufiyiin kula hadlayay xafiiskiisa inay gacan ka geysanayaan badbaadada Markabkaasi, isagoona ka dhabeeyay ballantiisii ahayd caawimaada Markabka dabka qabsaday.

Maamulka Dekedda ayaa galay heegankii ugu sareeyay oo lagu badbaadinayo Markabka lagu magacaabo M/V Kum San kana diiwaan gashay ururka badaha caalamiga ah IMO, Nambarkiisuna yahay (IMO 7418373), ayaa guddiga gurmadka badbaadinta Markabka oo uu Guddoomiye u yahay Eng. Cabdi Jiinow Calasow waxay ku guuleysteen gelinkii hore ee saakay inay Markabka ku soo xiraan marsada Dekedda si looga damiyo dab ka baxayay laba god oo ka mid ah godadka Markabka.

Guddiga gurmadka badbaadinta Markabka M/V Kum San ayaa iyagu howl degdeg ah oo ay bilaabeen muddo laba maalin kahor ahayd inta aanu markabka soo gaarin Dekedda Muqdisho inay diyaariyaan qalabkii lagu damin lahaa dabka, waxaana howshaasi oo ku socotay si dardar leh ay guddigu kaamileen dhammaanba waxyaabihii loo baahnaa, waxaana gawaarida ugu shaqada badnaa ka mid ah gaariga Dab-demiska Dekedda oo marna aan cagaha dhulka dhigin muddo ka badan 24-saacadood.

Ilaa iyo shan baabuurta booyadaha biyaha ah iyo Matoorada biyaha tuura ayaa la isugu keenay marsada uu ku xiran yahay markabka, iyadoo howsha lagu badbaadinayay markabka hormuud ka ahaa Maareeyaha Dekedda oo sida aad ka aragtaan sawirka gacanta ku heystay gacanka Isgaarsiinta ay isticmaalaan Kaptanada iyo shaqaalaha Maraakiibta.

Ma aha markii ugu horeysay oo maamulka Dekedda door muuqda ka qaadanayo badbaadinta Maraakiibta ku soo xiranaya Dekedda iyo kuwa kale ee iyagu xaalad sida tan oo kale ah ay ku qabsato xeebaha dalka Soomaaliya, waxaana haatan si xowli ah u socota howlo markabka gubtay dabka looga daminayo, iyadoo kaddibna la bilaabi doono dejinta dhuxusha saaran markabka, hase yeeshee qormooyinkeena dambe ayaan idinkugu soo gudbin doonaa wixii ku soo kordha Markabka gubtay ee saakay ku soo xirtay Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho

Mahamud Ahmed Hassan <xuurshe114@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | March 7, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS