SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
06 March 2009.

Dagaalo lagu jabiyey ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo dhabaqoodhiga.
Waxyeelooyin kala duwan oo gumaysigu u gaystay dad shacab ah.
Hogaanka Gaashaandhiga jwxo oo digniin culus kasoo saaray qowmiyadaha la doonayo in lasoo dajiyo Ogadenya
Golaha wasiirada DFKM ee somaliya oo kulan isugu yimid .
Qalab shidaal oo laga daabulayo Jabuuti loona wado Ogadenya.
Cabdullaahi Baarax oo tuugo ku dishay K/Afrika.
======================

Dagaalo lagu jabiyey ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo dhabaqoodhiga.


Ciidamada wadaniga xoreynta Ogadenya ayaa si xoogan uga wada dhammaanba gobolada Ogadenya sifaynta dabaqoodhiga loogu tala galay inay dhufays u noqdaan ciidamada wayaanaha ee ku sugan gayiga ogadenya oo baryahan dambe ka caagay inay ka baxaan magaalooyinka waaweyn kadib markay cwxo soo buux dhaafiyeen agagaarada magaalooyinka waaweyn,dagaaladii u dambeeyeyna waxay u kala dhaceen sidatan:

28/02/09 Mulla oo U Dhaw Qabri-Bayax Weerar lagu Qaaday Maleeshiyada dhidid dhowrka ah ayaa Lagu Qab-qabtay Tiro ka badan 60 dabaqoodhi,halkaas oo lagaga qaaday wixii hub ay wateen,waanin iyo wax usheeg ka dibna ay cwxo iska sii daayeen dabaqoodhigaas.

28/02/09: Lahelow oo Ka Tirsan Gobolka Doollo dagaal adag oo ka Dhacay ayaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay in ka badan 50 Woyaane Waxaana lagu dhaawacay tiro Kale oo aanaan faahfaahinteeda haynin, Sidoo kale waxaa laga furtay ciidamada wayaanaha 25 Qori oo ay kujiraan 2 BKM, mar aan la xidhiidhnay dad ka agdhawaa goobta dagaalkaasi ka dhacay ayay noo xaqiijiyeen in ay indhahooda ku arkeen maydadkii askartii wayaanaha oo diyaarado lagu daad guraynayo.

Ciidamada wayaanaha oo waxyeeleyn kala duwan u gaystay dad shacab ah.


Waxaa Si joogta ah u socda Ol-olaha Ka dhanka ah Dadwaynaha aan Waxba Galabsan ee Ogaaadeniya kaas oo maalinba Maalinta Ka Danbeysa ay Sii Badan hayaan Xadhiga, Dilka, Dhaca iyo Kufsiga lagula kacayo, Tacadiyadii iyo waxyeelayntii ugu dambeeyeyna waxay u dhaceen sidan:

10/02/09 Degmada Dhagaxmadow ayay ciidamada gumaysigu ku xidh-xidheen dad shacab ah oo aad utiro badan waxayna magacyadoodu nasoo gaadheen:

1. Tamaan Askar
2. Khadra Abdi Qorane
3. Dayib Shariif Abdi
4. Dhuux Abdi Bakayr
5. Gadhyare Aw-Ali
6. A/rahman Aw-Ali Nuur
7. C/llaahi Maxamuud Budul
8. Shariif Halab Shariif Mustafe
9. Isma-jale

2/02/09 Qarja-jabo oo ka tirsan Degmada Dhuxun ee gobolka Nogob waxay ciidamada gumaysigu ku dileen Meel fagaara ah Nin la odhan jiray Allah u Naxariiste, Maxamed Shaafi Cumar
5/02/09 Tayin oo ka tirsan Degmada Qabri-Daharre e gobolka Qorahay ayay ciidamada wayaanuhu ku dileen Nin la odhan jiray Allah U Naxariisee Abdullaahi Hassan Yusuf

18/02/09 Guus-Cowl iyo Garigo`an oo ka wada tirsan gobolka Nogob waxay ciidamada wayaanuhu ku xidh xidheen dad farabadan oo aan waxba galabsanin waxaana magacyadoodu nasoo gaadheen:
1. Abddi-Sabuur Abiib
2. Cibaado Ahmed Madoobe
14/02/09 Huuraale oo ka tirsan degmada Dhagaxbuur ee gobolka Jerar ,waxay ciidamada gumaysigu ku xidh xidheen dad rayid ah oo aan wax dambi ah galin,dadkan oo aad u badnaa ayaa magacydoodu naga soo gaadheen:
1. Abdi-Qaadir Abdullahi Sharrif
2. Ali Omar Muhumed
3. Maxamed Ali Shariif Yusuf
4. Xaali Xaashi Ciid
5. Maryama Xaaji Yuusuf
6. Xalimo Bisle
7. Faadumo Hassan Fagadhe
15/02/09 Magaalada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar na ,waxay ciidamada gumaysigu ku xidheen dadka kala ah:
1. Ahmed-naser Aw-abdi
2. Deeq Faarah Odawaa
3. Abdillaahi Abdi Cumar
4. Abdisalaam Abdullahi Ahmed

17/02/09 : Gaagaab oo ka tirsan Degmada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar waxay ciidamada wayaanuhu ku dhaceen hanti badan oo ay dadweyne rayid ah lahaayeen waxaana kamid ah dadka la dhacay hantidooda:

1. Habiib Ahmed Yusuf oo laga Dhacay 1500 Birr
2. Osman Abdi oo Laga Dhacay 1600 Birr
3. Abdi Haybe oo laga Dhacay- 1600 Birr
08/02/-09 Degmada Guuna-gado oo ka tirsan gobolka Jarar Waxay ciidamada gumaysigu ku xidheen Dad badan oo uu kamid yahay Abdillahi Gani

20/02/09 Degmada Garigo`an oo ka tirsan gobolka Nogob ,waxay ciidamada wayaanuhu ku xidheen dad rayid ah oo u badnaa dumar oo ay kamid tahay Hodan Cismaan

27/02/09 Degmada Garbo ee gobolka Nogob waxaa lagu xidhay shacab fara badan oo aan magacyadooda ka
1. Abdullahi Cismaan Toorri
2. Saxane Gaydh
3. Abdillahi Maxamed Yusuf
4. Caydaruus Abdi Geelle
5. Saxane Mahad Farax
6. Ciise Kaliil
7. Mahad Qabdiid
8. Caydaruus
9. Diiriye
10. Abdi gamaadiid
11 - Farah Mahad

Baabuur xamuul wadda oo Shiinaha laga leeyahay oo u sii jeeda Ogaadeenya.

Wararka naga soo gaadhaya magaaladda Jabuuti ayaa sheegaya gawaadhi farabadan oo wadda qalbka shidaalka lagu baadho lagu wado in ay ka soo dhaqaajiyeen magaalada Jabuuti waxayna wararku intaas ku darayaan in gawaadhida & qalabka saaranba ay leedahay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha.

Gawaadhidan oo ah kuwa xamuulka culus qaada waxaa tiro ahaan naloogu sheegay ilaa 60 gaadhi oo wada Qalab ay leeyihiin qolyahaasi siday warar hoose
sheegayaan waxaa arrinta lala kaashan qolyo Somali ah oo Gaadiidka Inta badan darawaliin ka ah waxaana naloo sheegay inuu iska leeyahay gaadiidka qaadaya nin French u Dhashay Laakiin Reer Djibouti ah oo mudo dheer dagan ganacsina ku leh isga iyo ehlkiisaba.

Shirkadda qaadaysa qalabka waxay wararku sheegayaan in ay tahay ETS- Maril waa Company lagu yaqaannay hadda horteed Gawaadhiya Japanka laakiin loo badanayo in ay heshiis la gashay shirkadda Shiinaha ah ee aad u doonaysa in ay shidaalka ka baadho Ogaadeenya, waxaana warar ku helay in ay qorshaynayaan in ay qalabka geyaan halkii horaan lagu laayay Shiinaha ee Coballe.
Xukuumadda Itoobiya oo geed gaaban & mid dheerba u fuulaysa sidii ay shirkadaas u soo galin lahayd markale dhulka dagaalku ka socodo ee Ogaadeenya ayaad modaa in markale ay shirkada Shiinaha soo hunguriyaynayaan magaaladii Coballe ee horaan dagaalku ka dhacay laguna dilay niman Shiine ahaa qaarna nolal lagu kaxaystay oo ay Jabhddu markii dambe sii daysay, sidoo kale waxay Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya u digtay shirkadaha doonaya in ay shidaal ka qodaan Waddanka Ogaadeenya waxayna Jabhaddu sheegtay wixii ka yimaada in ay masuuliyadeeda qaadayso shirkada isku dayda in ay ka badho dhulkaas shidaal.


Golaha wiisarada DFKM ee Soomaaliya oo kulan isugu yimid


Kulan ay ka qeybgaleen inta badan Golaha Wasiirada ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, isla markaasna ku qabsoomay Magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay qodobo badan oo ka taagan gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirada ayaa isla soo qaaday xaaladaha amaanka, Siyaasada & Ku dhaqanka Shareecada Islaamka, sida uu sheegay Hadal hayeen uhadlay Xukuumada Soomaaliya.

Kulankaan ayaa qaatay saacado badan waxa ayna Golaha Wasiiradu dhinacyo badan ka eegeen xaaladaha amaanka ee dalka Soomaaliya, ayagoo si gaar ah usoo qaaday amaanka Caasumada Soomaaliya ee Muqdisho oo markan saldhig u ah dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Wasiirada ku shaqada leh amaanka ayaa soo bandhigay qorshayaal ay uarkaan in lugu sugi karo amaanka Magaalada, waxa ayna usoo bandhigeen Golaha Wasiirada Map-muujinaya sida wax looga qaban doono amaanka Magaalada.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa isla eegay sida ugu wanaagsan ee Shareecada Islaamka loogu dhaqi karo dalka, waxa ayna arintaasi keentay kala fakir duwanaansho soo kala dhexgalay Golaha Wasiirada, waxaana ugu dambeyntii laysku raacay in dib loodhigto ka dooditaanka Qorshahaasi ama Isniinta nagu soo aadan cod loo qaado.

Maalinada Isniinta ah ayaa lafilayaa in ay Golaha Wasiirada ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay isla gorfeeyaan ama ansixiyaan qodobo ku aadan Shareecada Islaamka sida loogu dhaqayo Soomaaliya, ayadoo ka dibna loo dirayo Madaxweynaha & Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ayadoo lafilayo in ay sidoo kale qodobadaasi hortagaan Fadhiga ugu horeeya ee ay baarlamaanka Soomaaliya yeelan doonaan, si loo ansixiyo.

Hadii ay Wasiirada Soomaaliya isku raacaan in Shareecada Islaamka lugu dhaqo dalka Soomaaliya, waxa ay soo afjaraysaa hadalo ay Kooxaha ka soo horjeeda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ay kaga soo horjeedeen Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana la dhowrayaa sida ay Wasiirada Soomaaliya uwajahaan qodobkaasi.
06 March 2009

Halgan Guuleed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga
 

 

Faafin: SomaliTalk.com | March 7, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS