Sidaas Looma hadlo Daahir warsamow : C/risaaq Wiilcade
Waxaan akhriyay warbixin uu qoray daahir warsame warbixintaasi waxay ahayd oo
uu cinwaan uga dhigay
Marbay xurmadu xurquun noqotaa..
Iyo cinwaankale oo ah maxa kadhashay aasaaskii puntland..
Sikastaba ha’ugu magac bixiyee waxaa mihiim ah inuu qofku beegsado xaqaa’iqda
dhabta ah ee jirta marka uu dhiibayo warbixin ,
Saan ognahay dawlad goboleedka puntland waxaa soomaray laba madaxwayne iyo
madaxwayne cusub oo hader ladoortay ,
Madaxwaynihii u horreeyay waxaa uu kushegay ama uu halkudhag uga dhigay
idooro aan kudilee , madaxwaynihii xigayna waxaa uu yiri waa idooro , aan
kumadadaaliyee , madaxwaynaha cusubna waxaa uu ugu magacdaray idooro aan kukala
faquuqee ,
Hadaba walaalkay waxaan rabaa in aan wax dareensiiyo lataaban karo , tusaale
ahaan soomaaliya dawlad dhexe oo sitoos ah usaydaraysay illaa hada lamahayo tan
iyo markii ay burburtay dawladii caskariga ahayd 1991kii ,
Ayadoo ay tahay sidaas ayaa waxaa dhacday in aynu garan karono in ay noqotay
koonfur meel run ahaantii naf iyo maal aan lagu aamini Karin , wax maamul ah oo
kajirayna aanay jirin , sidaa darted gobolada waqooyi bari waxay samaysteen
maamul lagamac baxay maamul goboleedka puntland ,
Waxaan ushegayaa walaalkay in ay puntland ay noqotay meesha kaliya ee looga
yimaado gobolada soomaaliya oo dhan iyo galbeedka itoobiya , ayadoo ay tahay
sidaas ayaanay jiri Karin dhaliil ay yeelan karto marka loo’eego soomaalida kale
, waayo horay ayaa looyiri Maamul la’aanta waxaa kafiican maamul xun , waayo
ujeedada loyiri ayaa ah mar hadii aanay dadku lahayn wax nadaam ah waxaa
dhacaysa in lays dhoco lays laayo lays kufsado laysbarakiciyo , waxaa kaloon
garan karnaa waxa kajiray koonfur hadii aan guud maro in ay dhacday in dadka
lasaaro miizaan oo markaa laga qado inta uu gaaro miizaankiisa meel ay caalamka
kadhacday lamahayo heer noloshu sidaas isku badasho ayay noqotay koofurta
somaliya oo ay caasimad u tahay muqdisho ,
Waxaa kale oo intaa siidheeraa qabqablayaal samaystay gobo ay kataliyaan oo
ay ka’eegtaan maslaxadooda oo kaliya taasoo aan ahaan Karin ama lagu tilaami
Karin maamul haba xumaado hadii uu rabee , iskudaalin mayo kahadalka gobolada
koonfureed ee Somalia , aan u soonoqdo hadalka kale ee ah madaxwaynaha cusub ee
c/raxmaan sheikh maxamed faroole ,
Waa madax wayne cusub aan garan karno inta uu yahay madaxwayne xaqiiqdii
xilli wax laga sheego ama ladhaliilo lama gaarin waxaa kale oo jira inta u yahay
madaxwaynaha inta uu qabtay waa wax farax galiyay umada rer puntland ,
C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole waxaa lagu doortay Cod aqlabiyad leh oo
gaaraya 49 xubnood dadka doortay waxay ahaayeen xubnihii baarlamaanka puntland
oo kakoobnaa 66 xildhibaan ,
Lama oran karo Madaxwayne C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole Xukunkii Puntland
ayuu boobay lamana oran musuqmaasuq ayaa lagu doortay waxaadna kagaran kartaa
habka ay udhacday doorashada ,
Gobolada |
Cod |
No |
Murashaxiintii Puntland |
W 1aad |
W 2aad |
W 3aad |
Bari iyo Karkar |
21 |
1 |
C/raxman Farole |
25 |
33 |
49 |
Gobolka Nugaal |
9 |
2 |
Ilka Jiir |
14 |
18 |
17 |
Gobolka Mudug |
10 |
3 |
Nuuradiin |
8 |
11 |
|
Gobolka Sanag |
11 |
4 |
Ade Muuse |
8 |
4 |
|
Sool iyo Cayn |
15 |
5 |
Gaadaale |
4 |
|
|
Guud ahaan |
66 |
6 |
Sa’id Raage |
4 |
|
|
|
|
7 |
Ali Abdi Aware |
3 |
|
|
|
|
8 |
Farjac |
0 |
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Guud ahaan |
66 |
66 |
66 |
Hadalka ah idooro aan kukala faquuqee Ee kasooyeeray Daahir Warsame
hadalkaasi waa hadal run ahaantii uusan mutaysan Madaxwayne C/raxmaan Sheekh
Maxamed Faroole ,
Ugu dambayntii waxaan walaalkay kula talinayaa hadalka noocaas oo kale ah ee
uu labeegsanayo dadka masuuliyiinta ah in uu kafiirsado , hadii wax
ladhaliilayana sidaasoo kale wax looma dhaliilee waxaa jirta asluub iyo dariiq
loomaro adigoo aan kugafayn dadka ,
Wabillaahi tawfiiq ,
C/risaaq Wiilcade
Tel: 252 90 747473
Email:
Tirmidi1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 6, 2009