Warbixin ku saabsan horumarka magaalada Badhan ee gobolka Sanaag
Sawiraada Halkan ka daawo
Magaalada Badhan ayaa noqotay Degaanada Maamul goboleedka Somaliyeed ee Puntland
Meelaha aadka uhormaray, waxaynaa horumar fiican ka
Gaadhey dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dhismayaasha casriga ah ee laga
Dhisayo iyo Weliba dhanka Dhaqaalaha oo aad looga dareemayo Magaalda Badhan isla
markaasina aad ku arkaysid guryo aad u qorxoon oo waawayn iyo jidad dhaadheer oo
u kala dhexeeya, warshado kala duwan iyo suuqyo waa wayn oo dadku ku ganacsado.

Magaalada Badhan ayaa waxay bedeshay dhinaca korniinshaha iyo waynaanta
magaalada Ceerigaabo oo ahayd magaala madaxda gobolka Sanaag, waqtigii
dawladii hore ee Somalia jirtay, balse aan wax ku kordhin sidii dagaalki sokeeye
uga dhacay wadanka Somalia.
Magaalada Badhan ayaa wax ay leedahay Meherado ganacsi oo aad u waawayn kuwaasi
oo ay soo camiraan kumanaan ruux oo Degaankaasi ku dhaqan
iyo kuwo kaleba,Waxaana Dhowaan Xariga si rasmi ah looga Jari donaa Hotel sadex
Dabaq ah oo aad u qorxoon gudihiisana aay Masaafo dheer ku
dhex lugaynaysid ,Dabaqan ayaa la sheegay in laga furi doono Hoteel caalami ah
oo isugu jira Qaybaha kala duwan ee hudheelada sida Qaybta
hurdada,qaybta cuntada,qaybta daawashada iyo dalxiiska Weli waxa uu ku
mashquulsan yahay Maamulka Hoteelkaasi sidii uu bulshada u qancinalahaa
oo waxkasta ugu soo bandhigi lahaa Hoteelkan
Magaalda Badhan ayaa waxa kale oo aay leedahay afar Secondery School, iyo Laba
school ookale oo lagu barto farsamada gacanta, schooladaas oo ay ku
xedhaysanyihiin School kasta caruur gaaraysa 500 oo arday oo agoon ah, lagana
soo kexeeyeey degmooyinka Gobolka Sanaag ka kooban yahay, waxaa barnaamijyadan
caruurta agoonta ah noloshooda lagu horu marinayo fulisay hay ada Hornrelief oo
ka hawl gasha gobolka Sanaag.
Ahmed Siciid
Badhan, Somalia
asiciid@gmail.com