SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mar bay xurmado xurquun noqota:

Maxaa ka dhashay Asaaskii madaxtinimada Puntland

Ka dib markii la arkay xalada dhabta ah ee ka jirta soomaaliya, ayaa waxaa la istusay inta laga gaaraayo soomaali weyn in la sameeysto maamul goboleed si ay uga tashadaan dadka reer puntland aayahooda iyo danahooda gaar ahaaneed,waxaa halkaas laga dhisay maamulkii ugu horeyay oo la  dhisay sanadkii 1998kii, iyadoo lagu doortay baarlamaan ka kooban 66 xildhibaan, ka dibna waxaa la doortay madaxweynihii ugu horeyay oo ahaa Col. C/llahi Yusuf, maamulkii halkaas ka dhashay waxaa loo bixiyay i dooro aan ku dilee, mudo yar ka dib waxaa ka dhashay maamul goboleedka puntland isku dhac hubaysan, kaas oo keenay in ay dhalinyaro badan oo ka tirsanaa ciidamadii maamulka horeyna u ahaa ciidamo beeleedyo lana kala saftay siyaasadii halkaas ka abuurantay, taas waxay keentay  in beelaha  reer puntland aysan ku mideysaneyn siyaasadda guud ee Puntland xiliyadaas. 

Markii uu dhamaaday xiligii col. Yusuf, waxaa bedelay madaxweyne Jeneraal Cade, wuxuu uu dhisay dawlad ka kooban wasiiro iyo wasiir-ku-xigeeno, haddaba maxay ku soo kordhisay maxayse ka bedeshay dawladaan cusub oo uu hogaanka u hayo Cade? Waxay ahayd dawlad ku hawlan ganacsi, shiidaal aan jirin iyo safaro tiro badan oo ay mas’uulinta ugu sareeya ay ku kala gooshayeen gudaha iyo dibedda dalka, waxaan filayaa in aysan wax la taaban karo aysan ku soo kordhin puntland, dadka reer puntland ayaa waxay ahaayeen kuwo iyagu la harjadayay sidii ay isku maareeyn lahayeen iyagoo naftood aaminayaa oo wixii ay awoodooda ah ku tashanaya, maamulkii halkaas ka jiray ayaa loogu magac daray i dooro aan ku madadaliyee. 

Markii la shaaciyay in la qaban doono doorsho cusub oo ka hana qaada maamul goboleed puntland ayaa dadk reer puntland waxaa gashay rajo weyn iyagoo ku haaminayay isbedel weyn oo ka dhacay maamul goboleed puntland, dadkuna aad u daalana kuna hadaaqayeen tollow maxaa isbedel ah oo imaan kara hadii doorasho ka dhacdo puntland, doorashadaas oo aad loo xayeesiiyay dalka gudihiisa iyo dibeddaba, markii la gaaray waqtigii doorashada, ayaa dorba waxaa soo baxay musuqmaasuq lagu soo xulay xubnihii baarlaanka puntland oo ka koobnaa 66 xildhibaan, 8 Janruary 2009, ayaa waxaa la doortay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, oo ay doorteen xildhibaano markii horeba ku yimid si aan cadaalad ahayn, marka maxaa ka imaan kara dawlad xildhibaanadooduba ahaayeen kuwo ku yimid cadaalad daro iyo eex, miyasen ahayn arrinto hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho, maxase loogu  magac dari kara dawladaa, way fudud tahay magaceedu i dooro ha ku kala faquuqee, maalmo yar ka dib waxaa soo shaac baxay in beelihii reer puntland in lagu dhexbeero colaad, kalsooni daro iyo xurmo la’aan taas oo ka dhalatay falal gundhig u ah habkii xumaa ee ka dhashay nadaamkii loo soo xushay ergadii xildhibaanada degaanada puntland iyo maamulkii looga dhawaaqay maamul goboleedka puntland oo aan ahayn mid cadaalad, dhaqan iyo siyaasad toona aan ku saleysnee, ee ahaa mid ku salaysan hab qabiil, hadaba akhristoow qabiil maamul ma noqon kara? Jawaabto waa maya, owrka waraf ma lagu daye. Maxaase fa’iido ah oo laga helay isbedel doonkii puntland, waa waxba. 

  • Xurmadu mar bay xurquun noqota
  • Xaajo aan xushmad lahayn xurguf iyo xasarad bay xeerisa
  • Xisaab iyo xeerar bay kula gashaa
  • Xulashadii xukumadii faroole, xiisadii ka soo yeertay xisaab baa ka dambeeysa
  • Xukuumad aan xeerarkii dastuurka xormeeynayn
  • Xisaabaa u dambeeysa
  • Xildhimaan aan xafideyn xeerarka dastuurka
  • Xisaabaa u dambeeysa. 

Dahir Warsame – Mbc
UK 
dwarsame@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 5, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS