SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Maraykanka oo Puntland u Gacangeliyey Sagaal nin oo Burcadbadeed ah

Xalay (Feb 3, 2009) abaarihii 6dii maqribnimo ayaa sagaal Nin oo Burcad badeed ah lagu wareejiyay maamulka puntland waxaana burcadbadeedaas soo qabqabtay Ciidamada Ameerikaanka ee kusugan Badweynta Gacanka cadmeed ee aagga Soomaaliya .

Dekeda magaalada bosaso meel dhawr mayl u jirta waxaa soo istaagay markabka nooca dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada xeebaha ee maraykanka oo siday sagaalkaas burcad badeeda ah .

Maamulka puntland ayaa burcadbadeeda kula soo wareegay mid ka mid maraakiibta ilaalada xeebaha ee puntland cost guard la yiraahdo, amaanka dekeda xalay waxaa si weyn u sugayey ciidamada amaanka oo aad u tirabadnaa waxaa sidoo kale xalay la xiray wadooyinka soo gala dekeda magaalada bosaso intii ragga lala kala wareegayey.

Taliye kuxigeenka ciidamada policeka ee puntland maxamed siciid jaqanaf oo warbaahinta la hadlay isagoo dekeda ku sugan ayaa sheegay in maraakiibta ciidamada maraykanku la soo xiriireen sadex maalmood ka hor isla markaana ku wargeliyeen inay ku soo wareejinayaan burcadbadeedka ciidamada maraykanku qabqabteen

Gudoomiyaha gobolka bari muuse geelle ayaa isna sheegay in sida dhakhsiyaha badan loo horgaynayo maxkamad kooxdaas buracadbadeeda ah.

Ugu dambayntii sagaalkii burcadbadeeda ahaa waxaa loo galbiyey xabsiga weyn ee magaalada bosaso waxaana isla xabsigaas ku jira rag badan oo ku eedaysan falal burcadbdeednimo waxayna sugayaan in la horkeeno maxkamad.

Maamulka puntland dhawr jeer ayaa loo soo gacangeliyey kooxo burcadbadeed ah waxayna tani noqonaysaa markii ugu horaysay oo ciidamada ilaalada xeebaha gacanka cadmeed ee maraykanku ku soo wareejiyaan maamulkan puntland koox burcadbadeed ah.

cabdirisaaq xasan cabdi
cabdirisaaqjuba@hotmail.com
bosaso somalia

Faafin: SomaliTalk.com | March 4, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS