Lix Xarumood oo ku yaal Gobolka Banaadir oo laga bilaabey Tababarka
Dhalinyarada Kubadda Cagta
Sawirada Halkan ka daawo....
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada
cagta ayaa bilaabay dabayaaqadii todobaadkii tagay tababar kubada cagta ah oo ay
qaadanayaan dhalinyaro da’doodu u dhexeyo 14-16 jirro, taas oo qeyb ka ah qorshe
sanadkeedka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta si loo soo saaro dhalinyaro ku
wanaagsan kubada cagta oo calanka Soomaaliya ku difaaca tartamada caalamiga ah
ee mustaqabalka.
Kaaliyaha xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Xasan Maxamed
Maxamuud oo saxaafda kula hadalay xarunta xiriirka kubada cagta maalintii
Isniintii ayaa sheegay in xiriirku uu magaalada Muqdisho ka furay ilaa iyo lix
xarumood oo midiiba ay ku tababar qaadanayaan 40 dhalinyaro ah.
Waxaan hadda ku guuleysanay in aan bilowno wajiga hore ee barnaamijka tababarka
dhalinyarada oo ka furmay magalada caasimada ah,waxaana qorshaha noogu jirta in
lix xarumood oo kale aan ka furnmo gobalada 4 bilood kadib”ayuu yiri kaaliyaha
xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta xasan farey.
Mr. Farey ayaa sheegay in barnaamijkan tababarku uu socon doono mudo sadex
sanadood ah iyadoo afartii biloodba mar dhalinyarada laga qaadi doono imtixaan
lagu kala ogaanayo heerarka ay ka marayaan kubada cagta.
“Dhalinyaradani mustqabal wanaagsan ayay ku leeyihiin kubada cagta ,waxaana ku
rajo weynahay in ay guul kasoo hoyn doonaan cayaaraha CAF iyo CECAFA ee under
17, under 19 iyo under 20”ayuu kaaliyaha xoghayhu hadalkiisa sii daba dhigay.
Waa markii ugu horeysay ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu aas aaso
xarumo sidan oo kale loogu tababarayo dhalinyarada lagu bar barinayo cayaarta
kubada cagta, waxaana tani ay qeyb ka tahay barnaamijka horumarinta kubada cagta
dalka Soomaaliya ee xiriirku bilaabay.
Soomaaliya ma lahayn dowlad dhexe oo shaqeyneysa mudo18 sanadood ka badan ee la
soo dhaafay xiligaas oo ay bur bureen dhamaan Hey’adihii Qaran laakin xiriirada
Isboorti ee dalka oo kan kubada cagtu uu ugu weyn yahay ayaa tan iyo waqtigaas
kor u siday calanka Soomaaliya oo ay dalkan ku matalayeen kulamada isboorti ee
caalamiga ah.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 4, 2009 |